SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Madaxweyne Anwar Al-Saadaat:- Maalmihii Dagaalka Iyo Nabadda

Maxamed Anwar Saadaat wuxuu ku dhasahay tuulada (Mayt Abu Al-kowm) ee ka tirsan degmada Al-manuufiya ee dalka Masar taariikhdu markay ahayd 25/9/1918 qoyskiisa wuxuu ka kobnaa 13 walaal iyo Hooyo Suudaaniyad ah iyo Aabe Masri ah Anwar Sadaat aabihiis wuxuu qoraa ka ahaa Isbitaalka ciidanka ee gaarka u ah ciidanka Masaariga ee ku yaalo Suudaan.
Sanadkii 1925 ayuu ka soo laabtay Anwar Sadat aabihiis Suudaan kadib wuxuu ku biiray qorayaasha tuulada kadib wuxu u u wareegay iskoolka layirahdo Al Aqbaad ee ku yaalo Duukh sanadki 1925 waxay u guureen qoyska Anwar Sadaal magaalada Qaahira wuxuuna ku biiray iskooladeeda

Wuxuu ka baxay Anwar Saadaat kuliyada dagaalka sanadkii 1938 kadib wuxuu u guuray magaalada Manqabaad si uu uga shaqeeyo halkaas ayuuna kulmay markii ugu horeeyay madaxweyne Jamaal Cabdinaasir wuxuu ka soo shaqeeyay Guutooyinka bariga , kadibna
xiriir la sameeyey Jarmalka arrintaasna loo qabtay Anwar Saadaat
waxana sanadkii 1942 ku dhacay xukun ah shaqo joojin ,waxaana laga qaday darajadiisii ciidanka kadibna waxa la galiyay xabsiga Ajaanibta(shisheeyahay) kadibna waxa loo wareejiyay xabsiga lagu magacabo Maaquusa kadibna waxa loo si wareejiyay xabsiga Al zeytuun ee u dhaw magaalada Qaahira wuxuuna ka baxsaday xabsigaas sanadki 1944 wuxuuna fakadkaa ku jiray ilaa sanadki 1945 marka soo uu dhamaday xukunkii sarnaa asaga

wuxuu ka qayb galay Anwar Saadaat urur sir ah ururkaa soo khaarajin jiray madaxda ingiriiska waxaana lagu eedeeyay dilka sarkaal sare oo masriya oo lagu magacaabi jiray
Amiin Cusmaan ka soo saxiib la ahaa ingiriiska aadna u taagersanaa joogidooda Masar
31 bilod markii uu ku jiray xabsi ayaa la sii daayay kadib marki danbi lagu waayay,
wuxuu ka soo shaqeeyay saxaafada asago sidoo kale ka soo shaqeeyay shaqooyinka xorta ah
shan iyo tobankii janaayo ee sanadki 1950 ayaa wuxuu ku laabtay ciidanka hubka sido
sanadkii 1951 ayaa waxaa uu Jamaal Cabdinaasir u doortay in uu ka mid noqdo gudigii soo qaban qaabiyey aasaaskii Saraakiishii afqanbiga Boqorka kaga tuurtay Xukunka, wuxuu ka qayb galay Saadat kacdoonkii luliyo 23-7-1952.

Kadib markii uu dhintay madaxweynihii Jamaal Cabdinaasir ayaa Anwar Saadaat wuxuu ka hadlay Telefishinka wadanka wuxuuna shacabka reer Masar usheegay in uu dhintay maxadweyne Jamaal Cabdinaasir .
intii uu xukunka haayay Jamaal Cabdinaasir wuxuu Anwar Sadaat soo qabtay xilal badan
sanadkii 1953 wuxuu aasaasay Anwar Saadat wargeyska Aljamhiiriya asagoo tafaftire ka noqday sanadkii 1955 wuxuu Xoghayn guud ka noqday Kulan lagu magacaabi jiray Kulanka Islaamiga ee la qabtay sanadkii 1957 waxaa loo magacaabay wasiiru dawle, kadibna Xoghayaga guud ee midnimada Qaranka, sanadkii 1964 wuxuu noqday madaxweyne ku xigeenka Masar sanadkii 1966 iyo 1969 iyo 1970 kina loo dortay in uu ka mid noqdo Kulanka Guud ee Hantiwadaaga Carbeed , 7 oktobar ee sanadkii 1970 ki ayaa wuxuu golaha fadhiga umada uu ogolaaday in la sharaxo Maxamed Anwar Saadat madaxweyne nimada wadanka markii uu Jamaal Cabdinaasir dhintay


Maxamed Anwar Saadaat wuxuu Masar ka talinaayay inta u dhaxeysay sanadki 1970 -1981 markii uu dhintay hogaamihii ka horeeyay ee Jamaal Cabdinaasir 28 december 1970 wuxuu ka mid ahaa saraakiishii ciidamada Masar wuxuu kalo ka mid ahaa dadkii kiciyay kacdoonkii luulyo 1952

wuxuu soo celiyay xizbiyadii siyaasiga ee masar kadib markii la joojiyay markii ay kiciyeen kacdoonkii Masar wuxuu aasaasay xizbiga dimuqraadiga madax ayuna ka noqday wuxuu kaloo ka qaybqaatay aasaasidii xizbiga shaqaalaha
waxaa lagu tirayaa Anwar sadaat inuu ka mid yahay hogaamiya yaashii ugu muhiimsanae ee soo maray Masar iyo Carabtaba taariikhda cusub.
waxaa kalo lagu tiriyaa Anwar sadaat in uu yahay madaxweynihii sadaxaad ee Masar kadib markii ay Masar isku badashay jamhuuriyada iyadoo ahayd boqortooyad, waxaana madax ka noqday madaxwaynihii dhintay ee Maxamed najiib oo noqday madaxwaynihii ugu horeeyay ee Masar waxaana ku xigay hogaamiyihii Jamaal Cabdi Naasir markas kadibna waxa ku xigay madawayne Maxamed Anwar Saadaat.

Sanadkii 1977 ayaa Anwar Saadat wuxuu qaaday dagaal si uu usoo celiyo jaziirad u eekta Siinaay oo ay qabsatay Israaiil dagaalkii 6 maalmood socday ee qarxay sanadkii 1967 waxayna Masar ku guulaysatay dagaalkii 1973 in ay soo cesheto 15 km oo ka tirsan jazirad u eegta siinaay ugu danbayntiina wuxuu ku guuleystay in uu siinaay oo dhan soo ceshto, wuxuuna dib u furay Kinaalka Suways ,wuxuu Anwar Saadat gilgilay kalsoonidi Israaiil ee xoogeeda ciidan wuxuuna kor u qaaday kalsoonidii masaarida iyo carabtaba waxayna wadada u furtay heshiiskii nabada ee ey kala saxeexdeen Masar iyo Israail waxaana markaas reer galbeedku Anwar Saadaat u aqoonsadeen geesiga dagaalka iyo nabada

9 novembar ee sanadki 1977 wuxuu sheegay Anwar Saadaat in uu diyaar u yahay in uu aado Israa,il si ay uga wada hadlaan nabada isla markiiba waxay si dhaqsa ah Israaiil ugu dirtay Anwar Saadat Marti qaad si uu Qudus usoo booqdo ,iyadoo u malaynaysay hadalka Saadat in uu yahay hadal aan run ahayn oo uusan kaga dhabaynayn.
intii uusan Anwar Saadat magaalada Qudus u dhoofin wuxuu u safray Suuriya si uu madaxweynaha Suuriya Xaafid Al-asad ugu soo qanciyo ka qayb galka heshiiska iyo taageeridiisa laakiin madaxweynihii Suuriya wuu diiday wuxuuna ku yiri Anwar Saadaat maalmaha soo socdo ayaa kuu cadeyn doonto in aad qaldantahay

19 novembar 1977 ayaa Anwar Saadaat wuxuu booqday Israaiil taa soo aduunka oo dhan uu la yaabay madaxweyne Anwar ayaa markii uu tagay wuxuu ka soo jeediyay Israaiil khudbadiisii caanka ahayd
wuxuuna soo hor fakarkiisii shacabka Israaiil iyo aduunka dhamantiis tasoo ahayd in shacabka Carabta iyo kan Masarba ay rabaan nabad iyo in Israail ay iska dhaafto dagaalka iyo aaminsanaanta Israail in xoog ay tahay qaabka ugu fiican ee lagula dhaqmi karo Carabta iyo IN uusan jirin wax xal ah dhibaatada u dhaxeyso Carabta iyo Israail iyadoon xal loo helin dhibaatada shacabka Falastiin .

Wuxuu dhamaaday xukunkiisii markii la dilay Isagoo u dabaaldagaayo sanadguuradii dagaalki lixda october ee sanadki 1981 halkasoo nin lagu magacabo Khaalid Al islaambuuli iyo rag kale ay xabado ku fureen markii ciidamada ay dhoola tuska samaynayeen asagoo kursigiisa ku fadhiyo halkaasna uu ku dhintay .



Xasan C/salan Guleed
Sweden
jerara10@hotmail.com

Faafin: Somalitalk.com | Dec 27, 2008

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS