SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Dagaallo Xooggan oo Xalay ka Dhacay Muqdisho

Talaada, Janaayo 1, 2008:

Xalay oo ahayd habeenkii ugu dambeeyey sannadkii hore (2007) waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay weeraro ay qaadeen kooxaha ka soo hor jeeda ciidamada Itoobiya ee ku sugan caasimada Soomaaliya muddada halka sano kor u dhaaftay.

Weerarada ayaa lagu soo waramay in ay ka dhaceen dhawr goobood oo ay ka mid yihiin: Saldhigag Degmada Hodon, aagga tarabuunka, agagaarka Masjidka Sheikh Cali Suufi iyo aagga Afrkan Village iyo goobo kale.

Waxaa wararku tibaaxeen in weerara ugu badan lala beegsaday goobo ay joogaan ciidamada DFKMG.

Ciidamada Itoobiya ayaa lagu soo waramay in ay madaafiic xooggan ku garaaceen Degmaad Hodon ee magaalaad Muqdisho.

Lama sheegin khasaaraha ka dhashay dagaaladaas iyo madaafiicda xalay ka dhacday Muqdisho.

Habeen hore sidoo kale waxaa Muqdisho ka dhacay dagaallo xoog leh.

Axaddii (Dec 30, 2007) ayey ahayd markii madfac kuhabsadey guri ku yaal xaafadda Suuq Bacaad halkaasna ay ku dhinteen shan carruur ah iyo hooyadood. Waxaa qoyska ka badbaadey aabihii reerka.

Maanta, Talaada, Jan 1, 2008 waxaa hal sano laga joogaa markii ciidamada Itoobiya galeen Kismaayo. Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ka hor intii aysan gelin Soomaaliya waxaa kamid ahaa erayadan "...nabad, dimuqoraaddiyad iyo horumar ay gaarto Soomaaliya waa dhibaatada Itoobiya"... Akhri

Qarax ka Dhacay Magaalada Boosaaso

Xalay (Dec 31, 2007) waxaa magaalada Boosaaso ka dhacay qarax sida wararka ugu horeeya ee ka soo baxay ay sheegeen in uu ahaa qarax lala beegsaday ama lagu tuuray gaari ay wateen ciidanka Booliska DGPL.

Ilaa hadda lama oga sababta ka dambeysey weerarkan.

164 Qof oo Ku Dhintay Rabshadihii ka Dhashay Doorashadii Kenya
iyo Raila Odinga oo Khamiista ku baaqay Bannaanbax loogu magac daray "Inqilaabkii Shacabka".. Akhri Jan 1, 2008

Maanta, Jan 1, 2008 waxaa hal sano laga joogaa markii ciidamada Itoobiya galeen Kismaayo. Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ka hor intii aysan gelin Soomaaliya waxaa kamid ahaa erayadan "...nabad, dimuqoraaddiyad iyo horumar ay gaarto Soomaaliya waa dhibaatada Itoobiya"... Akhri

Dagaalo Qaraar Iyo Duqayn Habeenkii Labaad ka Soconaya Magaalada Muqdisho

Waxaa xalay iyo habeen horeba ka dhacay magaalada caasimada ah ee muqdisho dagaalo ka fool ka fool ah iyo weliba duqayn xoogan oo ay gaysanayaan ciidamada ethiopianka ee friisinkoodu yahay duleedka magaalada muqdisho .

Dagaaladan oo u dhexeeya xoogaga sida weyn uga soo hor jeeda ciidamada shisheeye iyo siyaasada dowlada KMG ah iyo weliba isbaahaysiga ciidamada dowlada FKMG ,kuwa ethiopia iyo weliba ciidamada Amisom oo ka qayb qaatay kadib markii weerar lagu qaaday fariisinkooda ku yaala KM-4 .

Dagaaladan ayaa gaystay khasaare nafeed oo baahsan ayaa waxaa ku naf waayey hal qoys oo ka koobnaa 7-ruux oo kala ahaa 5-caruura iyo hooyadood iyo nin qaraabo la ahaa oo deganaa agagaarka iskuulka hore ee jeneral daa,uud ee waqooyiga caasimada muqdiho kadib markii madfac kamida kuwii ay soo ridayeen ciidamada ethiopia uu ku habsaday qoyskaasi ayaa waxaa ka badbaaday oo keliya aabihii qoyskaasi rogmaday oo xiligaasi meel aan sidaa uga dheerayn ka doontay alaab uu qoysku u baahnaa .

Maadeey suufi cabdi oo ah aabaha qoyska masiibadu ku habsatay ayaa saxaafada u sheegay xili xiriir lala sameeyey in qoyskiisii oo ka koobnaa 5-caruura iyo hooyadood uu ku habsaday madfac islamrkaana aysan jirin caruurta iyo hooyadood muuqaalkoodii uu isu bedelay hilib goo,go,an iyadoo sidoo kalena uu isna uu ku geeriyooday nin xiligaasi qoyska marti u ahaa oo ay qaraabo ahaayeen.

Maadeey oo cod murugo leh ku hadlayey yaa xusay inuu ahaa muruq maal ka xamaasha suuqa weyn ee bakaaraha islamrkaana uu mudo gaaraysa 12-sano qaxooti ku ahaa deegaanka uu xiligan deganaa ee agagaarka dusigii hore ee jeneral daa,uud.

