Musharax Nuradin Aadan Diiriye Oo booqday Kuuliyadda Waxbarashada
Macalinnimada ee GTEC. ( Garowe Teacher's Education College) kana soo
jeediyey khudbad dheer.
Sawirada Halkan ka daawo...
Musharax Nuuradiin Aadan Diiriye oo Maamulka, Ardayda iyo Macalimiinta
Kuuliyadda Waxbarashada Macalimiinta ee Garowe. Kulankaas oo musharaxu
ka soo jeediyey khudbad dheer oo ka hadlaysa muhiimada waxbarashada
sidoo kale soona bandhigay siyaasadiisa.
Intaas kadib waxaa halkaas ka furmay kulankii Ardayda GTEC iyo Musharax
Nuradin Aadan Diiriye ee uu kula yeeshay magaalada garowe kuuliyadda
waxbarashada macalinimada ee GTEC kulankaas oo ahaa mid aad iyo aad ugu
farxeen dhamaan Maamulka, Macalimiinta iyo Ardayda dhigata GTEC iyagoo
ay ardaydu tilmaameen in uu musharax Nuradin Aadan Diiriye yahay
musharixii ugu horeeyey oo qiimeeya Kuuliyadda Waxbarashada
Macalinnimada ee Garowe.
Ugu horayntii waxaa furay hadalka maamulaha Kuuliyadda Waxbarashada
Macalintinimada ee GTEC. Mudane Cabdirisaaq Axmed shiikh una mahad
celiyey Musharax Nuuradiin Aadan Diiriye booqashadiisa Cabdirisaaq Axmed
Shiikh ayaa ugu warbixiyey ardayda hortooda Kuuliyadda Waxbarashada
Macalintinimo ee Garowe.
Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay Maxamed Abshir Walde oo ka hor
akhriyey ardayda GTEC horteeda Taariikh Naloleedka Musharax Nuuradiin
Aadan Diiriye oo kooban tilmaamayna muhiimada ay waxbarashadu u leedahay
Bulsho kasta.
Waxaa isla markiiba hadalkii lagu soo dhaweeyey makarofoonka Musharax
Nuuradiin Aadan Diiriye oo ka soo jeediyey khudbad ay aad ugu riyaaqeen
dhamaan maamulka iyo ardayda Kuliyadda taas oo keentay in gabagabadii ay
soo bandhigaan ardaydu su'aalo muhiima oo maanta u taagan in la horkeeno
musharixiinta puntland si wax looga xaqiijiyo ujoodadooda iyo
waxqabadkooda.
Khudbadii Musharax Nuuradiin Aadan Diiriye
Waan idin salaamay salaan kadib waxaan aad idinka mahad celinayaa sida
diiran ee aad ii soo dhaweyseen Run ahaantii ma doonayo in aan idinka
mashquuliyo wax barashadiinii maanta kulankeenu waa mid ku taxaluqa
arimaha wax barashada iyo sidii aan talooyin ukala qaadan lahayn Waxaan
aad ugu faraxsanahay in gabdhuhu ay ka badan yahiin maanta Wiilasha
hormar kasta oo maanta dunida gaartay waxaa ay ku tiirsan tahay Gabdhaha
Waxaan shaki ku jirin in gabdhahu ay ka dulqaad badan yihiin Wiilasha,
Gabdhahu waxaa ay siwanaagsan u joog teeyaan waxbarashada iyo howlkasta
oo loo idmo halka ragu ay ka guur guur badan yihiin
Maanta waxaan u soo gur manay bad baadinta Puntland xaga amaanka , xaga
difaaceeda, xaga hor markeeda, iyo Xaga jiritaankeeda, Waxaa nasiib
Darro ah in maanta ay maqan yahiin Gobalo katirsan Puntland kuwa kalana
La handadayo oo culays weyn uu soo fuulay, Waxaan ognahay in uu jiro
isxilqaan shacabku ay isu xilqaameen arimahaas wax wayna ay ka qabteen
hadii aysan jiri lahayna ay wax badan dhumi lahaayeen, sidaa daraadeed
Waa in la helo Amaan Laysku halayn karo qofkastana xaq ayuu u leeyahay
in uu helo amaan, waxaa loo baahan yahay in la helo Ciidan suga amaanka
kuwaasoo ubaahan in loo helo Dhaqaale ay ku noolaan karaan kuna difaaci
karaan dadka iyo dalka reer Puntland.
Puntland waxay ka baa ba'day maaraynta Maaliyada waana Amaano loodhiibay
Maamulka oo loogu talagalay in ay wax uga qabtaan Amaanka, Horumarka,
Nidaamka ay marto hadana lama orankaro Waa mid xalaal ah, Hadii anaga
naloo dhiibo waxaan balan qaadaynaa in aan u sameeyno nidaam wanaag oo
muuqda waxaana ku maamulaynaa sida Caalamka uu wax u maa musho dhanka
horu'marka, tan iyo intii la dhisay Puntland waxaa ayaan darro ah in aan
loo samayn shacabka Qaabka cod bixinta oo wali aysan hirgalin waana
nasiib daro iyadoo maanta ay laga sugaayo in ay codbixiyaan 66 Qof oo ay
Masuul ka noqdaan Dadweyne Aad u faro badan, Waxaana jirta in Dadweynuhu
aad u rajeynayaan in laga gudbo Codeynta 66da Qof loona gudbo in
Qofkastaa uu iskiis u codeeyo.
Waxaan kaloo rabaa maanta inaan ka hadlo Arinta Waxbarashada run
ahaantii sida uu inoo sheegay Maxamed Abshir Walde wax barashadu waa
waxa aasaaska u ah Horu'marka Bulshada
Hadii ay wax barashadu ay tahay Mid aan lahayn sal adag Wadankaasi waxaa
uu noqonayaa Mid aan lahayn Hormar, Dhalinyaradu waa Hormuudka horukaca
iyo horu marinta wadanka
Muwaadin kasta oo wadanka u dhashay waxaa uu Xaq u leeyahay in u helo
waxbarasho waa in lagula xisaab tamo sida uu sharcigu dhigayo hadaba
halkee bay hada wax marayaan
anigu waxaan aad xiisa wayn ugu qabaa waxbarashada maadaama aan anigu
aan wax kabilaabay shaqadaydii ugu horeesay Waxbarasho Macalin.
Bulshada reer Puntland markii laga hadlo waxbarashada dadka waxbarasho
helaa waxa ay gaaraan Bboqolkiiba Sodon 30% Boqolkiiba Dodoaabatana uma
suuro gasho in ay waxbartaan taasina waxay ina tusaysaa cawaaqib xumada
ay yeeli karto Soomaaliya oo dhan waxaa maanta macalimiin ka ah
Boqolkiiba Sadex iyo Tobon 13% Puntland idinka ayaa iiga xog ogaalsan
xaga wax barashada soomalia Waxa la orankaraa maahan mid layku
halaynkaro oo dhisi karta noona horseedi karta Horumar, Waxaan doonaynaa
Puntland in ay noqoto Xarunta ganacsiga iyo Dhaqaalaha Soomalia Laakiin
waa in lahelaa siyaasad iyo nidaam lagu midaysan yahay oo la samaysto.
Marka tayada laga hadlayo waa noocaasi waxaana jira Machad ay inoo
sameeyeen Hay'ado oo hada wax lagu barto da'daalna ay ka tahay Qaababka
ay maanta wax u soconayaan ma'ahan mid laysku halaynkaro dhinackasta
Maamulaha iskoolka waxaa uu iisheegay 46 macalimiin uu soo saaray
Kuuliyadda GTEC waxaana uu ii sii sheegay in tira yar ay hada ka
shaqeeyaan dhanka wax barashada iyagoo ka kala shaqeeya Hay'adaha iyo
shirkadaha kadhisan Magaalooyinka waa wayn ee Puntland
Macalinka waa in uu helaa Xuquuqda uu leeyahay oo ah Mushaarkiisa,
Sharaftiisaa si ay unoqoto in loo tar tamo Jagada macalinimo oo aysan
noqon sida maanta ay tahay oo kale
Markasta waa in laga wada tashadaa Arimaha wax barashada waayo waa
mustaqbalka Dalka
waa in lo sameeyo qorshayaal hadaba sida tirada ardayda u baahan wax
barashada tirada macalimiin ee la heli karo, Waxaanse kawarhelay in
Wasaarada Waxbarashada Ee Puntland aysan Awood u lahayn xitaa in ay
shahaadooyin ay siiso Ardayda loona doonto Magaalada Mogadisho balse
ilaahay inama badin Anagaase isbadnay
Waxaa kaloo la ii sheegay in wasaarada aysan awood u lahayn in imtixaan
mideysan ay u sameeyso ardada reer Puntland waa mida aan u doonayno in
aan ku sameyno isbadal muuqda oo aan ka sameyno Puntland, Nidaamka wax
barashada xaga luuqadaha waxaa loo baahan yahay in lasugo sida Soomali ,
Carabi , English waana in go'aan laga gaaraa
Soomali nimadeena in ay sugnaato waa in aan anagu go'aan ka gaarnaa Mar
aan ka tirsanaa saraakiil ka socota Hay'ada Unicef waxaan booqasho ku
tagnay magaalada Baydhabo waxaana booqanay Xarun wax barasho iyadoo uu
nawehlinayay Wasiirka wax barashada DFKG Ee Soomaliya Waxaan la kulanay
ilaa 700 oo arday iyo macalimiin waxaana ka codsanay in ay inoo qaadaan
heesta calanka soomaliyeed wayna awoodi waayeen Balse waxaa yaab iyo
amakaag igu noqotay in ay wada qaadeen Heesta Nashiidada ah ee Calanka
Suudaan
halka iskuul kalana oo isna ku yaala Baydhabo sidaa si lamid ah ay nagu
dhacday balse iyaguna waxay noo qaadeen Nashiido lagu amaanayo Boqorka
sacuudiga
Sidaa daraadeed waxaan idinla socod siinayaa in loo baahan yahay in la
helo Siyaasad Wax barashho oo maanta keeni karta in ay u sameeso dadka
reer Puntland horu'mar la taaban karo.
Waxaa kaloo loo baahan yahay in lahelo Xaruma caafimaad oo haqab tira
baahida cafimaad ee Bulshada, Waa in la helaa sidoo kale wax soo saarka
Biyo Nadiif ah oo dhamaan laga hir galiyo deegaanada Puntland oo dhan
Khudbad Dheer kadib musharax Nuuradiin Aadan Diiriye ayaa ay waydiiyeen
aradayda Su'aalo dhoora oo ay u soo bandhigeen sida tan:-
Su'aalo:-
Axmed jaamac Cawad
1. Soo dhawayn kadib iyo mahadcelin kadib waxaan ku waydiiyey musharax
ma ahan markii ugu horaysay ee doorasho ay ka dhacdo Puntland sidaa iyo
si lamid ah ayay hadalo Macaan oo soo jiidanaya dareenka ardayda iyo
shacabkaba usoo diyaariyeen mana dhaqangalin markii ay ku guulaysteen
Maxaa laguugu aaminikaraa in aad ka dhabaynayso hadaladaada oo maanta na
farxad galiyey.
Cali maxamed Cilmi
2. Salaan iyo Mahad celinkadib maadaama uu musharaxu sheegay
dhibaatooyinka wax barashada iyo sida ay u jiraan maxuu isagu ka
qabanayaa qorshahiisa wax barasho maxaase uga qorshaysan arimaha hub ka
dhigista maadaama Beel kasta ay hubaysann tahay
Sahra cabdi
3. Dugsiyada sare ee Puntland ardayda ka baxday malaga yaabaa in uu
usuura galiyo in ay helaan Jaamacado haday ahaan lahayd Dibada ama
Gudaha
Jawaabo:-
Musharax Nuuradiin Aadan Diiriye
1. su aasha koowaad reer puntland waxaa maanta u sheegayaa in ay jiraan
4 arimood oo lagu kala ogaan karo, Barnamijka siyaasadeen.
Hadii uu qoran yahay waa sidee baad uga qabanaysaa imisa iskool baad
dhisaysaa iyo goormaad ku qabanaysa muda cayima.
2. Xagee baad ka keenaysaa lacagta aad ku qabanayso waa la ogyahay
dhaqaalaha Puntland yaase la kaashanaysaa dhanka caalamka, Dowladaha
kale xiriir caalami malaleedahay.
3 Taariikhda musharaxa horay maxuu u qabtay Waxa uu sheegayo oo dhan
horay waxma uga qabtay waana in la waydiiyaa taariikh amaano ah ma
leyahay sidaasaa lagu kala ogaanayaa in ay hadaladu yahiin mid Dhab ah.
Anigu waxyaabaha aan wax ka qabtay waa kuwa cad oo dhanka wax barashada
iyo dhismiyaal ka kooban Guryo Sidoo kale Dad soo barakacay Sidoo kale
Shaqaaleyn taas oo tilmaamaysa in aan Puntland iyo Somaliyaba aan wax ka
qabtay
Su'aasha labaad
Waxaan ognahay arday fara badan iyo macalimiin oo waxay qabtaan intay
waayen camal la'aan ay meelaha iska joogaan waa in lasameeyo qorsho
shaqa abuur ah oo dhalinyarada loo sameeyo waxaana dhici doonta hadii
sidii loogu talagalay looga faa'iidaysto in shaqaale dibada ah aan u
baahano waxaan leenahay Dhul bad leh, Xeeb dheer oo waxaa la sameyn
karaa shirkado kaluumaysi oo shaqa abuur u noqonaysa dhalinyara faro
badan oo maanta ku dayacan Puntland una baahan in la badbaadiyo.
Su'aasha sadaxaad Manhajka
Waxbarashadu marka hore waa in ay gacanta u gashaa Dowlada hadase
gacanta uguma jirto
Markaasi kadib ayaan samaysan karnaa Manhaj Midaysan amaanka siwayn
ayaan uga hadalnaa waayo amaanka waa aasaaska Noolaha oo dhan waana
talaabada ugu horayso oo aan ku dhaqaaqidoono, waxaana loo xilsaari
doonaa Ciidamo tayaleh oo ladheeli tiray
Su'aashii kale oo ay soo bandhigtay Sahra Cabdi
Waa run mahelaan dhalinyarada dhamaysay wax barashada dugsiyada sare
Jaamacado ama shaqooyin waana mid loo baahan yahay in la helo Jamacado
iyo Shaqooyin rasmiya.
Puntland waxaa xaqiiqa ah mahesho intii ay ku lahayd deeqaha
waxbarasho oo ay bixiyaan Dawladaha shisheeye sida carabaha Iyo Dalalka
kale, waxaa farxadleh in ay ila soo xariireen afar urur oo waxbarasho oo
ka dhisan sida malaysiya , Hindiya , Bakistaan waana mid aan siwayn ugu
farxay waxayna ii sheegeen in ay isku xiran yahiin dhamaan reer puntland
oo ay midaysan yahiin waa mid lagu farxo
Sidoo kale arinta Sool iyo Sanaag ee soo celinta gobolada ka maqan
Puntland taas waa muqadas in la soo celiyo lana sugo in aan xuduudeeda
lagu soo xadgudbin soomaliya oo dhan waa ay isu baahan tahay meel kasta
oo ay wada joogaan Somaliland kama maaranto Soomalida kale mana ka
Go'ikarto.
Si kastaba ha ahaatee Su'aalihii Ardayda Kuliyadda ay waydiiyeen
musharax Nuuradiin Aadan Diiriye iyo Khudbadii Musharaxa ayaa ku soo
gabagaboowday Si wanaagsan oo ay aad ugu riyaaqeen Dhamaan ardayda,
Macalimiinta iyo Maamulka.
Suxufi: Farxaan Yaasiin Mire ( isqootax)
isqootax@hotmail.com
isqootax1@gmail.com
Garowe-Puntland