SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QURMBE

Nin Soomaaliyeed oo Lagu Diley Koonfur Afrika

AASKA NIN SOOMAALI AH OO SHALY (Dec 31, 2007) LAGU DILEY K/AFRIKA OO EEY DAD BADANI KASOO QEYB GALEEN.

DAD KU DHOW BOQL QOF OO SOOMAALI AH AYAA KASOO QEYB GALAY AASKA NIN DHALINYARO SOOMAALIYEED AH OO SHALYTO KOOXO HUBEYSAN EEY KU DILEEN TUULO KU TAALA K/AFRIKA, MARXUUMKA OO AL ORAN JIREY CUMAR CABDI NUUR, 27 JIR AYAA DALKA JOOGEY BIL IYO BAR KALIYA, SHALYNA U GEERIYOODEY TACSHIIRAD WADNAHA KA HALEESHAY.

Jan 1, 2008: Shalay galinkii dhexe ayaa dhowr nin oo aan heebtooda la garanaynin oo hubeysay u dhaceen dukaan tuulo ku yaala oo rag soomaali ah leeyihiin, xilli 3 nin oo soomaali ah oo qaar ka shaqeeya iyo kuwa leh isugu jirey eey ku sugnaayeen gudaha tukaanka dhibtu ka dhacday, ragii hubeysnaa ayaa si aan loo miidaan dayin u furey xabadi, kuwaasoo midii ugu horeysey eey haleeshay Cumar Cabdi Nuur, 27 jir, tukaankana shaqaale ka ahaa, isla markaasna dalka yimid 13/11/07. isla maalintaasna shaqo u tagay isla tukaanka uu shaly ku geeriyoodey.



Sida uu xaqiijiyey mid ka mid ehelada ninka dhintey oo joogey aaskiisa oo lagu magacaabo Aadan c/alaahi, kooxda ninka soomaaliga ah dishay ayanan wax hanti ah ka qaadan tukaanka, oo inta eey dhibka geysteen isaga cararay goobtii shilku ka dhacay, Aadan ayaa intaasi raaciyey in kooxdani tuugada ah ee dhawaanahanba qalqal galineysay dadka soomaalida ah ee tuuladaasi 30km u jirta Johansburg ganacsiyada ku leh, wuxuu sheegey in tukaamo dhowr ah oo aaga ku yaala eey u dhaceen bilihii dhawaa, oo eey dad jir dil ku sameeyeen kadibna lacago iyo hanti kale kala baxsadeen tukaamada. mid ka mid ah dhalinyardaii jir dilka lagu sameeyey oo eey ka muuqatay dhaawacyadaii soo gaarey oo ahaa daqar fashadi saarantahay ayaa kasoo qeyb galay aaska, wiilkaasi oo da'diisa aan ku qayaasay 16jir ayaa la'ii shegey in dhiig badani uu ka baxay oo isbitaal loo jiifiyey. balse dhacdadani aya la sheegey ineey aheyd tii ugu horeysay dhawaanahan oo eey dadku dhintaan tuulaadasi.



Qabriga ninkani maanta lagu aasey galinkii hore, ayaa waxaa ku hareera yaala illaa dhowr nin kale qabriyadooda oo wada soomaali ah, oo dhamaantood siyaabo kale duwan u geeriyoodey dhawaanta, waxaase xusid mudan in qabriyaadasi uu ka mid yahay qabriga ninkii lahaa dukaanka wiilka shalay lagu diley oo laakiin bas ale u geeriyoodey 13/11/07, laguna magacaabo jeele cabdi.



Sida la sheegayo tan iyo intii la galay 6dii bilood ee ugu dambeysay sanadkii shalayto naga tagay, dalkani K/Africa tirada dadka soomaalida ee lagu diley ayaa gaareysa inka badan tobon iyo dhow qof, waxaane iska caado ah in sanad kasta dhamaadkiisa eey sare u kacdo tirada dhimashada soomaalida, maadaamaa la yiri tuugada dalkani ee hubeysan ayaa geysta falal fool xun si eey u helaan lacago eey ku tumasho tagaan, ama ku dalxiis tagaan sanadka bishiisa 12aad oo ah goorta malaayiinka dalkani ku nool eey u fasax tagaan ciidooda masiixiyada ee chrismas-ka loo yaqaano.



Aaskii maanta ka dib ayaa waxaa dadka qabriga dushiisa kula hadlaya Sh. Maxamed Amiin Jowhar oo ah imaamka masaajidka soomaalida ee johansburg, ka dib wacdin iyo waano diineed ayuu sheekhu hoosta ka xariiqey ineey muhiim tahay in dadka ah mulkiilayaasha tukaamada tuulooyinka ku yaala eey si bino'aadanimo ah ula dhaqmaan dadka u shaqeeya ee laga yaabo ineey dalka ku cusub yihiin, oo uu yiri iyagoo oo aan kala aqoonin dadkii iyo deegaankii laga ganacsanayay ayaa looga tagayaa kaligood tukaamada oo markkaasi si sahlan oo aan loo baahneyn eey u noqonayaan dhibanayaal, inta badane dil waajaha, wuxuu intaasi ku daray in dadka shaqaalaha ah loo fasaxo ineey cibaadeystaan, dukaamadan la xirro salaada jimcaha oo dadka dukaanka jooga oo dhan eey soo wada tukadaan.



Ma jirto cid loo qaabtay dilkani dhacay, manaba dhacdo inta badan in ciidamada amaanka dalkani eey wax talaabo ah ka qaadaan dadka geysta falalka ceybkaan oo kale ah, sanadkastana waa eey sii kordheysaa tirada soomaalida lagu dilo, iyadoo dhanka kale eey xuduudaha dalka kusoo fatahayaan kumanaan soomaali ah oo soomaaliya xaalada ka jirta baxsad ka , dadkaasi ayaa ah kuwa u qatarta badan in la dilo , waayo naf la caarinimo darteed ayay u galaan meelo amaankoodu uu halis yahay. walow in badan laga wacyi galiyo goobaha la'isugu yimaado.

Soomaalida Lagu Diley Qurbaha ka akhri halkan....

c/nasir axmed. saxansoxo.
saxansoxo1@hotmail.com

Dareenka Soomaalida K/Africa iyo Doorashadii Madaxweynaha Cusub ee ANC, Zuma...

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 1, 2008

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com