Dhinaca kale dhaawaca ka dhashay dagaaladii xalay iyo habeen hore ayaa gaystay dhaawacyo gaaraya 20-tameeyo sida uu saxaafada u xaqiijiyey daahir dheere oo ah agaasimaha isbitaalka madiino .

Si Kastaba ha ahaatee dagaaladan ka soconaya caasimada muqdisho ayaa u muuqda kuwo sii laba laxaadsanaya kadib markii habeenadan ay si isdaba joog ah u dhacayaan dagaalo ka kulul kuwii hore u dhici jiray islamrkaana laysu adeegsanayo hubka noocaydiisa kala duwan. 

Sarkaal Sare Oo Ka Tirsanaa Ciidamada Dowlada KMG ah Oo lagu Diley Qarax Miino.

Col.Faarax cabdulle siyaad ( Garam-Garam) oo kamid ahaa saraakiisha sar sare ee dowlada KMG ah ayaa lagu diley qarax loogu xiray kursi uu fariisan jiray oo u ooli jiray isgoyska suuqa weyn ee bakaaraha halkaas oo ay ciidmada dowlada KMG ahi fariisin ku leyihiin .

Faarax (Garam-Garam) ayaa sidoo kale ahaan jiray intii ka horsaysay dhismihii dowlada KMG ah sarkaalkii ugu sareeyey milayshiyaadkii xildhibaan maxamed qanyare afrax islamrkaana ka tirsanaa ururkii isabaahasyiga la dagaalanka waxa loogu yeero argagagixisada .

Col-ka ayaa u geeriyooday dhaawacii kasoo gaaray qaraxaasi kadib markii miino loogu aasay kursi uu fariisan jiray oo u yaalay Isgooyska suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho oo ay fariisn ku leeyihiin qaar ka tiran ciidamada dowlada KMG ah .

Dhinaca kale waxaa qaraxan kale oo ku geriyooday mid kamida ilaaladiisa oo xiligaasi ku sugnaa isla goobtaasi agagaarkeeda sida uu saxaafada u xaqiijiyey gudoomiye ku xignka dhinaca siyaasada gobolka banaadir c/fataax cumar abriye shaaweeye .

Sanad Weliba Hoodiyo Waxuu Hadimo Leyahay Yaa Laga Helaayoo Hadhow Lagu Xasuustaa -2008.

Waxaa laga gudbay sanadkii 2007-da waxaana loo gudbay sanadkii 2008-da taasoo ay waxyaalo badan oo ay ku xasuustaan dadka soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool magaalada caasimada ee muqdisho iyo weliba hareeraheeda bal hadaba waxaan maykirifoonka la dhex maray dadka shacabka ah ee ku nool caasimada iyo weliba meelaha loo barkacay deegaanada afgooye iyo muqdisho u dhexeeya .

Waxaan ugu horayntiina bal wax ka weydiiyey dhalinyaro badan oo badankoodu isku raacay in sanadkii 2007 uu ahaa sanad colaadeed islamrkaana ay dalkooda joogaan ciidamada shisheeye gaar ahaan kuwa ethiopia kuwaasoo gaystay dil arxan daro ah iyo duqayn bara kicin islamarkaana banaanka guryahoodii uga saaray kumanaan qoys oo ku darxumaysan duleedka caasimada ,gobolada dalka iyo weliba xaduudada dalalka aynu jaarka leenahay.

Siciid axmed oo ka mid ah dhalin yarada aqoonyahaniinta ah ee ku nool magaalada caasimada ah ee muqdisho ayaa sharaxay bal sida uu arko sanadkii laga soo gudbay ;

"waxaa mahad iska leh Allaha naga badbaadiyey masiibooyinka dhacaya ee ay gaysanayaan ciidmada shisheeye ee ethiopianka ah iyo weliba kuwa xulufada la ah ,markaan dib u milicsado sanadkii 2007-kii runtii waxaan oran karaa waxuu ku dhamaaday sanad colaadeed oo ay dadka shacabka ah ee reer muqdisho la kulmeen xasuuq,barakac oo ay sii dheer tahay masiibada kale ee xaga nolosha taasoo ay boqolaal qoys ku dar xumaysan yihiin xag nolol xumo awaadeed meelaha lagu qaxay iyo magaalada muqdishoba '' ayuu yiri saciid axmed .

Dhinaca kale saciid ayaa intaas raaciyey sanadkaasi 2007-da waxuu noogu dhamaaday mid murugo ku reeba bulsho weynta soomaaliyeed laakiin waxaan ALLE ka rajeynayaa inuu sanadkani noo noqdo mid aynu ka xorowno waxa uu ugu yeeray gumaysiga xooga ku hasyta magaalada waa siduu hadalka u dhigaye islamrkaana tibaaxay waxaan rajeynayaa inay ciidamada etiopia iskaga bixi doonaan dalka si loo helo nefis

Si kastaba ha ahaatee waxaa afkaarta isku raacsan bulsho badan oo ku nool magaalada caasimada ah ee muqdisho iyo weliba meelo kale oo ka baxsan oo aaminsan in sanadka 2007-da uu ahaa sanad mugdi iyo colaad ku dhamaaay .

sanad wanaagsan 2008 

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 1, 2008

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com