SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Col. C/llaahi Yuusuf: "SomaliTalk Weligay ma maqal Saakay ka hor, Adigana ku Garanmaayo…” jawaab uu bixinaayey

Waxaa isku soo dubaridey
Maxamed Macallin Cismaan(All-man)Somalitalk Baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com


Madaxweyne Col. C/llaahi Yuusuf Axmed oo soo gaarey Magaalada Baydhabo 31/12/2007 oo shir jaraa’id ku qabtey Xaruntiisa Magaalada Baydhabo 1/1/2008 abaarihii 11:30 daqiiqo ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegey waqtigii uu maqnaa, arimaha caafimaadkiisa sida ay uga hadleen qaybaha Warbaahinta qaarkood, dhismaha dowlada cusub iyo in la dabo galo dadka dadka laynayo iyo su’aalooyin ay weydiiyeen Warfidiyeena oo uu ka jawaabey.

"Nimanka Soo duuley ee Maamulka Riyaale uu hoggaaminayo laga aqbali maayo dalka in ay kala gooyaan, lagana aqbali maayo dad Soomaali ah oo goboladoodii jooga in ay xoog ku qabsadaan, iyagoo xoog raba in ay ku go'aan laga yeeli maayo, waxaanu rajayneynaa ciidmadooda in ay meesha kala baxaan oo la noqdaan, waxaan rajayneynaa arrintey keeneen waxa ka imaan kara in ay fahmaan... Sidaas waxaa yiri C/Laahi Yuusuf oo ka jawaabyey su'aal ay weriyayaashu weydiiyeen oo ku saabsanay LaasCaanood... 01/01/08

Col. C/llaahi Yuusuf waxaa uu hadalkiisa ku bilaabey “Waxaan u tagey in lay soo xabaale ma ahayn ee waxaan u tagey inaan isasoo daweeyo oo waan xanuunsadey, sedax todobaad baa lay daweynayey caafimaadkeyga waa fiican yahay, sidii wax loo sheegayeyna ma ahane wax la daweyn karo ayey ahaayeene waa laaydaweeyey, inaan caafimaad qabo oo idiin hor fadhiyo waxay ila tahay si kale wax u sheegimeysaane, hadana waan soo noqdey, waxaana u soo noqdey inaan ka qaybqaato hawlaha dowlada, intaan maqnaa Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa joogey iyo Ra’iisul Wasaaraha, iyagaana hawsha wadey”.

Mar uu ka hadlaayey dhismaha Dowlada Cusub waxaa uu yiri “Dowladii cusubeyd oo lagu heshiiyey in tiradeeda la yareeyo, wali lama dhisin waxaa gacanta ku haayey Ra’iisul Wasaaraha Gudoomiyaha Baarlamaankuna waxay ila tahay talo waa siinayey, hadaanu isu nimid waxaanu ku dadaaleynaa dowlad tiradii la sheegey ah oo 18, Wasiir iyo 5, Wasiir ku xigeen ka kooban oo xul ah oo dalka dhibaatada ka saarta inaan soo dhisno, intii la doono layskama haysan karee intii karaankayagu yahay inaan dadaalno sidii dowlada loo dhisi lahaa, wax kale inaad I weydiisaan ma ahee aniga xog’ogaal buuxa ma ahayn, intaa maqnaa ragii joogey baa iiga warbixindoona, laakiin intaan maqnaa Baydhabo qof baa la diley ayaan maqlaayey, waxaasina dagaal ma ahanee waa shirqool, qof masaajid galaaya oo xag rabi u socda oo Tukanaaya, in masaajidka lagu dilo Diin ahaan is weydiin maynee waxay tahay, aniga waxay ila tahay Magaaladaan iyo wadanka oo dhan in la xasiliyo waa laga mamaarmaan, dadka dadka laynayo in la dabo galo oo sharciga la horgeeyo ayey ila tahay, waxaan rajeynaynaa in waajibaadkooda ay gutaan cidii ku shaqo leh, aniga hadalkeyga waa kooban yahay, hadii aydaan wax I weydiineyn waad mahadsan tihiin” ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf.

Markii uu dhameystey warbixintiisa ayaa qaybaha wakiilada Warfidiyeenada ee ku sugan Magaalada baydhabo su’aalo weydiiyeen, mar aan weydiiyey dowladu waxay jirtaa mudo Seddax sano, seddaxdaasi sano waxaa jirey hawlo kala duwan oo dalka ka dhacay, hadii aynu ka soo gudubno, Isbitaalkii weynaa ee Magaalada Baydhabo waad aragtaa malaha ilaa iyo hada Dhakhaatiir ku filan, jidadku wey burbursan yihiin, Goobihii wax-barashada weyd bur bursan yihiin, Puntland waxaa ka bilowdey dagaalo iyo Qaraxyo, Soomaaliya oo dhan isbedelo farabadan ayaa ka jira ee marka aad is bar bar dhig ku sameyso sidee ugu guulaysan kartaa dowlada inta dhiman?!


Col. C/laahi Yuusuf oo sii raacaya Gaari | 01/01/2008 | Baydhabo

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf waxaa uu ku jawaabey "SomaliTalk weligay ma maqal Saakay ka hor, adigana ku garanmayo… waddanku 17kii sano ee la sdoo dhaafay in uu wareersanaa waa wax jira, 17kii sano wixii jirey si buuxda in loogu bedelo hawl qaran ayey u baahan yihiin....”

2003 - Eldoret Kenya:: Waraysi SomaliTalk.com la yeelatay C/laahi Yuusuf 2003 Halkan ka akhri...


Bidix Aadan Madoobe, Dhexda Cabdullaahi Yuusuf, Midig Nuur Cade

Maxamed Macallin Cismaan(All-man)Somalitalk Baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com

Nin Soomaaliyeed oo Lagu Diley Koonfur Afrika
Tuugo hubaysan ayaa waxay dukaan Soomaaliyeed ku dileen Cumar Cabdi Nuur, 27 jir oo... Akhri...

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 1, 2008

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com