Senatar Mareykan ah oo si Gooni Gooni ula Kulmaya Nuur Cade,
Sheekh Shariif iyo Daahir Riyaale
Wufuud kala duwan oo ay kala hogaa,inayaan Ra’iisul Wasaaraha
XFKMG Nuur Xasan Xuseen, Gudoomiyaha Is-bahaysiga Dibu-xoreynta
Soomaaliya Sheekh Shariif, Madaxweynaha maamulka Somaliland
Daahir Riyaale iyo xubno ka socda Ururada Bulshada Soomaaliya oo
maalmahaan si gooni gooni u soo gaarayey caasimada dalka Jabuuti
ayaa lagu wadaa in ay la kulmaan maanta oo ay taariikh-du ku
beegan tahay 20/12/2008, Saneter ka socda dalka Mareykanka oo
xubin ka ah Xizbiga dhowaan ku guuleystey doorashada
madaxtinimada dalka Mareykanka .
Lama oga waxa uu kala hadlidoono Senetarkan Mareykanka ah
xubnahaan kala duwan ee Soomaalida, islamarkaana sheeganaya
maamulada kala duwan ee dalka Soomaaliya, balse warar hoose oo
aan helney ayaa waxay sheegayaan in uu si gooni gooni ula
kulmidoono koox kasta.
Hase ahaatee arintan ayaa waxay ku soo beegmeysaa xili khilaaf
adag uu ka dhex jira madaxda sare ee DFKMG, kala qaybsanaan
cusub oo laga cabsi qabo in ay markale soo dhexgasho
Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya, iyadoo heshiiskii ka
bixitaanka ciidamada Ethopia ee 120-ka maalmoodna uu ku ekaa
19/12/2008-da, halka maamulka lamagac baxay Somaliland oo isna
ku hawlanaa in mudo ah, tirakoobka dadka ku nool Gobolada
Woqooyi ee Soomaaliya oo laga leeyahay ujeedooyin fara badan oo
ay ugu horeyso, barnaamijka ka dhaadhicinta gooni isu taaga
maamulka Somaliland ayaa marka laysku soo duubo, imaashiyaha
wufuudan kala duwan, waxay u muuqdaan kuwo hareermarey sharafta
iyo karaamada ay lahaayeen mas’uuliyiintii Soomaaliyeed 18-Sano
ka hor, waxayna soo shaacbixinayaan, kartidooda mas’uuliyad xumo
iyo faragelinta dowladaha waaweyn ee caalamka, laakiin waxaa
taagan su’aalooyin fara badan oo ay ka mid yihiin ma waxay u
sheegayaan faragelinta uu ku hayo mareykanka iyo dhibaatada ka
soo gaartey shacabka Soomaaliya, ma balaarinta kala
qaysanaantooda ayey u sheegayaan, mise baahida ay u qabaan xilka
halka uu gaarsiisan yahay ayey u sheegidoonaan, mise wey iska
canaanandoonaan, balse la arkidoonee halka ay ku dambeeyaan
Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Jabuuti
fatxumaalik@hotmail.com