SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

FARXADDA QALBIGA OO BADISA CAAFIMAADKA BINI’AADAMKA 

C/raxmaan Shariif Max’ed {Taysiir}

Email: taysiir55@hotmail.com  

Daraasad cusub ayaa shaaca ka qaadday, in qalbiga faraxsan uu u suuragaliyo qofka inuu caafimaad wanaagsan helo, waxeyna daraasaddu intaa ku dartay, dadka sheega iney dareemayaan sida ay wax u arkaan iney fiican tahay, iney aad ugu hooseeyaan Hormone Alchortesol-ka tayadiisa, taasina ay horseed u noqoto xanuunno daba dheeraada, inuu sare u kaco cadaadiska dhiigga, iney calooshu buurato, iney fadhiid noqdaan shaqooyinka habka difaaca ee jirka iyo dhibaatooyin kale oo qofka la soo gudboonaada. 

Daraasaddan oo uu hoggaaminayey Dr. Andrew Steptu oo ka tirsan  Jaamacadda iyo College-ka London, ayna kala qeyb qaadanayeen dad ku dhaw saddex kun oo qof oo laga soo xulay dad qaangaaro ah isla mar ahaantaana caafimaadkoodu uu heer sarreeyey, ayaa lagu ogaaday in dumarka haysta rajooyinka la hubo ee caadiga ah, inuu hooseeyo laba proteins heerka dhiigoodu, taasoo tilmaameysa in xannuunnadu ay jirka ku badan yihiin, ama ku faafaan. 

Waxaa la rumeysan yahay in jirrooyinka muddada badan qaata, marka lagu daro wakhtiyadooda is xigxiga, iney qofka u marti geliyaan cudurro halis ah, sida: Wadno Xanuunka iyo Kansarka, (Cancer). 

Daraasad sameeyayaashu waxey muddo dheer baaritaano ku hayeen, in dadka ugu farxadda badan ee rajooyinkooda noloshu ay sarreeyaan, ay ka caafimaad badan yihiin, kuwa ku hoos jira cadaadiska, una janjeera ama ay u badan tahay iney cadow u gacan galaan, iyo dadka sida joogtada ah wax u baaseysa, isla mar ahaantaana sida xun wax u rajeeya, ee aan dareemeyn farxadda, kuwaasoo ay sheegeen marka dambe iney halis u yihiin cudurro, laakiin, sababta ay arrintaasi ku timaado waxey sheegeen iney wali ku hawlan tahay daraasaddu sidii ay u ogaan laheyd. 

Steptu wuxuu sheegay in waxyaabaha la filan karo ay ka mid tahay, qofka ay farxaddiisu badan tahay, iney suuragal tahay inuu ku noolaado nolol caafimaad leh, laakiin macnaheedu ma ahan daraasadaha oo dhami in lagu ogaaday taasi iney tahay sababta, wuxuu intaa ku daray, “Taasi daraadeed, ayaa annagu waxaan baaritaanno ugu jirnaa, oo si toos ah aan uga doodeynaa, Biological ahaan xiriirka tooska ah ee ka dhaxeeya arrimahan caadiga ah iyo caafimaadka”. 

Marka loo fiiriyo Steptu aragtidiisa natiijooyinka saxda ah ee la sii barbardhigo caddeymaha ku saabsan xaaladda caadiga ah ee farxadaha iyo niyad kacsanaanta ama qiirada, waxaa isku xirmaya jawaab celinta Biological-ka iyo ilaalinta ama difaaca caafimaadka, "associated with biological responses protect health.". 

Waxaa xusid mudan in daraasadahani lagu shaaciyey wareegto Mareykan ah, oo ku saabsan cilmiga Epidemiology, (periodical American Epidemiology) waxeyna daraasaddu kulmisay saddex kun 873 qof, oo Rag iyo Dumar isugu jira, kuwaasoo da’doodu ay u dhaxeyso 50 sanno ilaa 74 sanno.

C/raxmaan Shariif Max’ed {Taysiir}

Email: taysiir55@hotmail.com  

Afee: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 7, 2008

somaliMadax ka Tirsan Isbaheysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya oo si Diirran Loogu soo Dhaweeyey Magaalada Bermingham ee dalka UK... Akhri....

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com