Qabsashada Soomaaliya
iyo Xuduud isu furida.
Caadooyinka Reer
Galbeedka waxaa ka mid ah inaysan jeclayn
dowladaha ay militerigu xukumaan ama
dowladaha ay ka taliyaan keli-taliska ah,
waxaana ay ugu marmarsiiyoodaan oo ay ku
doodaan in loo baahan yahay in dalkaasi uu
noqdo mid dimoqraadiyad ka jiro oo furfuran
dunida irdaha u furta oo la soo geli karo.
Caadooyinkaan waa la ogaa oo maxaa ka
dambeyay sidee bayna hurumar u gaarsiiyen
fekradoda.
Riyada Itobiya, yaase
rumeyay yaase hore u doonay in uu u hirgalo
waxay ku riyooto Itobiya, xukunkii
Gen.Maxamed Siyaad Barre, waagana uu xariir
wanaagsan la lahaa taliskii hanti wadaaga ee
Ruushka, Madaxwaynihii hore marku biloway in
dib loo soo celsho dhulka Soomaaliya, ka
maqan ee S/Galbeed, dowladda Soomaaliya,
markii ay wadda shirayn ayaa la doonay in
dagaal lagu qaado Itobiya, isla markiiba
waxaa wafdi balaaran soo dirsatay Dowlada
Ruushka, oo Gen.Siyaad Barre, lagu yiri oo
maxaad u weerari Itobiya, Madaxwey nahana
wuxu ku jawaabay dhulkayagii baan dib usoo
ceshan, wafdigii Ruusha, ayaa ku nuuxnuux
saday oo anagii barnaamij balaaran u wadnay
in lawada mideyo Soomaliya, K/Yaman iyo
Itobiya, waagana Eritrea,ay Itobiya,
haysatay barnaamijka aay Ruushka, usoo
bandhigayn Gen.M.S.Barre, in xuduudaha
laysu wadda furo caasimana loogu dhigo
Addis-ababa, in laga hirgeliyo dhismaha
hanti wadaag caalami ah, wafdiga uu soo
dirsaday Madaxweynihii hore ee ruushka.
Bresniev, Riyadii Itobiya iyo Riyadii
Ruushka, Gen.M.S.Barre, ka biyo diiday in
xuduud laysu furo iyo dhismaha hanti wadaaga
caalamiga ah, isla maalintaa ayuuba
burburay Riyo walboo lala doonay Soomaaliya.
Soomaaliya oo Itobiya,
weerartay caalamkana nagu jeestay markii
Itobiya, laga taabtay taasoo aay u
haysteyn in ay gabadhoodu tahay oo
caalamkiina miyay yeelayaan in gabadha laga
taabto, dagaalkii bilowday ciidanka xoogga
dalka, lama aysan dagaalamin ciidanka
xabashida uun balse ciidan kayna waxay
dagaal la galayn dhowr qubado waawayn kana
mid ahaa K/Yaman, Kuuba, Aljeeriya iyo Est
germany, intooda ku bahoobay magaca hanti
wadaaga waxaa inoo haray Liibiya, oo sii
toos ah Soomaaliya, guda iyo dibadba marna
joojin inay basaasan dhaqdhaaqa ciidankena
aayna maagaliyaan wadamada dagaalka nagula
jiray oo Liibiya, maxay u samaysay inay
dagaal adag sidaa inoogu qaadan soomaali
haddaan nahay aana saaxiib ahayn mid un
odaygaa la yiraaho Mo'amar Khadafi, waaba
aabaha Jamaahiiriyada ( bulsha waynta)
waana mid aay wali caado u tahay in la wada
mideyo Afriko idil, waa riyo kale odaygaa
khasnada oga jirto, maalin buu jahawareer
noloshayna ku biiri doona siday caadada u
tahay.
balse maantadan xukunkii
hanti wadaaga ma jiro Ruushkiina, oo waxaa
badalay hanti wadaag kale la magac baxay la
dagaalanka argagixisada, Ruushkiina baxay
Marekan yimid oo sida barnaamij balaaran
isu furka xaduuda Soomaaliya iyo Itobiya,
ayago ku marmarsiiyoodaan argagixiso ayaan
ka doonaynaa gudaha Soomaaliya, arintaana
waxaa u sabab ah in loo xalaaliyo Itobiya,
oo hore sii wanaagsan ugu faa'iday inay
guryo ka kiraystaan ayna aad inoo
dhaxgalaan, inta oga badan sheegta dad
maskiin ah oo ka ganacsada Soomaaliya,
xaqiiqa dadkaa inta oga badan waa hay'ada
sirdoonka Itobiya, ku howgalaayay mudo badan
Soomaaliya,taasoo Liibiyana, ka mid ahayd
eyadoo aay ku nuuxnuuxsato inay u joogan
qaab diplomasi nimo iyo gacan siinta
walaalahoda Soomaaliyed, dhiban taasoo hore
loogu soo daabacay jariidat la yiraaho "
juene afrique L'INTELLIGENT" in odayga
jahawareer miiranka ah ee Khadafi, marku
heshiiska la galay xukunka G.Bush, uu wada
iibshay Culumada Soomaaliya, uuna bixiyay
magac yadooda iwm.
marka la dirirka
Soomaaliya, maaha middii inoogu horaysay
haddaan dagdag loo helin shacab midaysan, ka
hortaga weerar walba iyo isu day dambe aan
lagu qaban dalkeena.
waxa haddaba jirta in
dowladaha Reer Galbeedka, aay maalgaliyaan
shirar is daba joogto ah oo marba wadan laga
hadlo shirarkaasna loogu yeero hurumarinta
dalalka Afrikada iyo Carabta, ha noqdaan
kuwooda wax tarka ah ama kowoda wax tar
lahayn, ilo wareed ka xigtay in 6 novembre
2007 lagu qabtay shir oo markaas loo arkay
inay muhiim yihiin kana dhacay dalka France
ee magaala madaxdeda ee Paris, shirkana
loogu magac daray Batroolka wuxu dila
Afrika, Afrika, waxaa loo dila khayraakeda
dhulka ku jiro uu ka mid yahay Macaadiinta,
Dahabkii iyo Oraniumka gaar ahaan
batroolkeda iwm waxaana loola jeeda siddii
aay Reer Galbeedka u bilowday qodista
ceelasha batroolka Afrika, dhiig kama
dhamaan, in dal hebel uu sheegto dhul uusan
lahayn ama sii toos ah loo bililiqaysto
khayraadka Afrika, qaasatan wadamada dagaal
lada ka jiraan, sida la wada ogsoon yahay
degaan walba oo laga sheego shidaal lagula
heshiiyomaamulka keli talis ah ee wadamada
qaarkood oo batroolka soo saara oona
khayraadka dadka degaanka iska leh waxba
kasoo gaarin intaa waxaa raaca oo ilo wareed
ka helay in shirkaas uu goob joog ka ahaa
sarkaal sarre oo Kenyan ah laga waraystay
haddii dalkiisuna wax shidaal ah laga helay
markii hore wu aamusay sida ila wareedka
sheegay ka dibna uu yiri haa waalaga helay
oo xuduude baa laga helay wuxu ku jawaabay
xuduuda u dhaxayso Kenya iyo Sudan, ilo
wareedka ayaa sii waday su'aashiisa, oo
dhanka xuduuda Soomaaliya, wax war ah miyaad
ka haysaa oo dhinaca batroolka ah
sarkaalkii xooga buu aamusay ka dib baa dib
loogu calshay su'aasha wuxu yiri haa waalaga
helay . Marka dhanku ka hadlay sida la
sheegay waa dhulka Soomaaliyed, aay Kenya
heysato, waxaana la yaab ah in aay shirkado
soo dirsadayn Kenya, shidaal ka baaranaaya
badda aay Soomaaliya, indheed garad ayaa
yiri waa bililiqo cad aana meelna looga
gaban, sida la sheegay in shirkaas aad looga
dooday in khayraadka Afrika, aay
bililiqaystaan Reer galbeedka oona
dhaqaalaha kasoo gala dalalka Afrikada
aaysan xataa xaq u lahayn inay maamushaan
khayraadkooda taas oo u maamula shirkado
aay soo dirsadayn Reer Galbeedka, wax
faa'ido ah oo la taaban karaayo aay ka
helaan ma jiraan shacabka u dhashay dalkaas
ama dadka deegaanka shidaalka laga helay in
shirkadaha Reer Galbeedka aaysan marnaba
diyaar u ahayn inay baraan farsamada shidaal
saarida dalalka hadda soo kacaayo.
Hay'adaha gargaarka eyana
wayba kasii daran yihiin waa dad usoo
dhigtay inay qaranimadii aay faragaliyaan
marna aaysan doonin inay kaalintooda siiyaan
hay'adaha gudaha ka furan aayna duuliye oga
noqdaan siddii aay ugu soo bixi lahaayen
hay'adahag gargaraaka dalka leh NGO Reer
Galbeedka intooda oga badan waa dhaqan
xumada aay leeyihiin aaysan marnaba
tixigelin siin dhaqanka dalka aay joogaan
aayba ayagu ku keena dhaqan aan shacabka aay
leeyihiin waanu gargaari noloshooda qalalaas
ku fura una sabab ah dhaqanka logu biiriyay
noloshooda dhaqankana oga yeeran furfurnaan
iyo is dhaxgal dimuqraati iwm.
khayraadka afrikada waxay
nasiib xumo u noqotay shacabka inay qori isu
qaatan ayna is dilaan inta ay iska dhicin
lahaayen cida xukun xumida ku hayso
dalkoda.Arimahaaso dhan ayaa ahaa kuwa looga
hadlay shirar aay albaabada u xirnaayeen
Paris, intaa iyo in ka badan ayaa ka dhaca
shirar la mid ah loogu tashto siddii shacbka
loo kala diri lahaa shirkadahana ka
xamaashaan khayraadka dal aaysan lahayn
aysana wax dhaqaale ah oga tagin dalkaas.
Ciddii caqli lahow u
tasho dalkaaga iyo xoriyadaada kana tasho
aayaha dalkaaga dadkaaga iyo diintaada.Marba
haddii uu sarkaal sarre oo Itobiyan ah ka
soo yeeray ciida Soomaaliya wax baan ku
leenahay.
Qamar Sharif Hashim
lunadurazzini@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan
waxaa leh qoraaga ku saxiixan