SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 Isbahaysiga Dib u Xoraynta Dalka & Mustaqbalka Geedi Socodka Nabadda ee Dalka

Dunida Caalamka ayaa waxay diiradda ku haysaa Geedi socodka nabadda ee Dalka Soomaaliya kaddib markii uu ku batay khilaafka iyo gacan ka hadalka muddo imminka laga joogo 19-Sanadood ,hadda ayaad waxaad moodaa Dunidu ay u soo jeedsatay sidii ay Soomaaliya si dhab ah wax uga qaban lahayd iyadoo qaadaysa tallaabooyin la xiriira Cunaqabatayn ,faragellin Ciidan,tallaabooyin Sharci ah iyo Xakamaynta Hubka Sharci darrada ah ee ku Qulqulaya Geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya , Itoobiya Eritriya , iyo Kenya sida ku cad warbixintii ay soo saartay Hay'adda International Crises Group (ICG ) oo il gaar ah ku haysa armihan abuuraya Xasaradaha iyo Dagaaladda aan dhammaadka lahayn ee ka socda Dalka Soomaaliya Gudihiisa .

Waxaannu aragnaa in Xal loo helay Khilaafkii u dhexeeyey Madaxda Sare ee DFKMG ah ee Soomaaliya hase ahaatee weli waxaa taagan khilaafkii kale ee u dhexeeyey Hoggaankii Sare ee Maxaakiimta Islaamka ama Isbahaysiga Dib u Xoraynta oo u kala jabay laba kooxood oo kala ah Qaybta Jabuuti iyo Qaybta Casmara waxaadna moodaa inay Qaybta Jabuuti ay diyaar u yihiin inay wax la qaybsadaan DFKMG ee Soomaaliya oo uu hor kacayo R/Wasaare Nuur Xasan Xuseen oo ah Rugcadaa Siyaasi ah Shacabka Soomaaliyeedna ka haysata Kalsooni aad u weyn mudana in la Xuso kaallintii weynayd ee uu ka soo qaatay Geedi Socodka Nabadda ee Dalka intii uu socday Shirkii Jabuuti iyo sida uu ula Tanaasulay Macaaradkii ka soo horjeeday.

Khilaafka Isbahaysiga Dib u Xoraynta Dalka maxaa u Xal ah? ,haddii uu ahaa Khilaafku mid ku xirnaa Maxaysatada Ciidamada Itoobiya waxaannu filaynaa inay si Sharci ah uga baxayaan Dalka iyadoo weli ay u Dhiman tahay in Maxakamadda Dunida ay si dhaqsa ahi ugu yeedhi doonto lana weydiin doono Xadgudubkii ay u geysteen Shacabka Soomaaliyeed ee isugu jiray Carruurta ,Dumarka Maatida iyo Raydka aan waxba galabsan ,laakiin waxaa haboon inay hal mowqif isugu yimaadaan haddii la gaaray Xalkii la tiigsanayey iyadoon Xabbad la adeegsan ayaa loo adeegsaday Awood Sharci laguna amray inay si deg-deg ah uga baxdo Dalka maadaama ay ku soo gashay Sharci darro, Hoggaanka Sare ee Dib u Xorayntu waa inay Midoobaan si ay u badbaadiyaan Shacabka Soomaaliyeed ee Dhimanaya ,Qaxaya ,Tariibaya,Tarxiilka ku imaanaya iyagoo xiran

Soomaaliya ma u baahan tahay Ciidamo Shisheeye? Su'aashani ayaa waxay tahay mid ay Dad badani is weydiinayaan jawaabtu wey iska cadahay uma baahna, haddii la helo Heshiis loo dhan yahay waxaa la dhisi karaa Dhallinyaro Soomaaliyeed oo Nabadda Sugta lana siiyo Lacagaha adag ee ay bixinayaan Hay'adaha u qaabilsan Dunida Ilaallinta Nabadgelyada ee hoos yimaada Qaramada Midoobay intii ay Lacagahani adag ay qaadan lahaayeen Ciidamo Shisheeye waxaa haboon in ay Dalka ku noqoto oo lagu bixiyo Dib u habaynta iyo Nabadgelyada Dalka laguna Dhiso Shacabka Soomaaliyeed ee ay Saboolnimdu Dubatay muddo ka badan 19-Sanadood ,Dhallinyaradaasuna ay noqodaan kuwa Ilaaliya Sharafta iyo Sumcadda Dadka iyo Dalka.

Mustaqbalka Geedi socodka Nabadda ee Dalku wuxuu ku xiran yahay inuu dhammaado khilaafaadka u dhexeeya kooxaha iska soo horjeeda ee uu loolanka Siyaasadeed u dhexeeyo ,haddaba waa inay Dib u eegaan Dhibaatooyinka Nabadgelyo darrida ah ee haysta Shacabka Soomaaliyeed iyagoon aan loo adeegsan Cunaqabatayn iyo Tallaabooyin Sharci ah oo lagu soo rogo ayaa waxaa u Haboon inay Shacabkooda dartii iyo Nabadda u Tanaasul qaataan taasina waxay u noqonaysaa Geesinimo,sida uu muujiyey Mudane Sheekh Shariif Skeekh Axmed intii uu socday Shrikii Dib u Heshiisiinta ee Jabuuti iyo Mudane R/Wasaare Nuur Xasan Xuseen oo uu Caan kaga noqday Afrika iyo Dunida Caalamka oo dhan Nabadgelyada darteed.

Tallaabooyinka xiga ayaa waxay noqonayaan in dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay u hoggaansamaan geedi socodka nabadda kooxaha ka biyo diidanina waa inay marka hore joojiyaan Dagaalka iyo gacan ka hadalka una bedelaan wada hadal maadaama ay baxayaan Ciidamada Naf-lacaariga ah ee Itoobiya ,Maxaad u Dilaysaa Walaalkaa? Miyaadan ku Af ahayn oo aadan wada Hadli karrin? Waa dhab waa in la wada hadlaa waxaana la gaarayaa Guul , Caddaalad iyo Midnimo Waarta ,Badbaadi Shacabkaaga adigay kuu baahan yihiin

Gabagabadii iyo Qoraalkani ku saabsanaa Isbahaysiga Dib u Xoraynta Dalka iyo Mustaqbalka Geedi Socodka Nabadda ee Dalka ayaannu waxaan ku soo gunaanadayaa waxay taagan tahay meeshii ugu dambeysay ee ah Dib u Heshiisiin kooxdii is hortaagtana waa kooxda ka biyo Diidan Nabadda Tallaabo walba oo ku timaadana iyagaa la yimi ,Badbaadi ashahaadada Diintaada ,Sharaftaada , iyo Shacabkaaga Dulman oo la Xasuuqayo maallin walba, qaado wixii Wanaaga ee Ummadda lagu Midaynayo isla markaana looga soo horjeedo Gumeystaha iyo kuwa hor boodaya , Heshiisku waa Khyar waxaanna haboon inaanu qaadano mar walba si loo badbaadiyo Shacabka Soomaaliyeed ee Dagaalada ku Dhamaanaya maalin walba.

Eng. Cabdulqaadir Cumar Yuusuf
Somalihungerhivprojectus2004@yahoo.com

Faafin: Somalitalk.com | Dec 29, 2008

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS