SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Wararka Hufar ee Nadiifka ah ee Xambaarsan Anshaxa & Aqlaaqa Saxaafada ( Freedom of Expression and Resposibilites of Journalism )

Aqlaaqa Saxaafada:

Waxaan indhaha ku qabtay cinwaan ah " Cadaaladda Alshabaab ma waxay keentay Nin quraac haysta qado loogu daro? Beesha-X madax loogu dhigo Gobolka Shabeelada Hoose.

Qormada wuxu u qornaa sidan, " waxaa xigtay in Sh/Hoose ay xoog kula wareegeen Alshabaab iyagoo ka qabsaday koox uu Indhacade madax u yahay oo qudhooda sheegtay inaay shareeca ku xukumaayan Gobolka" Maxaa keenay in Nin Beesha-X ah lagu Sandulleeyo Dadka ku dhaqan Gobolka Sh/Hoose, Maxaase Indhacadde looga qaaday Gobolka Haddii Nin kale oo isagaba ka sii shisheeya loo dhiibayo Indhacaddaaba Gobolkaas kula soo diriray Tigreega ugana Xaq badan Ninka Beesha-X-YY ee Maxaa isaga loogu deyn waayey?''.Subxaanullaah.

Iftiimin:

waa hadal la yaab leh oo laga yaq yaq soodo oo qofka damiir leh aan ku hadlin , midda ugu horaysa Alshabaab wax weerar ama duulaan kuma aay qaadin Sh/Hoose, , laakinse waxey halkaas ku tageen codsi uga imaaday dadka deegaanka u dhashay, iyagoo taas ku doonaayay in laga dul qaado dulmida gaamuray oo aay mudo 20sanno ku dhex noolaayeen , Alshabaab, gobolka shabeelaha hoose ula wareegeen si nabad ah oo aan wax dhiig lagu daadin. .

Dulmiga lagu haayay degaanadaas wuxuu ahaa, Dil, Dhac, Kufsi, Jirdil, Xarig sabab la'aan , madax furasho ayaa inta badan lagu lagu xalin jiray xarigaas, Hanti maroogsi, lacagihii leejada dadkii bixin waayana lacagtaas la dhibaateyn jiray xitaa qaarkood dil muteysan jireen lacagahaas waxaa uu Indho Cade u yaqaanay Canshuur.

Sheekh C/raxmaan Axmed Siiro, maaha nin meel shishe ka yimid wuxu ka mid yahay dadka deeggaanka, Saxaafada, waxaysan aqoon u leheen, in beesha, uu kasoo jedo Sheekha, ay Xaafad ka degaan Magaalada Marka, mudo qarni ka badan aay halkaas deganaayeen . qof shacab xoog ku haystay majirto cid ku aaminayso Maamul mar dambe odayaasha dhaqanka degaanka ayaaba taas cadeeyay dhibaatada Indho cade deegaanka ku haayay asigoo shareeco markaas sheegan jiray

Ma jiraan Indha cadde wuxu ugu xaq badan yahay Sheekh Siiro jiraan halgankana Safka hore ayuuba oga jiray Sheekh Siiro, Indhacadde, wax dagaal oo uu degaankaas kaga difaacag tigreega majirin, Tigreegana waxay ka joogaan Gobolka magaalada Afgooye, halganka waxaa ku jiray oo degaanka difaacayay Alshabaab oo ku qaadi jiray Tigreega weeraro cul culus,

Iftiimin

Habdhaqanka dhalinyarada ku bahoowday magaca Xaraka Alshabaab,oo lagu yaqaan oo Qaamuuskoodi ku qorneyn Qabyaalad & goboleysi.

Siiro waa Shaqsiga ku haboon inuu Maamulo Gobol ama Degmo,ka sokowna Odayaasha Reer Markoodka ayaaba u yeelay in Wadaadka xukunka loo dhiibo...Isla Saxaafadaa qaylo dhaan ka keenay in Nin Isaaq ah loo dhiibo Maamulka Kismaayo, waxaan oran karaa in Saxaafada caynkaa ah waa Saxaafad uurka ka jiran waxaana alla ugu baryaa inuu Quluubtooda Mudgi kaga dhigo Qabiilka & Qurunkiisa Aamiin!!!!

Aqlaaqa Saxaafada:

Isla Saxaafada maalmahaan hadal haayay nin sheegtay inuu yahay Shabaab.Ibrahim Almaqdis oo sheegay in uu ka tirsan yahay Mujaahiddiinta Alshabaab Hadafkooduna uu yahay in Adduunka oo dhan ay qabsadaan Isagoo Magacaabay meelo ay ka mid yihiin Alaska oo ku taalla Mareykanka, Japan, KoonfurAfrika, Turkiga

Odayaal Dhaqanka Magaadada Marka Iyo Shacab ka tirsan Dadka Deggan Magaaladaas Marka Iyagoo Ninkaas uu Hadalkaas ka soo yeeray ku Tilmaamay Agent ama adeege Jaajuus ah oo laga soo diray Gobollada Puntland una shaqeeya Sirdoonka Mareykanka.Subxaanullaah.

Iftiimin

Bal aan wax ka iraahdo Odayaasha Dhaqanka Reer Markoodka, ciddii aqoon u leh Dhaqanka Dadka Reer Markoodka ah waxay leeyihiin dalad ama Gole la yiraaho 12ka Koofid ama Koofi, 11ka mid ah Golahaa waxay kasoo jeedaan Beelaha Banaadiri, beesha 12aad waa beesha Biimaal ama Baymaal.War saxaafadeed ka soo baxayna lama arag, waana isla Golahaa kusoo dhobeeyay Alshabaab ahna kuwa ka turjumaaya rabitaanka dadka deeggaanka.

bal midkaan Doc-ka-yeerka ah aan la garan Ururka lagu tiriyo ama uu ka mid yahay uu Doc-ka-yeer un iska ahaa baaritaan ka dib ayaan ogaaday in uusan kasoo jeedin Puntland, intaa ban oga bixi Qabiil ma doonee. doc-ka-yeerkaana waxaan leeyahay xaq udirirka Soomaaliyeed dalkoda ka sokow meel aadi maayan ee adiga aad halkaad doonteysid ee waa fikir kuu gaar ah

Alshabaab & Reer Sh/Hoose, waxay kuwada noolyihiin Nabad iyo Caano, Amnigii soo laabtay Dumarkii iyo Hablihii ilaa 9ka ama 3saac haben nimo socsoda labada dhanba aysan wax xadgudub ah ka jirin Inta Nool & Inta dhimatayba Aqlkoda Aduun iyo Aqal Aakhireedba Cidba halkeeda waa layla gartay ayaan fillaa.

Freedom of Expression and Resposibilites of Journalism:

Waxaan ka oran karaaya in walaalaha Warbaahinta dib oga laabtaan in tuhun la dhexdhigo dadka halganka ku jiro , lagana fogaado Colaada laga dhex Hurinaayo Shacabka Soomaaliyed, oo in mudo ah dhib ku jiray kuna jira ilaa iyo hada , in laga waantoobo Qabiilka, waxaana aan xasuusinaa Walaalaha Saxaafada in maanta waxa Somaliya iyo Somalida meesha ugu liitay dhigay waa Qabiil.Waxaana ugu boorin: Dadnimo waa Dowlad nimo, Somali nimo waa Qaran nimo!!!

Qamar Shariif Hashim
lunadurazzini@hotmail.com

Faafin: Somalitalk.com | Dec 27, 2008

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS