SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

XAALADDA NABADGELYO IYO XUQUUQDA AADAMAHA EE SOOMAALIYA.
OO MAANTA LOOGA HADLAY xARUNTA ISMAACIIL JIMCAALE XAALADAHA MURUGADA LEH EE XAQUUQDA AADANAHA EE SOMALIYA
Meel aan nabad leheyn xaquuq kama jirto

Sawirada Halkan ka daawo....

Halkaan ka dhagayso cododkii iyo qodobadii laga soo jeediyey iyo nabada sida looga daneyey

Munaasibad balaaran oo looga hadalayay dhisida iyo ilaalinjta nabada iyo xaquuda aadanaha gaar ahaan tan soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay xarunta xaquuqda aadanaha ee Dr ismaaciil jimcaale magaal muqdisho

Munaasibadaan oo ay soo qaban qaabiyeen qaar ka mid ah madaxda haya ada xaquuqda aadanaha ee Dr ismaaciil jimcaale ayaa waxaa ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed oo ay ka dhex muuqdeen qareeno caan ka ah gudaha soomaaliya.

dhamaan dadkii ka qeyb qaadanayay kulankaan ayaa iyagu ku dheeraaday ka hadalaka nabada iyo ilaalinta xaquuqda aadanaha iyagoona sidoo kale dadku aad u taabnayay xaalada dhabata ah ee iminka ka jirta dalkooda soomaaliya gaar ahaan xaalada nabdeed iyo tan dhowrida xaquuda aadanahaba.

inta badan dadkii kulankaan ka hadalay ayaa waxa ay gabi ahaanaba isku raacsanaayeen in ay muhiim tahay in guud ahaan shacabka soomaaliyeed ay si wada jir ah u doonaan nabada si ay u bad baadiyaan inta tirade yar ee ka bad baaday aafada guud ee ka jirta dalkooda hooyo.

cismaan aweys daahir oo kamid ah saraakiisha sar sare ee hayada xaquul aadanaha dr ismaaciil jimcaale ayaa ka warbixinaya muhiimada ay kulankani u qabteen.

waxaa sidoo kale dadka hadalada ka saoo jeedshay halkaasi ka mid ahaa abuukaate c/qaadir axmed nuur buqaare oo isagauna ka hadalay sida ay laga ma maar maan u tahay nabada iyo xaquuqda dadka soo maaliyeed.

dhanka kale koox fanaaniin ah ayaa iyagu ruwaayad loo gu magac daray nabadu waa qaali soo bandhigay intii uu kulnkani socday iyadoo guud ahaan intii ruwaayadu soctay dadku ay walaac iyo muragpo dareemayeen madaama ay fanaantu soo bandhigeen majaajilo ku saabasan qaabka ay tacdiyada xumi uga dhacayaan halkaasi iyagoona qaadayay heeso ku saabasan baraarujinta nabada .
Xafladaan intii ay socotay ayaa waxaa saxaafada qoraal dheer u aqriyey Cusman Aweys Daahir oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsan xarunta Dr ismaaciil jimcaale ee xuquuqda aadanaha waana kan qoraalkii


XARUNTA XUQUUQDA AADAMAHA EE Dr. ISMACIIL JUMCAALE
Date; 10-10-2008
XAALADDA NABADGELYO IYO XUQUUQDA AADAMAHA EE SOOMAALIYA.

Mudanayaal & Marwooyin manta waxan isugu nimid inaan si kooban uga wada hadalno ama wax iska weydiino xaaladaha murugada badan abuuray ee soomaaliya ka taagan iyo waxa aan ka qaban karo ama ka bedeli karno, si aan kala sooc laheyn, annagoo ku faraxsan ka soo qeybgalkiina idinkana mahadcelineyno, waxaan kaloo u mahadcelineynaa Hay’adda NED oo fadhigeedu yahay dalka Mareykanka Washington DC,oo inoo sahashay tasiilaadka ku baxaya gacanta weyna ka geysata marwalba horumarka iyo taageerada ee ummadda soomaaliyeed.

Waxaa marag madoonto ah, lana wada ogsoon yahay in muddo ka badan 18-sano ay soomaaliya ku sugneyd xaalado qalafsan ee xagga nolosha, nabadgelyada siyaasadda, dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka iyo dhawrista xuquuqda aadamiga, waxana la dhihi karaa in dalku ku sugnaa tan iyo markii la riday Dawladii hore ee Soomaaliya ee 1991-kii.

Xaalad nabad la’aan iyo xuquuq la’aan baahsan oo saameysay qofkasta iyo qoys kasta oo soomaliyeed, haba ugu darnaadeen dadka u nugul dhibaatooyinka sida; haweenka, caruurta, waayeelka, aqoonyahanka, culumaa’udiinka, nabadoonada, samajeclayaasha, taasoo kaliftay, burbur, barakac, dhimasho, dhaawac oo ay ilaa maanta dadka soomaaliyeed maciin bideen iney la nooladaan.

Tiyoo ay weliba dalalka deriska nala ah ay xuduudaha ka xirteen kumanaan soomaaliyeed oo u barakacay wadamadaas qaarkood.

Waxaa xaqiiqa ah sida ay sheegeyso murtida soomaaliyeed ee oraneysa; “Nabad la’aan waa xuquuq la’aan”, “Xuquuq la’aan waa Nabad la’aan”, si looga baxo xaaladaha isbedelka badan ee sababay xannuunka aan daawada laheyn, ayaa waxaa lagama maarmaan ah in dhamaanteen hadii aan nahay ummadda soomaaliyeed aan si buuxda uga qeyb qaadano nabad ku soo dabaalida dalka, mar hadii ay hubanti tahay in la’aanteed aan wax horumar ah la gaari Karin, lana dhawri Karin wax xuquuq la yiraahdo.

Ugu dambeyntii, waxaa mudan inaan is tusaaleyno inteena ka soo qeyb gashay bandhig-fanneedkan siyaabaha ugu haboon, uguna macquulsan ee aan uga qeyb qaadan karno raadinta nabadda naga lunsan muddada 18-ka sano ka badan.

Haddaba Xarunta Dr. Ismaaciil iyadoo idinla qeybsaneyso xannuunka iyo murugada badan ee ay la deriska noqdeen ummadda soomaaliyeed ayey waxay ku boorineysaa in si isku duubni ah loogu dhaqaaqo xalinta qilaafaadka taagan iyo deminta colaadaha sii baahaya, si loo xaqiijiyo nabad ku wada noolaanshaha iyo dhawrista xuquuqda aadamiga.


Cabdi Weheliye Siyaad
Ku-Simaha Guddoonka
Xarunta Dr. Ismail Jumcale ee Xuquuqda Aadamiga

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: Somalitalk.com | Dec 19, 2008

BAARID | SEARCH


caashaDhakhtaradii Ku Guulaysatey Abaalmarinta "Haweenka Sannadka 2008-da" oo Somalitalk Wareysi siisey...
Drs. Caasho Cumar Axmed (Kablow) oo hadda ku sugan Jabuuti ayaa... Akhri...

unicefBadbaadada Carruurta: Arrin Muhiim u ah Caalamka oo Dhan: Gacan ka gey-sashada Badbaadinta Nolosha Caruurta.... Warbixin UNICEF oo ka kooban 7 bog Akhri... (pdf)


Soomaaliya: Dambiyada Dagaal ee Halakeeyey Dadweynaha (Warbixintii Human Rights Watch)
Siyaasadaha Dhicisoobay ee Quwadaha shisheeye oo sii xumeeyay qalalaasaha Qoraal kooban... (pdf)
Guudmar(Somali) 16 bog ama Report(English) 107 pages

::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS