SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Mashruuc indhaha loogu fiiqayo Toban kun oo ruux ayaa maalinta Sabtida ah ka furmaya Isbitaalka Carafaat ee magaalada Muqdisho

Waxaa lagu wadaa in maalinta Sabtida ah ee soo socota oo taariikhdu ku beegan tahay 27-ka bishan Disembar ee sanadkan 2008-da uu ka furmo Isbitaalka Carafaat ee magaalada Muqdisho wejigii labaad ee mashruuc la dagaalanka indho la’aanta oo ay ka faa’iideysan doonaan guud ahaan illaa 10,000 oo ruux sida uu sheegay agaasimaha isbitaalka Carafaat Muuse Xuseen Cumar Muuse (Afey) oo saaka shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa.

Agaasimaha ayaa inta ku daray wejigii koowaad ee mashruucan oo lagu qabtay dhowaan magaalada Hargeysa ay ka faaiideysteen illaa 800 oo ruux oo halkaasi ku nool, isagoo xusay in wejiga labaad oo loogu talo galay iney ka faa’iideystaan dadweynaha ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo gobolada ku dhow la qorsheeyey in indhaha looga qalo illaa 1,000 qof, wuxuuna tilmaaamay in wax lacag ah aan laga qaadeynin bukaanada indhaha loo fiiqayo haba yaraatee.



muuse afey | carafaad indho fiiqid


“Mashruucan qiimaha badan u leh bulshada Soomaaliyed ayaa waxaa maalgeliyey hey’ad Turki ah oo lagu magaacaabo IHH, waxaana fulinaya dhaqaatiir ka kala socotay heyadaha Sam Sam Foundation iyo Manhal, iyadoo wejiga labaad ee lagu qaban doono xarunta isbitaalka Carafaat oo ku yaala deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho, mana jiraan wax lacaga ah oo bukaanada la weydiinayo” ayuu yiri Muuse Afey agaasimaha isbitaalka Carafaat oo intaa ku daray in wejiga labaad mashrucan uu socon doono inta u dhexeysa 27- Disembar ee 2008-da illaa 15-ka bisha Janaayo ee sanadka 2009-ka.

Agaasimaha isbitaalka Carafaat Muuse Xuseen Cumar (Muuse Afey) ayaa sidoo kale sheegay in mashruucan balaaran ee indhaha loogu fiiqi doono sida la qorsheeyey illaa 10,000 kun ruux guud ahaan la gaarsin doono gobolada dalka uuna socon doono fulintiisa ilaa sanada 2010-ka wuxuuna ugu baaqay shacabka Somaaliyed gaar ahaan kuwo indha la’aantu heyso iney ka faa’iideystaan mashruucan maadama uu yahay mid lacaga la’aan, isagoo xusay in heyadda Sam-sam ay dedaal weyn ugu jirto sidii ay mar walba ugu heli laheyd ah dadka Somaliyed ee indhaha la’ mashaariic qaliin oo lacag la’aan, si ay fursad ugu helaan mar kale iney wax arkaan.


Muuse Cali Abeyle
E-Mail abeyle12@hotmail.com

waxaa soo tabiyey
Amiin Yuusuf Khasaaro

Faafin: Somalitalk.com | Dec 27, 2008

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS