SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

2007-da Sanad Ba'ay dheh!!!

Bashiir. M. Xersi.
brdiraac@hotmail.com.
Tripoli-Libya.

Waxaan halkaan ku soo ban dhigayaa tilmaam guud oo ku saabsan sanadkii 2007-da ee tagay, waxaana ku cabbirayaa Maanso Deel qaaf ah, ama Qalin-Ku-Qorka Qoraaga, anigoo filaya inay idin cajab galin doonto, Maansadiina waa tan:-

Sooyaalkii la soo maray
Sabanka aynu Joogniyo
Saadaasha Aayaha
Sanadkaan Xumaantiis
Si kaluu ku Muuqdee.

Sanadow maxaa tahay?
Sanadow sidee tahay?
Sina kumaan Iloobee!!!.

Saban xumada Baahdee
Saqiiradii la Dhibayee
Samihii la Garab mray
Salalkii Hurdadiyo,
Saqda dhexe Habeenkii
Soo Bood ku Waashoo
Sina ku Gam'i waayee.

Sanadow maxaa tahay?
Sanadow sidee tahay?
Sina kumaan Iloobee!!!.

Suuqyadii la Boobee
Silcadii la Dhacayee
Sayladihii la Xirayee
Sicir-bararka keentee
Sarreentiyo Burkiyo
Sokortiyo Bariidkii
Sodon jeer Jibbaarmeen.

Sanadow maxaa tahay?
Sanadow sidee tahay?
Sina kumaan Iloobee!!!.

Sawaaqridii la Ganayee
See kaa uu-gii la ridayee
Sawaxankii Gantaaladee
Shacabkii Xasuuqmee
Sarihii la Dumiyee.

Sanadow maxaa tahay?
Sanadow sidee tahay?
Sina kumaan Iloobee!!!.

Silicii la soo maray
Sanadihii Tabaalaha
Sanadkanaa ka duwanaa
Siyaadana la yimidoo
Sara maray kuwii hore
Siyuu Misfin iyo Gabriyo
Seeraar iyo Garam-garamee
Sirqaboo dhan soo dhoob
Saqajaanoo dhan soo tub
Sarriig aan lahaynoo
Saxarkiina Badayee
Soomaalidiina noqotee
Sariir yaal Bukaanoo
Sara joogi waayoo
Saan qaadkiina gabayoo
Sarreeyoow ilaahow
Saw la heli maa Dabiib
Saadaasha Muuqatiyo
Sirahaa Qarsoomay
Siday tahay u soo tabin?!.

Sanadow maxaa tahay?
Sanadow sidee tahay?
Sina kumaan Iloobee!!!.

Sad bursugaan Aguugmee
Saamigaan la Boobee
Sokeeyahan la Beegsaday
Siyaasaddaan Qaribanee
Soomaalidu ku Hoogmeen
Saboolnimada Baahdee
Saxarahaa Ballaaranee
Soodin aan lahaynoo
Saadaal Hummaagoo
Socdeen Maalmo Badanee
See-ga Cas iyo Mediterraneankee
Sabbeeyeen Korkeedee

Sanadow maxaa tahay?
Sanadow sidee tahay?
Sina kumaan Iloobee!!!.

Saraakiil Qaribanoo
Saxaloo Luggooyaa
Sir Shisheeyo Huwanoo
Si xun Maamuleenoo
Sal la'aan Hoggaansheen!!!.

Sanadow maxaa tahay?
Sanadow sidee tahay?
Sina kumaan Iloobee!!!.

Sarihii laga Qexee
Siraadyadii la Gooyee
Saad la'aan Hayaankii
Sibraaradiina Maranee
Soortii la waayoo
Sabi iyo Cirroolaba
Salowgii ka Baxayee
Sow taa la Qariyee
Sarreeyow Ilaahow
Soomaali Hoogtee
Sidaan maysu dhaamaan?!
Sinnaan wada midooban
Saxar li'i wadaagaan
Sidaasaa Gobanimiyo,
Saramarid ku Higataa!.

Sanadow maxaa tahay?
Sanadow sidee tahay?
Sina kumaan Iloobee!!!.

Dhamaad.

Maanso Deel Qaaf ah, ama Maansada Qalin-Ku-Qorka Qoraaga.


Bashiir. M. Xersi.
brdiraac@hotmail.com.
Tripoli-Libya.

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 7, 2008

somaliMadax ka Tirsan Isbaheysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya oo si Diirran Loogu soo Dhaweeyey Magaalada Bermingham ee dalka UK... Akhri....

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com