SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO

RABSHADAHA KENYA, XUDUUDO KA TALOW, DARIS XAMAASADEYN IYO XAALAD DHAQAALE XUMEYN.__XAALKU WAA SEE??

KADIB TODOBAAD SI ISDABA JOOG AH EEY DALKA KENYA OGA DHACAYEEN RABSHADO DHIIG BADAN KU QUBTEY, AYAA RABSHADAHAASI WAXA EEY SAMEYN NOOCYO KALE DUWAN AH OO XAG DHAQAALE IYO XAG DEGENAANSHABA LEH KU YEESHEEN WADAMADA DARISKA LA AH, UGANDA , CONGO, SOUTH SUDAN IYO TANZANIA.

Tanzania: ugu yaraan illaa 4 xisbiyada mucaaradka dalka tanzania ayaa ku dhawaaqay banaanbax eey ku taageerayaan xisbiga mucaaradka kenya ee ODM, xisbiyadanai oo kala ah (Civil United Front (CUF), NCCR-Mageuzi, Tanzania Labour Party (TLP) and h Chadema -). xisbiyadani ayaa warqad ogolaansho_weydiisasho ah oo si wada jir ah eey u qoreen u gudbiyey police-ka, hase yeeshee saraakiisha police ka ayaa mabnuucid kusoo rogey oo sheegey in eey mabnuuc tahay in la sameeyo wax isu soo bax ah oo taageero u ah dhinac ka mid ah dhinacyada kenya isku haaya, oo yiri waa xiisad dhalin iyo xamaasad abuurid. hadalkaasi iyo mabnuucidaba waxaa si cad og soo horjeedsaday xisbiyada oo sheegey in warqada eey u direen eey eheyd mid ogeysiin ah oo kaliya , oo eeysan wax ogolaasho ah oga baahneyn police-ka, waxay intaasi ku dareen xisbiyada laftooda tirsanaya wax isadaba marin doorasahadii 2005ta ka dhacdey dalkaasi, gaar ahaan jasiiradaha Zanzibar. waxay sheegeen in aamusnaanta dowlada ee arrinta kenya ee muujineyso in eey raali ka tahay awood boobka kibaki.

Uganda: dalka uganda ayaa laga soo sheegayaa shidaal la'aan ba'an oo la sheegey ineey xaaladu gaartey heerkii ugu xumaa, uganda oo ah dal badda ka xiran ayay badeecooyinka gaaska uu ka mid yahay waxa eey usoo maraan dekeda Mombasa, ee iminka xiran, sidoo kale qiimaha maciishada ayaa sare usii kacaysa, waxaa intaasi udheer in kumanaan dad ah oo kenya ka bara kacay eey galeen uganda, iyadoo ciidamada qalabka side eey dowlada uganda xadkeeda soo dhoobtey, uganda waa dolada kaliya ee afrika ah ee hambalyo u dirtey madaxweyne Kibaki, madaxweynaha Uganda oo isagu rubuc qarni xilka si xoog ah ku heystey, dhow doorasho oo uu sameeyeyna lagu sheegey kuwo ku shubasho eeysan ka marnay.

saxaafada dalkaasi ayaa dowlada ku eedeysay in eeysan wax muhiimad ah siinin caadiyeyta xariirka uu dalka la leeyahay tanzania oo iyada deked leh, oo dalka wax oga imaan karaan,

Dhanka kale, dalalka congo iyo koonfurta Sudan aya ka mid ah meelaha saameynta xoogan ee xag dhaqaale ah eey ku yeelatay xiisadaha Kenya ka jira, dadlkani ayaa ganacsi ahaan ku xiran tekeda Mombasa, oo kala soo dega dhamaan daruuriyaadka nolosha, oo shidaalku ugu muhiimsanyahay, waxaa kaloo ka mid ah guntooyinka noocyada kala duwan, tan iyo intii kenya eey rabshaduhu ka biliwdeena ma jirin wax xamuul ah ama gaadiid ah oo dhankaasi ka aaday kenya, waxaana lagu soo waramayaa in shixnido farabadan dalalkaasi ukala socdey eey ku xayiranyihiin Mombasa, mana muuqado qaab loo furdaamin karo, haddii eeysan ka ahayen in loo dhoofiyo dekada Dar-as-salaam ee dalka Tanzania oo halkaasi looga sii dhoofiyo meelaha looga baahanyahay.

Soomaaliya ayaa sidoo kale eey wali xirantahay xuduuda eey Kenya la wadaagto, iyadoo eey wali jiraan qixii dadka goobo soomaaliya ka mid ah kasoo barakacaya, sidoo kale ma jiraan wax qanacsi ah oo ka dhex jira labada dal.

c/naasir axmed. sh . bashiirr saxansoxo: Email: saxansoxo1@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 5, 2008

Golaha Wasiirada Xukuumadda Cusub ee Col. Cadde oo La dhaariyey
Sabtidii waxaa magaalada Baydhabo lagu dhaariyey 12 wasiir iyo 5 wasiir xigeen oo kamid ah 23-ka xubnood ee uu ka kooban yahay golaha xukuumadda col. Nuur Cadde... Dhegeysi/Sawirro

Minnesota: Jaaliyadda Reer Kenya oo Qoraal u Gudbiyey Sen. Coleman
kenya
Minnesota Somali Kenyans, Kenyans, iyo saaxiibadood ayaa Senator Coleman u  gudbiyey cabasho kusaabsan fowdada iyo qalalaasaha doorashada Kenya.... Akhri warbixinta...

C/Laahi Yuusuf "waa nin meelahaas markasta wixii uu rabo iskaga hadla, wax kasoo qaadna ma leh wixiisu..."
Sidas waxaa yiri Daahir Riyaale oo si kulul uga jawaabey hadalki C/laahi Yuusuf ee ahaa... Akhris/Dhegeysi...

Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com