SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

CUDUR WAA LOO DHINTAA CAQLIYARAANSE LOOMA DHINTO
W/Q Maax Ibrahim
maaxbadan@yahoo.com

Sidaan la socono waddanka Ogaadeenya wuxuu ku jiraa marxalad aad u adag oo waxaa ka socda dagaal aad u culus oo u dhexeeya Ciidanka Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya & Ciidamadda Itoobiya, dagaalkaas oo hadda galay sanadkii 14 wuxuu kamid yahay dagaaladda gobanimo doonka ee caalmaka kuwa ugu waa weyn uguna caansan sida laga qiray meelob badanoo dunida kamid ah.

Sanadihii dambeeyey waxay Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya soo hoyisay guulihii ugu waaweynaa intii ay dagaalka ku jirtay guulahaas oo dhanka milatariga, siyaasada, & dhanka abaabulkaba isugu jira kuwaas oo ay kamid yihiin dagaalo badan oo lagu jabiyay ciidamadda Itoobiya ee jooga gudaha Ogaadeenya, waxaana sadexdii sano ee ugu dambeeyay ay Itoobiya ku wayday ciidmo aad u badan oo ay kamid yihiin Saraakiil, Kornaylo & askar intaba waxaana kamid ah dagaaladda kuwa ugu caansan ee Itoobiya loogu gaystay khasaarooyin laxaadleh Dagalkii weynaa ee Mandad ee ka dhacay aaga Shilaabo, dagaalkaas oo loo awood sheegtay ciidama Itoobiya ee dulmiga ku jooga ciida Ogaadeenya, waxaa kale oo lagu jabiyay ciidankii gurmarka ahaa, waxayna Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya halkaas daganaayeen 3 maalmood oo ay u diideen in ay ciimadda Itoobiya isu soo gurmadaan oo looga dhaartay in ay baabuur marto wadada cad ee loo yaqaano jayga iskuna xidha Qabridahare & Shilaabo.

Guulaha joogtada ah ee jabahdu soo hoyiso ayaa dhabar jab ku ah kuwa dabo dhilifka u ah gumaysiga Itoobiya ee ku naaxay dhiiga shacabka iyadoo Itoobiya marwalba uruursata dadka Ogaadeenya kuwa ugu garashada yar marwalbana fuliya danaha gumayiga Itoobiya, waana arin caadi ah in markuu gumaysi umad qabsado uu qaybi oo xukun ku sameeyo.

Akhristoow waxaan wax yar ka ifinaynaa ninka Tigreega uga wakiilka ah Ogaadeenya ee loo yaqaano Lugbuur ninkaas oo aan ku tilmaami karo in uu ugu horeeyo dadka bani aadmka ah kuwa ugu garashada yar sideedaba bani aadamka Illaahay Caqliga uma uusan simin oo labo walaalo ah ayaa midka yar geedka loogu yedhaa midka weyna laga tagaa garashadda owgeed (Caqligu waa quud waa kii layidhi).

Hadaba ninkani wuxuu madaxweynenimada uu ku magacaabanyahay ku noqday waa garasho yarida waana waxa ay Tigreegu ku xusheen waayo waxay u baahanyihiin qof aan dareen iyo damiir fayoow toona lahayn waxaynuna arintaas ku xaqiiqsanaynaa ceebaha aan qiyaasta lahayn ee uu Lugbuur dhextaaganayhay habeen iyo dharaar oo aynaan qormadan iyo kuwo badan oo kale toona ku soo koobi karin.

Waxaa lawada ogyahay madaxtinimada Lugbuur in ay u taagantahay oo kaliya sixiixa & hadba waxa ay Tigeergu doonayaan in uu fuliyo waxaa kale oo loo dhiibaa wax kasta oo ay ka xishodaan saraakiisha Tigreegu in ay ku hadlaan isaga ayaan ileen xishood iyo damiir lahayne wuxuu aad ugu celceliyaa wax aad xaqiiqada iyo caqligaba uga fog isagoo aad isula saxan ayuu hadaaqaa sidii ilo caruur ah waxaad kolalka qaar is odhan muu iska aamuso.

Mar hadii uu madaxweeyne isu haysto waxay ahayd in uu hadalkiisa miisaamo waxaase ka hiilinaysa garasha la’aanta aan kor ku xusnay oo ma awoodo in uu isudheeli tiro hadaladiisa kolka la waraysanhayo, hadii aad dhagaysato waraysiyadda uu Lugbuur siiyo Ideecadaha waad yax yixi oo waxaad dhawri hareerahaaga sidii adigoo adigu wax bi’iyay waxa uu ku hadlo erayadda uu marwalba ku cel celiyo ee aad isdhihi show mar intuu duubay ayuu u saaraa Ideecadaha waxaa kamid ah, waxaan la tacaalayna Gaajada, Macaluusha, Dimiqraadiyadda, iwm taas oo dhamaanteed aysan waxba ka jirin oo ay Lugbuur & kuwa uu uga wakiilka yahay waa Tigreegee ay umadda Ogaadeenya ku hafraan isla markaasna ay saxaafada caalamka u sheegaan.

Waxaa jirta dhibaato joogta ah oo ay kuhayaan shaacbka Ogaadeenya sanadkii dhamaaday waxay bulshadda Ogaadeenya ku sameeyeen xasuuq aynan u kala aaba yelin Aabo, Hooyo, Ilmo, & Xoolahaba. Wuxuuna sanadkaasi ahaa sanad tacadiyadda aduunka ka dhaca kuwii ugu waaweynaa uu ka dhacay Ogaadeenya taas oo ay bulshadda caalamku cadeeyeen.

Akhristoow Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya waxay balan ku qaaday in ay u hiilinayso shacabkeeda kana dhicinayso gumaysiga haysta ee ku habsaday xili aad u fog, waxaana maanta soo udgaysa saxan saxo xoriyadeed taas oo bulshada Ogaadeenya meel ay ay u oomanyihiin isla markaasna ay garab taagan yihiin Jabhdda xaq udirirka Ogaadeenya, waxaanad maanta arkaysaa isku tashiga umadda gudo & dibadba Jaaliyaadka Ogaadeenya oo wadda dadaal xawli ku socoda oo dhakafaar ku noqoday gumaysiga & dabadhilifkiisaba waana mida maanta gabi kusoo dumay ku noqotay Meles & shaqalihiisa caqliyrae Lugbuur ugu horeeyo.

W/Q Maax Ibrahim
maaxbadan@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 4, 2008

C/Laahi Yuusuf "waa nin meelahaas markasta wixii uu rabo iskaga hadla, wax kasoo qaadna ma leh wixiisu..."
Sidas waxaa yiri Daahir Riyaale oo si kulul uga jawaabey hadalki C/laahi Yuusuf ee ahaa... Akhris/Dhegeysi...

Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com