SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Waxgaradka G/Gedo Oo Ka Codsaday Mamulka Somaliland Inay Sii Daayaan Gabar Loo Xiray Qaraxyadii Hargeysa


Qaraxyadii Bishii October Ee la soo dhaacay lalabeegsaday Magaalooyin ka mid ah Hargeysa iyo Boosaaso Ee Gobolada Waqooyi Galbeed iyo Bari Soomaaliya ayaa Maamulka Soomaaliland Waxay u xirxireen Dad badan oo ka soojeeda qeybo ka tirsan Gobolada koonfureed ee dalka .


Ayaan Sh Axmed oo ah Hooyo Soomaaliyeed oo ka soo jeeda Gobolka Gedo aya ka mid aheyd Dadka Halkaasi lagu xiray waxaana Qaar ka mid ah Eheladeeda iyo Qaar ka mid ah Waxgaradka iyo Culimaaudiinka Gobolka Gedo iyo Jubooyinka Ay Walaac ka muujiyeen Xaalada Gabadaasi, ayagoo markale soo cusbooneysiiyay in gabadhaasi xarigeeda aan lo hayn wax cadeyn ah islamarkaana Maamulka Soomaalilad ay u heystaan gabadhaasi si ka baxsan sharciyada caalamiga ah .

Max’ed Xasan Warsame oo la soo xiriiray warfidiyeenada oo ah gabadhaasi qaraawadeeda ayaa sheegay in ay walaac ka qabaan xaalada Caafimad ee Gabadhaasi waxana ay intaasi raaciyeen in gabadha oo xamilo aheyd xiliga la qabsaday aysan ka warheynin xaladeeda Caafimaad.

Ayaan Sh Axmed oo u Dhaxdey ALLAH u naxariiste Marxuum Reer Hargeysa ah oo mudo yar ka hor kazoo guursaday magaalada Muqdisho ayaa waxay iminka xaaladeedu tahay mid aan lala soconin.

Maamulka Waxgaradka iyo Odayaasha gobolka Gedo aya ku cel celiyay baaqooda ku aadan in gabadhaasi si sharud la’aan ah loo soo siidaayo maadaama aysan Gacan ku laheyn Qaraxyadii ka dhacay Deegaano ka tirsan magaalada Hargeysa.


Maamulka Soomaaliland in gabadhaasi iyo dadbadan oo ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya loo haysto in ay qariyeen kooxo ku luglahaa qaraxyadii hargeysa hase ahaatee majirin cid ilaa iyo haatan la horkeenay Maxkamad.

Dad Farabdan oo ka soo jeeda Koonfurta Dalka Soomaaliya ayaa ka mid ah Dad iyagu ku jira Xabsiyada Magaalada Hargeysa Xarunta Maamulka Soomaaliland kuwas oo ay walaac ka qabaan ururada Qaraamada Midoobay iyo Qaar ka tirsan Hay’adaha Samafalka oo tilmaamay in xaaladooda aan lala soconin .
Max’ed Gaarane Aadan
gaarane68@hotmail.com

BaardheereWafti WFP Oo Soo Maray Dhul Uu Dab Baabi'yay Deg.Saakoow,Iyagoo Cunno Deg Deg Ah Halkaasi Gaarsiiyay


Waftigan oo ka tirsan hay'adda barnaamijka cuntada adduunka ee WFP oo booqday magaalada saakoow ,halkaasoo uu dhawaan dab qabsaday ayaa ka warbixiyay goobaha ay booqashada ku tageen.

Wafdiga ka socda WFP oo ay hoggaaminaysay haweenahayda hay'adda WFP u qaabilsan g/J/Dhexe Mrs Miyo Nizoe oo uu kamid yahay Afhayeenka Hay'adda WFP ee Soomaaliya ayaa tilmaamay in ay halkaasi gaarsiiyeen cunnooyin dadkii ay guryaha ka gubteen.

Afhayeenka WFP ee Somalia Maxamed Xasan oo loo yaqaano Guuleed ayaa sheegay in ay cunnadaasi oo dhan 73 mitrik tonne ay gaarsiinayaan inkabadan 700 oo qoys oo ku barakacay dabkaasi.

Booqashada waftiga iyo cunnoqaybinta ayaa ku soo beegmay xilli maalintii axadii uu dab baabiyay xaafada Tooraboora ee degmada saakoow, halkaasoo ay waxyeello ba'an ka dhalatay.

Waftiga WFP ayaa maanta gelinkii dambe dib ugu laabtay magaalada Nairobi ,halkaasoo ay ka soo kicitimeen.


Maxamed Gaarane Aadan

Baardheere/GEDO

 

Faafin: Somalitalk.com | Dec 27, 2008

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS