Qaddiyadda Soomaaliya iyo Caqabadaha hortaagan.
Qadiyadda soomaaliya waa arrin cad, qofkasta oo Soomaali ahna ka
tarjumayso rabitaankiisa dhabta ah. Waa dib usoo
noolaynta nidaamkii dawladeed, sharcigii iyo
kaladabayntii ,nabaddii iyo horumarkii la
tiigsanayay. Si kooban waa dhisidda qarankii
burburay.
Qadiyadda soomaalidda saddex caqabadood ayaa ugu
weyn waxyaabii hor taagnaa muddadii 17ka sano aheyd
ee ugu danbeeyay.
- Tanhore waa qabqablayaasha dagaalka siiba
kuwa Muqdisho.
- Tan labaad waa qabiilka indhaha la’.
- Tan sadaxaad waa dowladaha deriska ah iyo
faragelintooda siyaasadeed ama military.
Saddexdaas caqabadood oo isla falagalay ayay
Soomaalidu ka dhaqaaqi waayeen, baabi’yayna
qadiyadda dadka iyo dalkaba.
Caqabadda hore ee ah qabqablayaasha dagaalka,
Sanadkii 2006da markii Maxkamadaha Islaamiga ah
ay muqdisho iyo gobollo dalka kamid ahba
qabsadeen waa laga gudbay oo Qabqablayaashii
muqdisho wey ka takhalluseen. Waxaa muuqatay
ififaalo ah in qaddiyaddii Soomaalidu ay rajo
soo yeelanayso.
Kadib markii la jabiyay Maxkamadihii
Islaamiga ahaa, Ciidamada Itoobiyaanka ahna ay
soo galeen gudaha Soomaaliya Qabqablayaashii way
soo laabteen balse ayaga oo aan laheyn
awoodoodii hore.
Qabqablayaasha waxaa lagu tilmaami karaa
cunsurka ugu weyn ee arrinta soomaaliya
curyaaminayo, maxaa yeelay labada cunsur ee kale
ayagaa garoonka keensanayay, ha ahaato si xun u
isticmaalka qabyaaladda iyo adeegsiga dowlado
shisheeye ama sida saxda ah u adeegidda dowlado
kale siiba Itoobiya.
Hadda inkastoo awooddoodii qaar la dhimay haddana
waxay huwan yihiin magaca dowladda federaalka ku
meelgaarka ah.
Halkii ay ka tanaasuli lahaayeen qabyaaladda iyo
u adeega dowladaha shisheeye waaba sii siyaadiyeen
oo hadda waxay leeyihiin argagaxisaan la diriraynaa.
Caqabada 2aad ee ah Qabyaaladda indhaha la’
saameeynta ay shacbiga soomaaliyeed kuleedahay waa
mid weyn. Dadka intooda badan kalsoonida iyo u
hogaansanaanta qabiilka ayaa ugu horreysa midda
qaranka, sidaas daraadeed qabiilku waa caqabad
horfadhisa qaddiyadda soomaaliya, si looga gudbana
ubaahan dadaal iyo in laga tago dhaqanno badan
Caqabadda 3aad ee ah faragalinta shisheeye, waa
mid soo jirtay muddadii dagaallada sokeeye ay dalka
aafeeyeen inkastoo waqtigan la joogo ay cirka isku
shareertay kadib markii Itoobiya si ulakac iyo
xadgudub ah ay ciidan usoo galisay gudaha
soomaaliya ayadoo ku andacoonaysa in ay difaacayso
Dowladda KMG ah.
Waxaa suurtogal ahayd amaba dhawayd in
Maxkamadaha Muqdisho iyo Dowladda kumeelgaarka ah ay
heshiiyaan haddii aysan jiri laheyn faragelintan ay
ku kaceen ciidamada Itoobiya.
Waa xaqiiq jirta in Dowladda KMG ah oo sideedaba
ka samaysan qabqablayaashii dagaalka ay maciin
bidday Itoobiya, si ay u ilaaliso sii jiritaankeeda
waxaase hubaal ah inay sii jiri laheyd haddii ay
siyaasad taa ka duwan qaadan laheyd dalkuna uu ka
badbaadi lahaa burburka iyo barakaca ay ka geysteen
Xabashidu.
Si taas ka duwan waxaa sanadkii 2007 ka dhacay
Somalia gaar ahaan Magaalada Muqdisho xasuuq iyo
burburin ay gaysteen xabashida oo ku madax
qabsanaya Dowladda KMG ah.
Nasiib darro ilaa hadda ma muuqato waxyaabo
tilmaamayo saansaan nabadeed maadaama ay madaxda
Itoobiyaanku ku andacoonayaan in Soomaaliya ay
marayso waqtigii ugu wanaagsanaa tan iyo markii ay
dagaallada sokeeye billaabmeen muddo dhan 17
sano,halka qaramada midoobay iyo Hay’adaha aan
dowliga ahayna ay caddeeyeen in Soomaaliya ay
marayso waqtigii ugu xumaa, kana dhacday musiibo
foolxun oo ay geysteen ciidamada Itoobiyanka ah iyo
kuwa Dowladda oo dhinac ah iyo ragga ka soo horjeeda
oo dhinaca kale ah.
Waxay dadka qaar niyadda ku dhisteen markii la
aasaasay isbahaysiga dib u xoraynta Soomaaliya.
Inkastoo isbahaysiga oo maxkamadihii ay horseed u
yihiin la filayay in xaaladda siyaasadda iyo geeddi
socodka nabadda ay dhaqaajiyaan haddana ma muuqato
ilaa hadda tallaabo dhinacaas ku aaddan oo ay
qaadeen. Waxaa muuqato in dhanka meletariga aay
cadaadis xoogan ku hayaan ciidanka Itoobiyaanka
laakiin dhanka siyaasadda ma arkayno wax dhaqdhaqaaq
ah.
Waxaa fursad ah beesha caalamka oo wadday
dhaqdhaqaaq siyaasadeed si looga xaajooda bixitaanka
ciidamadda Itoobiya looguna badalo ciidamo afrikaan
ah.
Isbahaysiga waxaa looga fadhiyaa in ay ogaadaan
in aan loo heli Karin wax kasta sida aad u rabto,
sidaa daraadeed Waxaa ila habboon in ay
siyaasaddooda ku darsadaan in lagu badalo ciidamada
Itoobiyaanka ah kuwo dhaxdhaxaad ah.
Hadalladda kasoo yeeraya Shariifka ee ah “In
ciidanka Itoobiya ay ka baxaan dalka” kadibna, ay
diyaar u yihiin waxwalba oo heshiis ah waa hadallo
muhiim ah lana rabo in laga miro dhaliyo.
Waxaa murugo leh in C/laahi Yuusuf iyo
Ra’iisalwasaarhiisii hore Geedi aysan kamuuqan hab
layskugu soo dhawaado.
Hadda Nuur Cadde ma ka muuqataa ififaalo layskugu
imaanayo? Waqtiga ayaa kala cadaynayo.
Dowladda federaalka waxaa la arkay in aysan ciidan
dhisi Karin, in aysan nabadayn karin Soomaaliya
xitaa haddii ay isticmaaleen ciidanka Itoobiya. Taas
waxay na tusaysaa in loo baahan yahay labada koox ee
ah kooxda Beydhabo iyo kooxda Asmara inay furaan
wadahadal dhexdooda ah sidii Itoobiyaanka ay uga
baxi lahaayeen soomaaliya. qaab hal mar ah ama qaab
marxalado ah sidii lagu heshiiyo, laguna badelo
ciidamo kale oo wadamo dhexdhexaad ah ka socda
Hadalka mac waa shey wanaagsan laakiin waxa
ladoonayo waa ficil.
Haddii arrinta ay sii socoto joogitaanka
Itoobiyaankuna sii raago xaaladdu way ka sii
daraysaa oo waxay gaaraysaa heer aay waxyaabo cusub
oo arrimaha sii murgiya ay yimaadaan.marka. Waxaa
waajib ah in dadka iyo dalka la badbaadiyo.
Badbaadinta dhamaanteen masuuliyad ayaa naga saran
gaar ahaan kuwa horseedka bulshada ah.
Waxaa la og yahay in Maraykanku uu la safan yahay
Itoobiya dhanwalbana ka taageerayo sida siyaasadda,
milatariga iyo dhaqaalaha asagoo Soomaaliya ku
eegaya isha la dagaallanka argagaxisada. mana la
filaayo waqtiga dhaw in uu bedelo siyaasadaas. Taas
micnaheedu waa in Itoobiya ay Soomaaliya uga wakiil
tahay, kana taageero dhan kasta,.mana baxayso
ayidoon fasax ka haysan adeerka Maraykanka ah.
Marka haddii Soomaalidu heshiiyaan oo la
yimaadaan mowqif siyaasadeed oo cad waxaa la helayaa
quwad midaysan oo lagu waajaho Itoobiyaanka kuna
dhisan midnimo ciidan iyo mid siyaasadeedba.
Waxay u muuqataa sartu in ay ka qurunsantahay
dhanka siyaasadda.
Ugu danbeeyntii Waxaa hubaal ah in qaddiyadda
Soomaaliya xaqiijinteedu masuuliyadda ah ay dusha ka
saaran tahay Soomaalida oo dhan gaar ahaan dadka
horseedka ah. Waa in laga guulgaaro saddexdaa
caqabadood ee hor istaagan wayna sahlan tahay
xaqiijinta arrinkaas haddii la helo rabitaan dhab
ah.
By: C/kariim Xaaji C/lle Xuseen
Kariim127@yahoo.com