SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele oo Bangi Nidaam Islaami ah ku Shaqeya  xariga uga jarey Caasimada dalka Jabuuti

Sawirada Furitaanka bangiga Halkan ka daawo...

Madaxweynaha dalka Jabuuti Md, Ismaaciil Cumar Geele ayaa xariga ka jarey 27/12/2008-da Bangi ku shaqeeya nidaam Islaami oo loogu magacdarey (Salaam African Bank)  islamarkaana ay sheer ku yihiin  Soomaali iyo Jabuutiyaan.  Xafladan furitaanka Bangiga oo ka dhacdey Caasimada dalka Jabuuti ayaa waxaa ka soo qaybgaley mas'uuliyiinta sar sare ee dalka Jabuuti Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele iyo marwadiisa Khadra Maxamuud Xayd, Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Jabuuti Dileyte Maxamed Dileyte iyo golihiisa wasiirada, Diblamaasiyiinta dalallka kala duwan ee jooga caasimada dalka Jabuuti, martisharaf kala duwan.

Gudoomiyaha Salaam African Bank Md; Cumar Ismaaciil Cigaal oo ugu horeyn halkaasi ka hadley ayaa waxaa uu ka jeediyey hadal qoraal ah oo ka kooban 3 bog, isagoo ku faah faahiyey Ujeedada Salaam African Bank loo aas aasey, muhiimada Bankigaan uu leeyahay iyo mustaqbalka Bankigaan "Bankigaan furitaankiisu wuxuu ku soo hagaagey, iyadoo caalamku dhibaato weyn ay ku hayso hoos u dhac dhaqaale, waana mid loogu talo galey in lagu hormariyo dadyowga geeska Afrika, si uu ugu adeego".

Gudoomiyaha Bangiga dhexe ee Dowlada Jabuuti Md; Jaamac Maxamuud Xayd oo khudbad dheer oo ka tarjumeysey muhiimada Bankigan uu u leeyahay shacabka dalka Jabuuti iyo kuwa kale ee ku nool Geeska Afrika ayaa wuxuu yiri"Koboca dhaqaalaha iyo Bulshada Jabuuti ayaa loogu doortey in laga furo Salaam African Bank, wuxuuna ku soo beegmey waqti adag oo dhaqaalaha aduunku uu gil gilanayo, Baanankii aduunkuna ay soo gaartey khasaarooyin fara badan, naafeeyeyna dadkii wax dhigan jirey, islamarkaana  shaqadoodii ku waayey shaqaalo fara badan, muhiimada bankigan loo soo dhigey banaanka, waa hogaamiyaha koowaad ee ku yaala baananka dalka Jabuuti, waana Bankigii ugu horeeyey oo dhisme madax banaan laga hirgeliyo dalka jabuuti, isagoo mirihiisuna ku amaanan yahay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele,waxaana wada furtey dad Jabuutiyaan ah iyo Soomaali, waxaana ku farxidoona ku farxidoona dadka Ajnabiga ah ee ku nool dalka Jabuuti" ku yiri

Mas'uuliyiintan ka hadashey Furitaanka xaflada ayaa waxay amaan iyo mahad balaaran u soo jeediyeen Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele oo goob joog ka ahaa khudbadaha furitaanka xaflada Salaam African Bank,  gunaanadkii xaflada ayaa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele xariga ka jarey Bankiga (Salaam African Bank).

hase ahaatee Bankigan laga furey Caasimada dalka Jabuuti ayaa ah mid ku dhex yaala Qaarada Afrika oo mowjadaha badweyn faqriga iyo dagaalada sokeeye ay ka dhacayaan

Gudoomiyaha Salaam African Bank Md; Cumar Ismaaciil Cigaal "...sida ay u wada nool yihiin Reer Yurub iyo Mareykan aan wax isugu darsano"  wareysi

Gudoomiyaha Salaam African Bank Md; Cumar Ismaaciil Cigaal oo aan wareysi gaar ah kula yeeshey isla goobta xaflada ay ka dhacdey waxna ka weydiiyey Ujeedada loo aas aasey, tirada xubnaha sheerka ku ah, halka ay noqondoonto xaruntooda ugu weyn, meelaha ay kasoo kala jeedaan iyo su'aalo kale oo muhiim ah ayaa isagoo arimahaasi ka hadlaya wuxuu yiri "dad isutegey oo Geeska Afrika kasoo wada jeeda ayaa sheer ku ah, waana Bangi Islaami ah,Baananka Islaamkuna xiligan waxay haystaan fursad weyn oo baanankii kale wey socn la'yihiin, taas ayaa keentey taas ayaa keentey in la aas aaso Bangigaan, dowladaha duniduna way u wada baahan yihiin baanankan oo kale,waxayna ka shaqeeyaan, kheyraadka dalka uu leeyahay, dowlad kasta oo ka faa'iideysata baanka awooda uu leeyhay oo soo dhoweysa, isaguna diyaar buu u yahay dal kasta oo laga soo dhoweeyo.

S;-Imisa Xubnood ayaa sheer ku leh Bangigan, xaruntiisa ugu weyna xagey noqondoontaa?.

J;-hada ayuu bilowdey,dadka hada aan ku bilowney wey yar yihiin, ilaa 30 meeyo meelahaas ayey gaarayaan, waana furidoonaa raasumaalka uu leeyahay, saldhigiisuna waa Jabuuti, waxaana ugu dooraney Jabuuti, waa meel degan, siyaasada dhaqaalaheeduna uu fur furan yahay, aad iyo aadna u soo dhoweyneysa Baananka nooc kasta ay yihiin, waxaana ka socota mashaariic waaweyn oo ay ka mid tahay Dekedii ugu weyneyd Afrika aan iraahdee ayaa laga hirgeliyey dhowaana waa la furidoonaa, waxaana diyaar u nahay meel kasta oo lagu soo dhaweeyo inaan xafiis ka furano oo ay ugu horeyso Geeska Afrika, waxaana ugu horeyn doona Soomaaliya.

S;-30-ka xubnood ma wada Jabuutiyaan iyo Soomaalibaa?.

J;-sheerka dadka ku jira waxay isugu jiraan Soomaali, Jabuutiyaan iyo dad kale.

S;-Bankigaan ma midkii ugu horeeyey dad shacab leeyahay oolaga furo Jabuuti baa, mise kuwo kale oo ka horeeyey ayaa jira/.

J;-hada Baananka ka shaqeeya Jabuuti, waa kii ugu horeeyey oo aan dowlad lahayn, islamarkaana ay leeyihiin dadd shacab ah oo ka soo jeeda Geeska Afrik.

S;- khudbadaada waxaad ku sheegtey inaad sameyneysaan mashaariic Horumarineed, qaab sideed u fulineysaan mashaariicdaas?.

J;- Baan hadii la maqlo waa la yaqaanaa shaqadiisa, haii Islaam la yiraahdana waa cadahay, Baanankuna lacag bay hayaan, dadkuna wey amaahiyaan, waxayna dulsaaraan lacag baananka kale, hawlo kalena wey u qabtaan oo ay ka mid tahay sariifada, xisaabaha dadka loo furo, anaguna hawlihii baananka ay qabanayeen oo dhan ayaan qabaneynaa oo aan ku jirin Ribada, waxaa keloo jira dad lacag keensada oo yiraahda noo shaqeysiiya, toodii iyo mid baanka uu leeyahay ayaa laysku darayaa wixii ka soo baxa faa'iido iyo khasaaro heshiis baa lagu ahaanayaa.

S;-labada Shacab Soomaali iyo Jabuutti ma jiraa wax aad u soo jeedineyso?.

J;-waxaan ugu baaqayaa aduunyada wax lasyku fahmikaro oo wax lagu wada qabsankaro waxaa ugu weyn in la wada shaqeysto oo la wada noolaado oo dadka geesku wax ay isku darsadaan, kheyraad badan buu leeyahay dhulka Geeska, anaguna gaajo ayaa nagu dileysa, dagaalka waxa keenayo waa dadka gaajeysan oo wax Alla wixii wax haysta waxaan ugu baaqayaa inay wax isku darsadaan oo mideeyaan muruqooda iyo maskaxdooda, sida ay u wada nool yihiin Reer Yurub iyo Mareykan aan wax isugu darsano   

Sawirada Furitaanka bangiga Halkan ka daawo...

Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Jabuuti.

fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: Somalitalk.com | Dec 28, 2008

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS