SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Magaalada Liecester oo lagu qabtey tartan lagu maamusay Ciida Carafo



Magaalada Liecester oo lagu qabtey tartan lagu maamusay Ciida Carafo


London 25.12.2008. Waxaa magaalada Leicester lagu qabtay tartan lagu maamuusayey ciida Carafo.tartankaas oo lagu qabtey garoonka Moat Community College, waxaana tartankaas ka soo qayb galay 18 kooxood oo ay da’doodu u kala dhaxayso under(15) under (13) iyo under(10).




Tartankaan oo ay soo qaban qaabiyeen jaaliyada Soomaaliyeed ee dagan magaalada Leicester gaar ahaan bahda Sportiga oo uu hogaaminaayo rug cadaaga Sportiga Soomaaliyeed ee magaalada Leicester Mudane: Cabdiqaadir-Biine oo ka mid ahaa laacibiintuu kubada kolega ama baasketballka kooxaha Jeenyo iyo Muqdisho, xidigaan hore ayaa lagu xusuusan karaa bahdii hore u taqaanay shuutkii la magac baxay sharkhantiisa (shamso).



Waxaa sidoo kale madasha cayaaraha si weyn uga qayb qaatay maamulka ururka Sportiga magaalada ee Leicester United Sports and Culture, iyagoo waliba keenay laba kooxood oo matalayey Leicester United under (10) iyo under(13),waxaa kale oo iyaguna si wayn uga qayb galay oo keenay 4 kooxood ururka (Dansom) oo ay ka dhaxayso wada shaqayn wanaagsan ururka Leicester United Sports and Culture.


Waxaa kale oo xusid mudan in tartankaan ka qayb galeen markii ugu horeysay dhamaan culumada masaajidyada ku yaal magaalada Leicester oo kala ah Majidul Qubaa, Majidul Hudaa iyo Masjidul alkowsar isla markaana shaqo fiican ka qabtey tartanka intuu u socday.


Waxaa si, aan la dhayalsan karin uga soo qayb galay tartankaan walaalaha Soomaaliyeed ee jamhuriyada Jabuuti eek u dhaqan magaalada Liecester iyo Degmada Nordfild, kuwaas oo runtii ahaantii ku yimid cayaartooy iyo dad weeynaba si aad ah loo jeclaystey.


Waxaa si hufan cayaarahaan Loogu xilsaaray gudi qaban qaabo oo ka kooban dhamaan kooxaha ka soo qayb galay,iyadoo aan dhihi karno waxaa arintaan suura galiyey Ilaahay ka,sokoow in lahelo wax magaalada oo dhan u dhan tahay ururka Leicester United oo cidwalba la tashi kala sameeyey wax u qabashada dhalaanka Soomaaliyeed ee Liecester, iyadoo tusaale u noqotey in dadka dagan magaalada inay wax wada khabsan karaan isla markaana wax walbo la wada wadaagi karo, iyadoo cidi u afduubnaan karin.


Gudigii cayaarahaan qaban qaabinaayey waxa ay kala ahaayeen.

Gudiga fulinta:Mudane: Curwa,Mudane: Shiine,Mudane Jihaad,Mudane:Candi Boqore,Mudane: Axmed Yuusuf.


Gudiga Garsoorka:Mudane: Cilmi macalin,Mudane: Maxamed Abuu,Mudane: Cabduqaadir Biine


Gudiga amaanka Garoonka: Mudane: Daa,uud Hassan iyo Mudane Cumar-Dheere.




Warbaahinta magaalada Leicester: Somalimedia: Wariye Abdirahmaan-Shiine iyo Camaraman Ibraahim Faandhe Iyo idaacada caalamiga ah ee EAVa oo uu ka socday Wariye Omar Shire iyo joornaalka ugu ween Leicestershire oo lagu magacaabo Leicester mercury.


Waxaan garoonka si wayn u soo buuxdhaafiyay dadwaynaha ku nool magaalada Leicester iyo nawaaxigeeda sida Barmingham, Darby, Northampton iyo Nottingham. Waxayna balan qaadeen magaalooyinkaas ka soo qayb galay cayaarahaan inay codsadeen in tartamada dambe ee soo socda ay ka,soo qayb gali doonaan si joogta ah haduu alla,idmo.


Waxaa xafladii xiritaanka ka soo qayb galay dhamaan ururada bulshada iyo ganacsatada, gudoonka odayaasha, culamaa udiinka iyo ururo dowliga ee la shaqeeya maamulka Leicester United, ururadaas mar walbana is garab istaaga waxaqabadka dhalinyarada, wacyigalintooda iyo shaqada u hayaan magaalada Ururka Liecester United.


Waxaa Hadalkii ugu,khiirada badnaa ka soojeediyey goobtii xiritaanka xaflada aabaha Spotiga magaalada Leicester Mudane Cabdulqaadir-Biine: Waxaana hadaladiisii kamid ahaa ‘’Kani waa tartan ay Leeyihiin dadka reer Leicester taas ayaana kaliftay in si weyn loogu soo baxo loogana yimaado magaalooyin kale, madaama dhalinyarada Liecester ay ka qayb galayaan isla markaana kooxaha ka qayb galaya ay dheelayaan caruurtii daganayd magaladatan ayaa saamaxday in garoonka uu manta dadka qaadi waayo caruur iyo ciroolaba, hadaladaas oo loo sacaba tumay madaama dadka magaalada ay ku faraxsanayeen in magaaladooda lagu qabto tartan ay ka dhax muuqdaan caruurtii mustaqbalka magaalada Liecester.



Sportigu waa tartan ee ma,ahan mid ka qaab jabhadeedka u dhisan isla markaana hada ka socda Qaarada Yurub, dadku waxa ay raacayaan qofkii wax muuqda qabta ee maraaci doonaan shakhsi dantiisa qaaska ah iyo qabyaalad wata isla markaana wax horumar aan soo kordhinaynin ee un lacago Exchange ah un mooda in lagu raadiyo qabashada cayaaraha, taas oo aan is leeyahay waxa dib u dhaca u keenaya horumarinta ubadkeena Soomaaliyeed,
Mudane Biine waa uu sii hadlay reer Liecesteroow maanta waxaan leenahay Koox Kubada Cagta ah oo Sweden Wacdaro ka gaysatay iyo Koox basketball ah oo ay layliyaan ama tababaraan Macalimiin aqoon sare leh Kooxda kubada cagta iyo koleygaba.
Liecester United waa,tan kaliya ee Ingiriska kajirta oo Soomaali ah oo ka cayaarta Division-ka koowaad ee aan Profishinka ahayn, soow mahan wax lagu farxo oo lagu faano.


Anigu Summarkii ama xiligii xagaaga markii ay halakaan yimaadeen ragii aan isku ayniga ahayn ee uu ka mid ahaa Mohamed ismaaciil iyo Saciid Ceeyroow, kadib markii ay i,waydiiyeen war aawey reer Leicester ? Maxay Cayaaraha ugu soo bixi waayeen ? Meeyese Wiilashii reer Leicester ee Ciyaarta wanaagsanaa?. Waxaan ku jawaabo markaan garan waayey Waxaan iska aaday Denmark. Laakiin maanta markii la igu yiri waxaa la qabanaayaa cayaaro ay leeyihiin reer Leicester oo iyagaa maamulaaya oo maalgalinaaya, waxaan goostay in aniga oo Denmark jooga inaan soo goosto Tigid degdeg ah. si aan cayaaraha ufuro isla markaana aan qayb ka ahaado ilaa xiritaanka ayuu mudane Biine hadaladiisii runta u badnaa ku soo afjarey qudbadiiisa, taas oo ay reer Liecester sacab iyo dhoolacadayn ugu jiibinayeen.



Waxaa isna goobta ka hadlay gudoonka gudiga odayaasha Mudane Cabdullahi Suudi oo sheegay in isaga iyo odayaal kale ay marwalba dhinac istaagnaayeen Sportiga magaalada si qaasana ay ula shaqeeyaan maamulka Leicester United oo ay u,aqoonsan yihiin kan kaliya ee wax la taaban karo u,haya Shacabka magaalada iyo Somaalidaba Liecester.


Waxaa isna goobtii xiritaanka kahadlay gudoomiyha rugta ganacsiga ee magaalada Leicester Mudane: Suldaan Guure oo isagu abaalmarin gudoonsiiyey maamulka Leicester United,waxaana uu gudoomiyuhu balan qaaday hadii Kooxda Leicester United ee under (13) ay kamid Noqdaan afarta kooxood ee isugu,soo harta koobka lagu qabanaayo magaalada Manchester in ay ganacsatadu ay u samayn doonto xaflad weyn oo ay goobjooga yaal ka noqon doonaan dhamaan dadka magaca ku leh Sportiga iyo waliba lacag gaaraysa (£3000) u balan qaaday. waxaana uu kacod saday dadka reer Leicester in ay hiil iyo hooba la garab istaagaan maamulka iyo wiilasha noo matalidoona tartankaas tartanka xulashada mustaqbalka kooxda Manchester City.


Waxaa isna goobta ka hadlay sheekh u,hadlay culimada magaalada oo ka hadlay midnimadu faa iidada ay leedahay iyo waxa ay diintu ka qabto Sportiga. Sheekh Cabdalla ayaa amanay tartanka loo qabtay dhaliyarada magaalada Leicester waxaana uu codsaday in la joogteeyo tartamada noocaan oo kale.


Ugu dambayntiina waxaa makarafoonka ayaa loogu yeeray Gudoomiyaha Gudiga Soprtiga Magalada Leicester Mudane: Omar Hassan Mohamed(Omardheere) waxayna dhaliyaradii Liecester bilaabeen Sacab iyo soo dhaween ay soo dhaweeynayaa Gudoonka sportiga magaalada Leicester madaama ay u arkaan nin howl badan u qabtey. waxa uu Gudoomiye Omar-dheere markiiba u mahad celiyo dhamaan dadkii ka soo qayb qaatey tartankaan maamul iyo cayaartooyba, Waxa kale,oo uu u,mahad celiyey culumaa udiinka, odayaasha, ganacsatada iyo martisharfta kale oo ka soo qayb gashay xafladaan sidida weyn loo soo agaasimay.


Omar-dheere ayaa Xusay in hadii aysan ahayn Mudane: Cilmi , Mudane: Shiine iyo mudane: Daa,uud uusan ku guulaysan lahayn hogaaminta hawsha Sporti ee uu uhayo umada reer Leicester, waxaa uu xusay guushii ay uga soo hooyeen shacabka reer Leicester Sweden inaysan ku helin hadyad ee ay ahayd Chalange ay sameeyeen, islamarkaana ay halgankaas oo keeneen Cayaartooda iyo Maamuulka Leicester United oo wadajira.


waxaa kamid ahaa hadaladii qiirada lahaa ee uu gudoomiye Omar-dheere walaalayaal ma ilaabi doono Saaxiibadii sida qaaska ah noo garab istaagay mar kii aan u baahneen waxtarka degdega ah. Waxaan idinka balan,qaadnay markaan Sweden u amba baxaynay inaan haduu ala idmo gaari doono afarta kooxood ee isugu soo harta koobka,taas alle waa noo aqbalay oo waxaan gaarnay labadii kooxood ee koobka isugu soohartay Finalka, waana hubaa hadii tartankii lagu qabtey magaalada Liecester sanadkaan in hadii aanan nalaga horjoogsan si sharci daro ah inaan koobka maanta uu magaalada Liecester uu yaali lahaa isla markaana dadka reer Liecester ay garoonka waxdaro ka dhigi lahaayeen, laakiinse nasiib xumo ma dhicin si kastaba ha ku dhacdee, waxaa sharaf idin ah anagana noo ah in aan koobka ugu kooxo adag tartamada Soomaalida ku kulanto xiliga Summerka inaa ka soo galno kaalinta labaad isla markaana kooxda Liecester United ay noqotey koox laga yaqaan caalamka dhan isla markaana taageerayaal badan ku leh Sweden.


Walaalayaal hadii ala idmo waxaan u amba bixi doonaa magaalda Manchester 02-01-09 haduu ala,idmo, waxaana uga qayb gali doonaa tartan loo qabanaayo wiilasha da,doodu udhaxeeso (under 13), maanta waxaan hortiina ka balan qaadaynaa mar labaad inaan gaari doono haduu ala idmo afarta kooxood ee isugu soo,hari doonta koobkaas, waalayaal noo soo duceeya in ilaahay nagu guuleeysiiyo riyadeena sidii Sweden oo kale, isla markaana wiilasha reer Liecester ay ka mid noqdaan xidigaha ay xulan doonaan kooxda Manchester City.


Intaas kadib Waxaa la bixiyey biladihii iyo koobabkii lagu kala guulaystay kadibna waxaa lagu soo gabagabeeyey tartankii ayado Quraan ah oo uu aqriyey wiil ka mida dhalinyaradii tartanka ka qayb gashay.


W/D: Yusuf Yusuf
Sports Editor SSPAMedia
mrsomalia@hotmail.com

Faafin: Somalitalk.com | Dec 27, 2008

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS