SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Sii Codkaaga Musharaxa  Puntland Ku hogaamin kara Aqoon, karti,Allaah ka cabsi iyo Aragti Dheeri

Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabad gelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay, intaas kadib  dhammaan akhristayaasha sharafta iska lahow iga gudooma salaanta islaamka ah Asalaamu caleykum waraxmatulaahi wabarakaat.

Waxaa soo dhawaatay xiligii ay Puntland dooran laheyd hogaamiyihii xilka heyn lahaa 4ta sano ee soo socota inshaa’allaah. Waa xiligii ay dadku kala dooran lahaayeen afar sano oo ba’ iyo hoog ah ama afar sano oo ay helaan hogaamiye daacad ah aqoona u leh shaqada uu qabanayo.

Haddaba wax walba iskama yimaadaan ee waxey u baahan yihiin baaritaan fog iyo ka baaraan deg qoto dheer. Miyeey jirtaa meel ay isugu yimaadeen reer puntland intooda caqliga u saaxiibka ah oo ay ka tashadeen, sida uu u ekaan doono hoggamiyahooda Mustaqbalka. Mise waxaa la sugayaa kaliya reer walba ninka iyaga ay wataan uun, oo ku socda qiimeynta ah xilligan waa xilligeenii oo innaga ayaa xaq u leh, sido kale qiimeynta ah reer hebel weligood ma iyagaa na horboodaya, sidoo kale reer hebel hala qanciyo si Puntland ay usii jirto.

Arimahaas oo idil waa dhibaato iyo guul darro u baahan in laga hortago. Musharaxa imanaya waxaa wanaagsan in shaqsiyadiisa lagu saaro miisaan caadil ah oo la qiimeeyo inuu yahay:-

  • Nin ehel u ah maamul
  • Aqoon iyo Karti iska leh
  • Allah ka cabsi baddan
  • Aragti dheer
  • Hanan kara dadkoo idil.
  • Hal abuur leh

Haddaba reer Puntland ma haysaan waqtiga xaadirka ah qof arimahaas ku sifoobay. Runtii wey adag tahay in lasoo odoroso laakiin waxaa qofka lagu qiimeeyaa shaqooyinkii iyo howlihii uu horey usoo qabtay. Sidoo kale waxaa laga wareystaa dadki uu la soo shaqeeyay. Waxaa hubaal ah in ay sanadkan isa soo sharaxeen musharixiin baddan, oo qaarkood lagu tuhmayo aqoon, intooda baddana ay ka yimaadeen dibedda. Laakiin weli ma cadda ninka ay reer Puntland ay isla arkeen oo ay si wadajir ah diirad u wada saareen.

Aniga waxaa iga talo ah, anigoo fursaddan ka faa’ideysanaya weynu kasoo daalnay waxa la yiraahdo nin jeclaysi iyo qabiil qabiil, ee maanta waxeynu u baahan nahay in aynu xaqiiqada wajahno, oo aynu ku kala saarno raggan isa soo sharaxay nin walba miisaanka uu leeyahay haddey noqoto shaqsiyad, aqoon, diin, karti, aragti dheer oo mustaqbal fog ka fakara.

Waxaa kaloo iga talo ah in had iyo jeer laga fogaado wax walboo qalqal galin kar Ammaanka iyo nabadda Puntland. Nin jeclaysi in lagu abuuro foodo runtii waa ayaan daro. Ogow qofka imaanayaa mar walba waa xag Allaah wax ka qoran, oo innaga waxaa nala faray dadaal iyo in aynu ka fiirsano cidda codka aynu siinayno. Runtii wax wanaagsan maaha innagoo raadinayna in Puntland uu isbadal ka dhaco haddana lagu dhaco xaalad bur bur iyo kadaroo dibi dhal ah. Wey wanaagsan tahay in isbadal dhaco laakiin haddii laga baqayo foodo iyo bur bur waxaa wanaagsan in sida hadda aynu nahay aynu ku jirno, waayo hadda waxeynu heysanaa maamul iyo kala danbeyn, oo inaynu uga guurno tan xaalad uu lumo kala danbeynta runtii maaha wax caqli gal ah.

Allaah waxeynu ka baryeeynaa inuu talad wanaagsan inagu sugo, oo uu talada noogu dhiibo kii Puntland ay u aayi laheyd, kii u gar gaari lahaa diinta Allaah inay kor noqoto, kii nagu hagi lahaa  dhabihii horumarka, kii ka fakara maslaxada iyo aayaha Puntland, kii isku xiri lahaa Soomaaliweyn, kii soo celin lahaa kalgaceylkii iyo walaal tinimadii Soomaaliweyn, kii aragti dheer oo ka fakara Mustaqbalka puntland iyo 20ka sane ee soo socda.

Sidoo kale waxaan kula talinayaa dhammaan xubnaha Baarlamaanka  iyo dhammaan Ismimada Puntland inay Allaah ka baqaan oo ay si daacadnimo ku jirtaa u kala saaraan raggaas tartamaya, oo ayan u eegin kan baa Shilimaad fiican bixinaya iyo kan baa jago ii ballaqaaday iyo kan baan isxignaa. Allaah ka soke rajada iyo mustaqbalka Puntland idinkay gacantiina ku jirtaa.

Kala xiriir Maqaalada iyo qoraalada Jooje

Wabilaahi Towfiiq

Cabdixakiim Jaamac Jooje

saicentadv@yahoo.com

Faafin: Somalitalk.com | Dec 27, 2008

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS