SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

KOOXDA CAALAMIGA EE LA XIRIIRKA SOOMAALIYA

16 DISEEMBAR 2008

UNHQ, NEW YORK

BAAQ

Kooxda Caalamiga ee La Xiriirka Soomaaliya ayaa ku kulantay Xarunta Qaramadda Midoobay ee New York 16kii Diseembar 2008, waxaana Shir-gudoomieye Shirka Ergyga Gaarka ah ee Qaramadda Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, Ahmedou Ould-Abdullah.

Kooxda La Xiriirka waxay ku nuuxnuux-sadeen welwelka qotada-dheer ee ay ka qabaan sii socoshada khilaafka ka dhexeeya Hogaanka Sare ee Hayadaha Federaaliga ee Soomaaliyeed, kaas oo uun dadka  ka jeedinaaya wada-hadalada siyaasadeed ee geedi socodka nabadda.  Kooxda la xariirka waxay ugu baaqayaan dhammaan dhinacyada in ay dhinac iska dhigaan khilaafaadka,  isla markaasina si wadajir ah uga hawlgalaan sidii loo heli degnaasho iyo nabad waarta loona hirgeliyo heshiiskii Jabuuti, sidoo kalena dib loogu uunki lahaa qoraalka Dastuurka  sida ku cad Axdiga Ku-Meel-Gaarka ah.  

Sidaas darteed, Kooxda La Xiriirka  waxay soo dhoweeyeen bayaankii 26kii Oktobar,  dhex maray Dawladda Federaalka ee Ku-meel Gaarka (TFG) iyo Is-baheysiga Dib-U Xureynta Soomaliya (ARS), kaas oo ay ku caddeyeen in ay si wadajir ah u dhisayaan Dawlad loo dhan yahay  iyo in ballaariyo Baarlamaanka.  Heshiiskani wuxuu waddada u xaarayaa abuuridda Dawlad loo dhan yahay taas oo ka wakiil ah inta badan dadka Soomaaliyeed, waana tallaabo muhiim ah oo ka mid ah Geedi Socodka nabadda ee Jabuuti. Kooxda la Xairiirka waxay ku tirtirsiinayaan dhammaan dhinacyada Soomaaliyeed in ay si wax dhisid ama wax ku-ool ah uga qeyb-qaataan Geedi socodka, kaas oo suuragelinaaya habka keli ah ee si dhameystiran looga hawl geli karo nabadeynta Soomaaliya.

Kooxda la Xiriirka waxa kale oo ay soo dhoweynayaan  Heshiiskii Xabad Joojinta  ee 26kii Oktobar kaas oo dhex maray DKM iyo ARS iyo heshiiskii kale  ee 24 Nofeembar  kuna aadan Habkii lagu xaqiijin lahaa laguna  kormeeri lahaa helitaanka  xabad joojin buuxda oo ka dhacda Soomaaliya.    Kooxda la Xariirka waxay ku cel-celineeysa sida ay uga go’an tahay in ay heshiiskaan ugu fidiso taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeed-ba, si doo kalena ay oogu fidis  taagero Guddiga Wadajirta ee Nabadgelyda (GAN).   Waxaa kale oo ay Kooxdani  taageersantahy baahida loo  qabo in la taagero ciidamada  boolis ah ee ay tababartay  UN-ka.

Kooxda la Xarrirka waxay cadaynasaa  sida weyn ee ay  raaliga  oogatahay    muhiimada ay leedahay Hawlgalka Ciidamada AU-da, ku waas oo ku jira ama ay heysato xalad adag, si doo kale, kooxdu, waxay aqoonsantahy  baahida deg-dega leh ee loo qabo in ciidamadan loo helo  dhaqaale  iyo kaalmo maadi ah ee horleh. Kooxada Caalamiga ee la Xariirka (KCX), waxay ku boorineysaa bulshada caalamka in ay si wadajir ah wax uga qabtaan arrintaan, isla markaasna la dedejiyo geedi socodka siyaasadeed. Kooxda La xarrirka, waxay ku celineysa taagerida ay u haso ciidamdo caalamiga  ee dejinta dalka, kuwaas oo lagu weeydiistay Heshiiskii Jabuuti.  Sidaas darteed, talo soo jeedin badan ayaa ka timid arrintan, waxaana kamid ah keenida Ciidamo nabad-ilaalin. Waxaana muuqata in arrintan ay heysto taageero balaaran. Hase yeeshee, wufuuda qaar ayaa jeclaan lahaa in arrintan si qoto dheer looga hadlo.

Kooxda la Xiriirka  waxay cambaareeyeen nabadgelyo-la’aanta joogtada ah ka ee jirta Soomaliya, khasatan  afduubyada iyo werarada joogtada ah ee lagu bar-tilmaameed-sanaayo dadka rayidka ah iyo shaqaalaha samafalka. Kooxda la Xiriirka waxay ugu baaqeysa dhammaan dhinacyada in ay si degdeg ah u joojiyaan colaadda, una oggolaadaan in wax laga qabto baahida weyn ee  bin’aadinnimada  si xor ah oo aan hakad laheen.

Kooxada la Xiriirka waxaaa kale ee ay cambaarenaysa falka burcad-badeednimo kaas oo looga hadlay Shirkii Golaha Ammaanka ee barbar-socday kii Kooxda la Xiriirka Arrimaha Soomaaliya. Waxaa kale aa arrimaha Burcad-bedeednimada looga hadlay Shir UNPOS ay ku qabatay Nairobi inta u dhexeysay 10-11 Deshembar, 2008. Arrinta burcad-badeednimada waxay u muuqata in ay tahay najiito ka dhalatay sharci la’aanta ka jirta dalka iyo wax qabad la’aanta heyadaha Dawliga ah, waxayna UNPOS aamin- santahay arrintani in ay ifineyso khatarta la xirirta iska indha-tirida xukumad baaba’day. Sidaas darteed, Kooxda la Xiriirka waxay hoosta ka xariiqaysaa baahida loo qabo helitaanka hab dhameystiran ee wax looga qaban-karo sababaha ka danbeya  deganaasha la’aanta  jirta.

Kooxda la Xiriirka waxay aad walaac uga muujiyeen arrinta xuquuqul insaanka ee ka jirta Soomaaliya, waxayna ku baaqeen joojinta dhaqanka ku fadhiya waxa lagu  magacaabo “IMPUNITY” denbi-gal, misana adiga oo xor ah iska soco. Waa in diyaar- garoow loo suubuya sidii dib u dhis iyo horumar loo sameyn lahaa, si dadka Soomaaliyeed rajo loogu abuuro,  khaasatan dhalinyarada aadka u badan ee shaqo la’aanta ah.

Dib ayaa laga soo sheegi-doona goorta iyo goobta lagu qabanaayo shirka soo socda ee “ICG”.

Shirka waxaa goobjoog ka ahaa:

Burundi, Canada, Djibouti, Egypt Ethiopia, France, Germany, Italy, Kenya, Norway, Soudi Arabia, South Africa, Sweden, Tanzania, UK, USA, Yemen, A.U., EU, EC, OIC, UN and Worl Bank.

So tebintii: United Nations Political Office For Somalia (UNPOS)

Faafin: Somalitalk.com | Dec 19, 2008

BAARID | SEARCH


caashaDhakhtaradii Ku Guulaysatey Abaalmarinta "Haweenka Sannadka 2008-da" oo Somalitalk Wareysi siisey...
Drs. Caasho Cumar Axmed (Kablow) oo hadda ku sugan Jabuuti ayaa... Akhri...

unicefBadbaadada Carruurta: Arrin Muhiim u ah Caalamka oo Dhan: Gacan ka gey-sashada Badbaadinta Nolosha Caruurta.... Warbixin UNICEF oo ka kooban 7 bog Akhri... (pdf)


Soomaaliya: Dambiyada Dagaal ee Halakeeyey Dadweynaha (Warbixintii Human Rights Watch)
Siyaasadaha Dhicisoobay ee Quwadaha shisheeye oo sii xumeeyay qalalaasaha Qoraal kooban... (pdf)
Guudmar(Somali) 16 bog ama Report(English) 107 pages

::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS