SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - LAASCAANO

Waxaan go,aanasaday inaanan cunin oo cabin ilaa aan ka helo xuquuqdaydii Muwaaddinimo oo dahamaystiran

waxaa wali jeelka magaaladda laascaanood ku jira wariye Cabdicasis Saleebaan Axmed oo ah wariye madaxbanaan horayna ugu soo shaqeeyey Warbaahinta Mandaqadda SSC, waxa uu Cabdicasis wariye ka ahaan Radiolaascaanood, Wakiilka Soomaaliya ayuu ahaa Jidbaale inkasta oo uu dhawaantan ka tagay

Ciidamada ka amar qaatay Maamulka hadeer gacanta ku hayaa magaaladda laascaanood ayaa Wariye cabdicasis ka soo qabtay magaaladda ka dibna waxa ay keeneen Jeelka weyn ee magaaladda laascaanood, ma jirto sabab ay ku haystaan Mr Axmed iyo cid Maamulka Hargaysa ah oo ka hadashay

Waxa ay u geysteen Jirdil iyo Handadaad mudooyinkii uu ku jiray Jeelka, waxaa kale oo intaas dheer in wariye cabdicasis ay aad u liidato xaaladiisa Noladeed ka dib markiia ay ku xidheen qol aad u yar oo aan ku wacnayn dhinac walbaba

Cabdicasis Saleebaan Axmed ayaa Mudooyinkan waxba cunin waxna aan cabin oo ka soomay ka dib markii uu garowsan waayey wax lagu haysto aan waan cidina u sheegin, Maxkamadna aan la soo taagin, kol ay koox wariyayaal ah ku booqdeen Jeelka ayaa waxa uu u sheegay in uu Sooman yahay intan iyo inta loo sheegayo wax lagu haysto waxana uu yidhi "Waxaan go,aanasaday inaanan cunin oo cabin ilaa aan ka helo xuquuqdaydii Muwaaddinimo oo dahamaystiran"

ma ahan markii ugu horaysay ee ay Maamulka Hargaysa Jirdil, Xadhiga iyo Handadaal u geystaan Saxaafadda Deegaanadda SSC tan iyo intii ay la wareegeen gacan ku haynta Magaaladda Laascaanood

Dhawaan ayey xidheen Labo wariye oo ka socday web-pageka casuura  waxa ayna ku sheegeen in ay fikirka Hargaysa ku sheeqeeyaan hase yeesheen Wariyaasha Casuura  ayaa ka diiday sheegayna in ay Rabitaanka shacabka ka turjubayaa mar walba iyo koor walba, sidoo kalana aysan indha ka qarsan dooni wararka iyo dhacdooyinka ay Ciidanka Hargaysa u geysanayaa Shacabweynaha Deegaanka

Waxaa wali xidhan Radiolaascaanood oo ay Maamulka Hargaysa joojiyeen in ay hawl gash hadii aysan ku hadlayn Magaca Maamulka Daahir Riyaale Kaahin, waxa ayna Shaqaalihii iyo Maamulkii Idaacadu ay hadeer Qaxoonti ku yihiin Magaalooyinka kale ee Puntland iyaga oo Nabad biday ka dib markii Maamulka Midnimo-diidku ay Hanjabaado iyo Goonido xoogan kala kulmeen

ma jirto cid wali ka hadashay Caburinta iyo Handadaadda lagu hayo Wariyaayasha iyo Saxaafadda xorta ah ee Deegaanka SSC hadii ay ahaan la hayd Beesha Caalamka iyo Haayadaha u dooda Xaquuqda Suxufiyiinta

Cabdiqani makhtal Maxamed
Cmakhtal@hotmail.com
254726950180

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 6, 2008

Golaha Wasiirada Xukuumadda Cusub ee Col. Cadde oo La dhaariyey
Sabtidii waxaa magaalada Baydhabo lagu dhaariyey 12 wasiir iyo 5 wasiir xigeen oo kamid ah 23-ka xubnood ee uu ka kooban yahay golaha xukuumadda col. Nuur Cadde... Dhegeysi/Sawirro

Minnesota: Jaaliyadda Reer Kenya oo Qoraal u Gudbiyey Sen. Coleman
kenya
Minnesota Somali Kenyans, Kenyans, iyo saaxiibadood ayaa Senator Coleman u  gudbiyey cabasho kusaabsan fowdada iyo qalalaasaha doorashada Kenya.... Akhri warbixinta...

C/Laahi Yuusuf "waa nin meelahaas markasta wixii uu rabo iskaga hadla, wax kasoo qaadna ma leh wixiisu..."
Sidas waxaa yiri Daahir Riyaale oo si kulul uga jawaabey hadalki C/laahi Yuusuf ee ahaa... Akhris/Dhegeysi...

Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com