
Ardaydii Jaamacadda Gedo oo u fariistay
imtixaanaadkii semester-kii labaad iyo Jaamacadda oo qaadanaysa
arday cusub.
Waxaa maalintii khamiista ahayd ee 18-12-2008
soo xirmay imtixaankii semester-kii labaad ee ardayda dhigata
kuliyadda maamulka iyo maaraynta (Business Administration) ee
Jaamacadda Gedo. Waxaana Jaamacaddu qaadanaysaa arday cusub oo
ah kuliyaddaas kor ku xusan iyadoo shuruudaha aqbalaaduna laga
heli doono xarunta Jaamacadda ee Bardheere.
Jaamacadda Gedo waxay ku hawlantay buuxinta
kaalinkii jaamacadeed ee uu u baahnaa gobolka Gedo wallow ay
jaamacaddu ku jirto marxalad bilow ah, waxayna intay jirtay
fulisay hawlo la xiriira tacliinta sare, seminaaarro iyo
baraarujinta bulshada si ay iskaga kaashadaan danta guud iyo
horumarinta gobolkooda.
Guddoomiyaha Jaamacadda Gedo Prof.Bashiir
Cumar Ciise ayaa sheegay in Jaamacadda Gedo oo ah jaamacad ay
leeyihiin bulshada soomaaliyeed ee ku nool gobolada Gedo, Bay
iyo Bakool iyo Jubbooyinka ay bogaadin iyo mahad naq u dirayaan
Jaaliyadda soomaaliyeed ee ku nool wadamada dibadda gaar ahaan
waqooyiga ameerika oo ururka SDF ay jaamacadda ka taagereen
qalabaynta iyo mushaaraadka macallimiinta, 5-tii bilood ee lasoo
dhafayna ay ugu deeqeen Jaamacadda Gedo lacag gaaraysa $12,535
oo isugu jirtay qalab xafiiseed, mid waxbarsho iyo kuraasidii
Jaamacadda iyo lacag caddaan ah oo mushaaraadka macallimiinta
lagu kabayey.
Waxaa kaloo guddoomiyuhu mahad naq u diray
C/laahi Cabdi Canshuur(C/laahi AB4) oo ka mid ah hawl wadeenada
ururka samafalka wadaniga ah ee SADO ee ka hawl gala magaalada
Baardheere kaasoo ugu deeqay Jaamacadda Gedo Computer Laptop ah
oo qiimihiisu yahay 121,000 Kenya Money iyo buugaag uu ugu
deeqay Library-ga jaamacadda iyadoo horeyna ay SADO jaamacadda
ugu deeqday buugaag qiimo weyn ugu fadhiyey Jaamacadda.
Jaamacadda Gedo waxaa la aasaasay bishii
Maarso ee 2008-da waxayna tiigsanaysaa sidii ay bulshada reer
Gedo uga haqab tiri lahayd waxbarasho heersare oo ay uga
kaaftoomaan aadista xeryaha qaxootiga ee wadamada deriska ah iyo
u haajiridda meelo ka fog gobolkii ay u dhasheen iyagoo
raadinaya waxbarasho heer Jaamacadeed ah. Jaamacaddu waxay
waajahaysaa arrimahaas la xiriira horumarinta bulshada iyadoon
cidna u xaglinayn kana madax bannaan ururada siyaasadda, kuwa
diinta iyo kuwa qabyaaladda ku dhisan waxayna jaamacaddu ku
sifowday dhexdhexaadnimo taasoo ay ka markhaati kici karaan
bulshada reer Baardheere ee la socday hawlaha jaamacadda mudadii
ay jirtay.
Ugu dabayntii wuxuu guddoomiyuhu ugu baaqay
bulshada reer Gedo iyo Gobolda ku xeeranba inay ka
faa’iidaystaan fursadda ugu soo gashay gurigooda ayna tiigsadaan
gobolda kale ee dalka ee isku tashaday, wuxuu kaloo guddoomiyuhu
ugu baaqay in Jaaliyadda Soomaaliyeed reer Yurubna kaalinkooda
soo buuxiyaan ooy Jaamacadda taageeraan.
Waxaa soo tebiyey:
mohamed gaarane
Email:
gaarane68@hotmail.com