Warbixinta Sanadlaha ah ee Xadgudubyada Xoriyadda Saxaafadda
Soomaaliya ee Sanadka 2008Soomaaliya: Goob aan Xasilooneyn oo Khatar Ku ah Saxaafadda
Sawirro badan halkan ka daawo....
Jiritaanka iyo nolosha suxufiyiinta Soomaaliyeed khatar ayay
ku soo jirtay sanadkii 2008, iyadoo weerarada lagu doonayay in
lagu dilo, dhaawaco, dhibaateeyo, laguna aamusiyo suxufiyiinta
ay ahaayeen kuwa joogto ahaa dhammaan sanadka gudihiisa, si ku
cad warbixinta sanadlaha ah ee Xadgudubyada Xoriyadda Saxaafadda
Soomaaliya ee uu soo saaray Ururka Qaranka Suxufyiinta
Soomaaliyeed ee NUSOJ.
![](29dec48.jpg)
Intii lagu guda jiray sanadka 2008, fowdada ka dhan ah
suxufiyiinta iyo xadgudubyada xuquuqda saxaafadda ayaa waxay
ahaayeen kuwo fool xun oo naxariis daran, kuwaaso ka dhacay
dhammaan gobollada dalka.
Warbixinta sanadlaha ah ee sanadkan waxay muujineysaa
weerarada khatarta ah ee lagu qaado suxufiyiinta, kuwaasoo ay ku
jiraan dhacdooyinka aan laga hadli karin ee dilka, xarigga,
dhaawaca, si xun ula dhaqanka, afduubka iyo hanjabaadda dilka
ah, iyadoo ay raacsan tahay dhibaateynta iyo cabsi gelinta,
kuwaasoo dhammaantood ka jira magaalooyinka ugu waaweyn dalka
sida Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo, Boosaaso, Gaalkacyo iyo
Hargeysa. Saxaafadda gaarka loo leeyahay ayaa waxaa sidoo kale
loo caburiyaa si aad u daran.
Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ waxa uu la
socday, diiwaangeliyay, uuna ka hadlay dhacdooyin badan oo ku
saabsan weerarada ka dhanka ah xirfadleyda saxaafadda iyo
hay’adaha warfaafineed, warbixinteeda sanadkana waxa ay soo
bandhigeysaa dhibaatooyinka iyo khatarta faraha badan ee
hortaala suxufiyiinta iyo guud ahaan mujtamaca saxaafada.
Warbixinta sanadlaha ah ee NUSOJ ee sanadka 2008 oo loogu
magac daray “Soomaaliya: Goob aan Xasilooneyn oo Khatar Ku ah
Saxaafadda” waxay tilmaameysaa in xoriyadda saxaafadda
Soomaaliya ay tahay mid gacanta ugu jirta dowladda federaalka
KMG ah, kacdoonka islaamiga, maamulka Puntland iyo xukunka
Somaliland, kuwaasoo si joogta ah u muujiyay in aysan jeclayn
saxaafad madax-banaan.
Guud ahaan Soomaaliya, fowdada, weerarada, dambiyada aan la
ciqaabin iyo cadaalad-darida ka dhanka ah suxufiyyinta iyo
saxaafadda ayaa waxa ay ahaayeen kuwo baahsan, abaabulan oo ay
ku lug lahaayeen dad kala duwan oo xadgubinyada geysanayay. Kuwa
geysta dambiyada ka dhanka ah suxufiyiinta waxa ay sii wadeen
in ay ka leexdaan cadaaladda, sida ku cad warbixinta.
“Suxufiyiintu si ula-kac ah ayaa loo ugaarsadaa maadaama ay
isku dayayeen in ay ka waramaan dhibaatada heysata dadka, in ay
si madax-bannaan ugu sheegaan dadka arrimaha taagan iyo in ay
soo bandhigaan xadgudubyada khatarta ah ee xuquuqda aadanaha.
“Suxufyiinta iyo hay’adaha warbaahinta ee sida weyn loo
dhageysto, isla markaana si muhiim u ah shacabka wax uga sheega
dhinacyada dagaalamaya si madax-bannaan oo xirfadi ay ku jirto
ayaa si joogta ah loo ugaarsadaa” sidaa waxaa yiri Xoghayaha
Guud ee NUSOJ Cumar Faaruuq Cismaan.
Warbixinta Sanadlaha ah ee Ururka Qaranka Suxufiinta
Soomaaliyeed waxaa ay diiwaan gelinaysaa sidoo kale muuqaal
wel-wel leh, kaasoo si cad u soo muuqanayay sanadka 2008.
Dhaqannada caburinta ah ee ka dhanka ah suxufiyiinta ayaa
waxa ay u kordheen si kala duwan sanadkan aan ku jirno. Dilalka
iyo handadaada Suxufiyiinta iyo xoriyadda saxaafadda ayaa waxay
ahaayeen kuwa aad u daran. Inkastoo uu jiray sanadkan hoos u
dhac ku yimid dilka loo geysto suxufiyiinta marka loo eego
sanadkii hore ee 2007, waxaa haddana jiray isku dayo la doonayay
in lagu dhibaateeyo suxufyiin, taasoo aan lagu guuleysan.
Warbixinta sanadlaha ah waxa ay sheegeysaa in Koonfurta
Soomaaliya ay weli tahay meesha uga khatarsan ee saxaafad
madax-bannaan ka shaqeyn karta, maadaama ay ka dheceen gobollo
badan dilal, afduubyo, handadaadyo dil ah iyo weeraro. Goboladaa
o sidoo kale ah gobollada dalka ee ay ugu dhimasho badan yihiin
suxufyiinta. Waxaana magaalada Kismaayo lagu dilay Labo (2)
suxufi iyadoon aan la ciqaabin kuwii dilkaasi geystay.
![](29dec410.jpg)
Dilka Nasteex Daahir Faarax oo ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka
Ururka Qaranka Suxufyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ waxaa uu naxdin
ku noqday suxufyiinta iyo bulshoweynta Soomaaliyeed taasoo
sababtay murugo aad u xun oo ku dhacday qoyskiisa iyo
asxaabtiisa.
Xaaladda ka jirta Puntland ee gobollada Waqooyi Bari
Soomaaliya ayaan ka fiicnayn in badan iyadoo maamulka ka jira
halkaas uu isu diyaarinayo doorashada Madaxtinimada iyo
Baarlamaaniga ah. Sida ku cad warbixinta sanadlaha ah Xaaladda
amni ee sii xumaaneyso ee ka jirta Boosaaso, Gaalkacyo iyo
Garoowe ayaa waxay ka dhigtay cadaadis, handadaad iyo fowdo mid
maalin waliba soo wajahda xirfadleyda saxaafadda ee ka
howl-gasha Puntland. Qaar ka mid ah wasiirada Puntland ayaa waxa
ay caadeysteen in ay ugu yeeraan Suxufiyiinta xumaan.
“Somaliland waa mid ka mid ah kuwa sida xad-dhaafka ah ugu
xadgudba xoriyadda saxaafadda maadaama suxufiyiintu ay noqdeen
kuwa ay la soo deristay weeraro inta ay ku jirto dadaalka ay ku
dooneyso in ay ku hanato aqoonsi caalami ah oo ku aaddan
madax-banaanida ay ku dhawaaqday in ay kaga go’day Soomaaliya.
Handadaada ka dhanka suxufyiinta madaxa-banaan ayaa waxaa ay ka
jiraan magaalooyinka Hargeysa, Boorame iyo Barbara” ayuu ku
daray Cumar Faaruuq Cismaan.
Warbixin sanadeedka waxa ay faahfaahineysaa ku dhawaad sodon
(30) suxufi iyo shaqaale warbaahineed oo la xiray, kuwaasoo
dhammaan marka laga reebo hal suxufi la sii daayay, iyagoon wax
Maxkamad sharci ah. In ka badan sodon (30) suxufi ayaa waxaa la
soo gaarsiiyay handadaad dil ah. Inta badan handadaadahan ayaa
waxaa geystay dambiilayaal sida cad ku shaqeynaya rabitaanka
siyaasiyiinta qaarkood.
Xoogaga wax iska caabinta ayaa sidoo kale waxa ay kusoo
rogeen suxufiyiinta xanibaadyo, ayagoo u shaagay in ay naftooda
khatar geli doonto haddii ay ka waramaan waxyaabo aysan ayagu
dooneyn ain laga hadlo. Sidaasi darteed sheekooyin badan oo ku
saabsan xoogaga kacdoonka ayaa ah kuwa aan la baarin oo aysan ka
hadlin saxaafadda.
Tan iyo markii Kacdoonka Islaamiga ah ay la wareegeen
magaalooyin dhowr ah oo ku yaala Koonfurta iyo bartamaha dalka
ayaa waxaa ka qaxay magaalada Kismaayo una qaxay dalka Kenya ugu
yaraan Lix suxufi, iyagoo u cabsanaya naftooda. Suxufyiintan
ayaa waxaa la soo gaarsiiyay handadaad dil ah, kadib markii
loogu yeeray in ay la shaqeynayeen maamulkii hore ee
taageersanaa dowladda KMG. Marka laga soo tago handadaada waxa
ay xanibaad ku soo rogeen warbaahinta ka howl-gasha gobolada
Gedo iyo Jubbooyinka kuwaasoo loo sheegay in aysan sii deyn
Karin heesaha ama musikada, ayagoo ku macneeyay in “Diinka
Islaamku” ay mamnuucday.
Marka laga soo tago rajada wanaagsan ee laga qabay xukuumada
Ra’iisal Wasaare Nuur Xasan Xuseen ay kor u qaadi doonaan
xurmado loo hayo xoriyatul qowlka ayaa haddana waxa ay xaaladdu
aheyd mid sii xumaaneysa marka laga fiiriyo qeybaha ee xoriyada
saxaafadda.
Suxufyiinta ka howl gasha magaalooyinka Baydhabo, Muqdisho
iyo Kismaayo ee dareenkooda muujiya ama dhaliila dowladda ama
xoogaga kacdoonka ayaa waxaa lagu baqdin geliyaa in la aamusin
doono, la dili doono ama lagu qasbo in ay is-faafreebaan. Tani
waxay ka dhigtay suxufiyiinta gebi ahaanba kuwa aan awood u
lahayn in ay doonaan ayna soo bandhigaan runta.
Kororka erayada dagaalka ee u dhexeeya labada garab ee
Isbaheysiga dib u xureynta ayaa waxaa uu sidoo kale kordhiyay
khatarta soo wajahaysa suxufyiinta. Xirfadleyda saxaafada ayaa
waxaa ay ku nool yihiin cabsi joogta ah oo sheegaysa in loo
dilayo haddii ay ka waramaan khilaafka daakhiliga ah ee u
dhexeeya Isbahaysiga Dib u Xureynta iyo cidda loogu yeerayo in
ay tahay hogaanka sharciga ah ee kooxdan.
Warbixintu waxa ay sidoo akle sheegeysaa in saxaafadda ayadoo
ku waxyeelowday dagaalka naxariis darida ah ayaa xadgudubyada
xuquuqaha bulsho iyo dhaqaale ee suxufiyiintu waxa ay
daciifiyeen xuquuqda ay leeyihiin xalaado shaqo oo cadaalad ku
dhisan una wanaagsan. Dagaalka ka laba lixaadsaday bishii
Desember ee 2006 Koofurta Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu
xumeeyay xaaladaha nololeed ee suxufiyiinta maadaama xarumaha
warbaahineed aysan awoodin in ay bixiyaan mushaarada suxufyiinta
sababtoo ah xarumaha warbaahineed oo si adag dhakhli ku abuura.
Sharciga saxaafada ee la ansaxiyay bishii Desember ee 2007
ayaan dib ku noqosho lagu sameynin kahor inta aan la meel marin.
Sharcigu waxa uu soo bandhigay xanibaado badan oo looga dan
lahaa in lagu koontaroolo, laguna curyaamiyo saxaafadda gaarka
loo leeyahay. Waxa uu sidoo kale dajinayaa sharuudo adag oo ku
saabsan diiwaangelinta, waxaana uu sahlayaa faragelin balaaran
oo ay Wasaarada Warfaafintu ku sameyso. Sharcigu waxaa uu soo
rogay xanibaado adag oo ku aadan xoriyadda saxaafadda iyo
xoriyatul qowlka, waxaana uu ka dhigayaa ka koobnaanshaha,
shaqada iyo madax-banaanida golaha saxaafadda qaranka mid hoos
tagay koontaroolka dowladda. Bulshada saxaafadda waxaa ay
muujisay dareenkeeda dhabta ah ee ku aadan sharciga saxaafadda
kaasoo caburin kara xoriyadda saxaafadda, laakiin is-qabqabsiga
hogaaneed ee ka jira dowladda federaalka KMG ah dhexdeeda iyo
awood la’aanteeda ay ku koontarooli karto dalka badankiis
darteed ayaan sharciga loo meel marin weli.
Qaar ka mid ah xarumaha warbaahineed ayaa waxaa ay xanibeen
awoodda suxufyiinta ka shaqeysa ay kusoo saari karaan warar iyo
xog madax-banaan, cadaaladi ku jirto, isku dheela tiran oo
daacadnimo leh. Cadaadis tifatir oo soo koray suxufyiin ayaa
waxaa uu ku qasbay in waxyaabaha qaar qaloociyaan,
buunbuuniyaan, ayna tabiyaan waxyaabo ay og yihiin in ay been
yihiin sababtoo ah waxaa sidaa ku raba milkiilayaasha
xarumahooda warbaahineed.
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
DHOWR XAQA SUXUFIGA IYO SAXAAFADDA
(Baaqa NUSOJ ee sanadka
2008)
Saxaafaddu waxaa lagu tiriyaa inay tahay awoodda Afaraad ee uu Qaran
waliba leeyahay, isla markaana waa midda sababta horumar iyo nabad ka
aslaaxda geyigaas.
Ummad walba oo xor ah masiirkeeda waxa uu ku xiran yahay jiritaanka
saxaafad xor ah. Saxaafadduna waxa ay qeyb muhiim ah ka qaadan kartaa
dib u dhiska dalka iyo helitaanka nabadda iyo in la helo sharci iyo kala
dambeyn waarta.
Saxaafadda Soomaaliya oo ku shaqeynaysa dhibaato ayaa waxaa marqaati
ma doonto ah in Saxafiyiinta Soomaaliyeed ay muujiyeen dhabar adayg iyo
howl-karnimo ay ugu adeegayaan bulshadooda, inkastoo ay dhici karto
qaladaad yar oo ka imaan kara dhinaca farsamada Suxufiyiinta, taasoo ay
ugu wacnaan karto tababarro iyo aqoon saxaafadeed oo aanay helin
Suxufiyiinta Soomaaliyeed, maadaama waddankeenu uu gebi dhaclaynayay
18-kii sano ee u dambeeyay.
Haddaba, maadaama dhibaatadaas adag ay Saxafiyiintu ku shaqeynayaan
ayaa haddana waxaa jira dibindaabyeyn lagu hayo saxaafadda, waxaana si
wadajir ah u dhaleeceyneynaa xadgudubyada ka dhanka ah xoriyadda
saxaafadda sida: xariga sharci-darrada ah, dilka, handadaada iyo
xanibaadda loo geysto dadka ka shaqeeya saxaafadda, waxa kale oo aanu
cambaareyneynaa xeritaanka, faafreebka iyo hakinta xarumaha
warbaahineed.
Waxaan dhaleeceyneynaa xariga aan sharciga ku dhisnayn ee
suxufiyiinta loo geysto, waxaana ka welwelsannahay xirnaanshaha xarumaha
Idaacadaha qaar, waxaana ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada ku xadgudbaya
xoriyadda saxaafadda in ay joojiyaan dagaalka iyo xadgudubyada ka dhanka
ah saxaafadda.
Haddaba, waxaa laga maarmaan ah in saxafiga iyo saxaafaddu ay ku
dadaalaan anshaxa wanaagsan, kana dhowrsadaan ficilada wax u dhimi kara
sharafta suxufiga sida eexda, danaysiga, qabyaaladda, iwm, waana in ay
muujiyaan midnimo iyo xirfad wanaag si ay ugu gudbaan waqtigan adag.
XAQA IYO XUQUUQDA SAXAFIGU LEEYAHAY SI LOO DHOWRO WAXAAN KU
BAAQEYNAA:
1. In la damaanad qaado xorriyadda saxaafadda.
2. In Saxafiyiintu si wadajir ah u muujiyaan sida aanu uga welwelsanahay
xadgudubyada ka dhanka ah xorriyadda saxaafadda ee meeshii ugu sareysay
gaaray sanadka 2008.
3. In dadka ka shaqeeya saxaafadda nabadgelyadooda la dhowro.
4. In aanu muujinno in dhammaan noocyada faaf-reebka toosan amaba
dadban ay xadgudub ku yihiin madax-bannaanida iyo xoriyadda saxaafadda.
5. In Suxufiyiintu kala saaraan siyaasadda iyo xirfadda saxaafadeed,
maadaama faragelinta siyaasadeed ee toosan ama dadban ay wax u dhimeyso
tayada warbaahinta xorta ah.
6. In aan ka codsanno dhinacyada siyaasadda dalka in ay damaanad qaadaan
xoriyadda iyo nabadgelyada suxufiyiinta ajnabiga ah ee dalka yimaada iyo
shaqaalaha u shaqeeya wakaaladaha wararka ee ajnabiga ah.
7. In la soo daayo saxafiyiinta ajnabiga ah iyo kuwa Soomaaliyeed ee
afduubyada loogu heysto qeybo ka mida dalka Soomaaliya.
8. In aan ugu baaqno Saxafiga iyo saxaafadda in ay xurmeeyaan heerarka
caalamiga ah ee saxaafadda u degsan iyo danta Qaranka ee dalkooda.
Xoghayaha Warfaafinta Ururka NUSOJ
C/raxmaan Cumar Madoobe (Caaqil Dalmar)
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: Somalitalk.com | Dec 29, 2008