Gudoomiyaha Tools For Humanity Md; Maxamed Maye Maxamuud “…Dadka Aad
Ku Arkeyso Siyaasadaha iyo Hogaamiye Kooxeedyada Waa Dad Iska Hor
Boodaya Aduunyada, Dadka Aqoonyahanada Soomaaliyeed Wali Siyaasada Sooma
Gelin…” Wareysi Dhinacyo Kala Duwan Taabanaya

Gudoomiyaha
Tools For Humanity Md; Maxamed Maye Maxamuud oo dhowaan soo gaarey
Caasimada dalka Jabuuti, islamarkaana kulamo kala duwan la yeeshey xubno
ka tirsan Mas’uuliyiinta Dowlada dalka Jabuuti oo aan wareysi dhinacyo
kala duwan taabanaya kula yeeshey Xafiis cusub oo dhowaan laga furey
Caasimada Jabuuti, wax ka weydiiyey Ujeedada xafiiskan cusub iyo
waxyaabihii ay isla soo qaadeen mas’uuliyiintii uu la kulmey ayaa isagoo
arimahaasi ka hadlaya wuxuu yiri
Waxaan marka hore u mahad celinayaa mas’uuliyiinta bahda Somalitalk iyo
wariyeyaasheeda oo markii labaad fursad ii siiyey inaan kala hadlo
Shacbi weynaha ku nool Bariga Afrika, hadii aan sharaxaad kooban ka
bixiyo hay’adda Tools For Humanity waxay ka dhex shaqeyneysey, Gobolada
Koofureed ee Soomaaliya, waxaana hada u baahaney inaan sii balaarino
hawlaheena, waxaana halkaan u imid inaan ka furo Xafiis Goboleed, laga
maamulidoono Dowladaha Soomaaliya, Jabuuti iyo Itoobiya.
Somalitalk; Maxay tahay waxyaabaha dalallkaan aad ka qabaneysaan?
Maye; waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay isku mash-quuliso hay’ada Tools For
Humanity, waa qaybta Bani’aadaninimada, iyadoo aan adeegsaneyno habka
Horumarinta Bulshada iyo maareynta dhaqaalaha, maadaama dhaqaalaha
Bulshooyinka geeska Afrika, uu ka dhex abuuro mush-kiladaha ka dhaca
inta badan, si ay uga faa’iideystaan kheyraadka dabiiciga iyo kan
Bulshada dhexdeeda ahba, si loola diriro Saboolnimada.
Somalitalk; waxaad wax nooga xustaa sababaha soo celceliya dagaalada
Bulshada dhexdeeda ka dhaca?
Maye; dhibaatada ugu horeysa waa Jahliga, Nabad la’aanta iyo Nidaam
derida, arimahaas waxa keena Faqriga, taasina waxay keeneysaa, in ruuxii
qabta maamulka uu boobo hantida dadweynaha iyo ruux kale oo arkey
arintaas oo isaguna markiisa doonaya inuu booboo hantida dadweynaha,
arimahaasina waxaa ka dhasha dagaalo iyo isku dhacyada Bulshada
dhexdeeda ah, sida loolanka qabiilka, sidoo kale waxaa ka mid ah
adkaasha ka faa’iideysiga Tacabkii iyo wax soo saarka.
Dhibta kale ee jirta waxaa ka mid ah dadkii Miiga ku noolaa oo si xawli
ah ugu soo qul qulaya magaalooyinka waaweyn ee dalallka saboolka ah,
iyadoo aysan magaalooyinkaasi diyaar u ahayn in boqolaall kun ay xili
kasta qaabilaan, taasina waxay keenaysaa in dadkii baadiyaha ku ladnaa,
marka ay yimaadaan Magaalooyinka, waxay bilaabaan saboolnimo cusub,
halka dadkii hore ugu noolaa magaalooyinkuna ay ku sii noqoto culeys
kale oo cusub.

qaybo ka mid ah Cusbada dalka Jabuuti oo ay dadka deegaanka raranayaan
Somalitalk; Arimaha aad xustey iyo kuwo kale oo fara badan, in mudo
ah ayey Soomaaliya kusoo jirtey, iyada iyo Dowladaha kale ee Gobolka,
marka hay’adiina awood intee la’eg ayey u leedahay in arimahaas wax ay
ka qabato?.
Maye;Koleey hadii aan soo qaato Soomaaliya cid wax weyn ka qaban karta
malaha waqtigan, laakiin waxyaabaha ugu muhiimsan waa in dadka lagu
baraarujiyaa in horumarku uusan imaankarin nabad la’aan, hadii aan la
helin nabad iyo cadaalada Bulshada dhexdeeda, horumarkeedu waa uu
yaraanayaa, marka anagu waxaan qaban karnaa Wacyigelinta iyo badinta
Tababarada farsamooyinka Gacanta.

meesha ugu hooseysa Afrika oo la yiraahdo Laag Casaal oo ku taala dalka
Jabuuti
Hawsha aan Jabuuti ka wadno waa sida looga faa’iideysan lahaa awooda
Qoraxda iyo dhulka, sababtoo ah, dadka Soomaaliyeed intooda badan wali
ma aysan u helin fursad in ay ka faa’iideystaan Qoraxda. waxaana lagu
tilmaamaa, inay yihiin dad xoolo dhaqato ah oo xoolaha raacda, taasina
xoolo dhaqasho ma aha ee waa xoolaha raaca keli ah, sababtoo ah ruuxa
hadii uu gaaro xoolo dhaqasho waa xadaarad kale, dadka Soomaaliyeed
xoolaha wey iska daba socdaan, xooluhuna waxay u baahan yihiin har iyo
Caws, inta badan xooluhuna, iyagaa raadsada baadkooda qofkuna wuu iska
daba socdaa, halkii laga rabey in ruuxa uu ka fikiro sidii uu u beeri
lahaa Cawska oo xooluhuna ay u heli lahaayeen Har iyo nasasho ama loo
sameyn lahaa Hay’ado beera Cawska, si qofkii reer guuraaga ahaa, uu u
helo fursad uu wax ku barto iyo shaqooyin kale, sidoo kale lana yareeyo
guur guuritaanka faraha badan oo iyaduna sababta dagaalada qaarkood,
ayaa Waxaan ku hawlanahay inaan dhawaan ka furno Caasimada dalka
Jabuuti, Magaalada Jowhar iyo Boosaaso, Macahadyo arimahaas ku saabsan,
waxaana si tartiib tartiib ugu sii gudbeynaa dalka Soomaaliya qaybihiisa
kale iyo dalka Itoobiya, iyadoon dadka dhibaatooyinka qaarkood laga
bixina, dowladnimo wax ay u tareysaa ma jirto, waayo Qofku tixgelin
maayo hadii uusan haysan wax nololl maal-meedkiisa ku soo saarto.

halka uu ka bilowdo Rifty Valley ee geeska Afrika
Somalitalk; hawsha ka faa’iideysiga awooda Qoraxda, qaab sidee loogu
guulaysan karaa, ilaa iyo waqti intee la’eg ayey idiinku qaadaneysaa,
inaad Jabuuti ka hirgelisaan mash-ruucaan?.
Maye;Dowlada Jabuuti waxaan u bandhigney Guryo cusub oo dabkoodu yahay
awooda Qoraxda, waxaana tagney magaalooyin kala duwan oo Jabuuti ka
tirsan, waxaana isla garaney inaan ka caawino Guryahaas cusub qaab
dhismeedkooda, waxaana dooneynaa (3) bilood ee soo socota inaan ka
hirgelino mash-ruucaan, waxaana nala siiyey dhul aan ku diyaarino
dhismahaas cusub, kadibna mashaariic yar yar oo dhinaca Guryeynta, inaan
uga gudubno ayaan dooneynaa, hadii uu ilaahay yiraahdo.
Somalitalk; Arimahaan aad xustey Tools For Humanity yaa gacan ka
siinaya?.
Maye; Hay’adan waxay jirtaa 15 Sano, dadkana waxaan dooneynaa inaan si
wanaagsan u barno farsamooyinka gacanta iyo isku filaashaha maadaama la
helayo, dadkii, Xoolihii iyo dhulkii, loomana baahna in kharash fara
badan oo doolara ah la geliyo, waxaana loo baahan yahay, in Hay’adaha
kala duwan ee caalamka iyo kuwa kale ee wadaniga in ay dadka geliyaan
fikrada isku filaashaha.
Somalitalk; Kee baa sahlan isticmaalka awood Matoorada iyo tan
Qoraxda dhinaca kharashka?.
Maye;Tan Qoraxda ayaa sahlan, sababtoo ah mar waa lacag la’aan, qiimo
lacageed oo kaa galayo ma jirto, waxa keliya ee aad u baahan tahay waa
waxa soo jiida Qoraxda, kharaabitaankiisuna wuu yar yahay in muraayada
jabto ma ahee, waxaana ku talo jirnaa inaan 2-da Sano ee soo socota
gudahooda, baahida qalabkaas dibada laga keeno aan ka maarano, Guryaha
aan dhisayno waa kuwii Qarnigii hore ee aan ka soo gudubney la
isticmaali jirey bilowgiisa iyo bartamihiisa, intii aysan jirin
Korontada.
Somalitalk; NGO-giina muxuu kaga duwan yahay, kuwa kale ee
Soomaalida, maadaama NGO-syada kale ee Soomaalida qaarkood lagu sheego,
Ruux fayl wata, islamarkaana lagu tilmaamo ruux wax isdabamariya?.
Maye; horta NGO waa xirfad shaqo oo la barto, taasoo keeneysa in dadka
wax loo qabto, NGO-guna waxaa lagu yaqaanaa, mar kasta wuxuu ku hawlan
yahay dhinaca Bani’aadaninimada, anagoo ka amba qaadeyna dhibaatada ugu
weyn ee haysata ruuxa Soomaaliga oo ah dhaqaalaha, taasina waxaa u
keeney degenaasho la’aanta dadka bay’ada uu la nool yahay, aniga waxaan
dhihi lahaa dadka Soomaaliyeed waa in la baraa faa’iidada NGO-yada,
sababtoo ah dowladaha horumarey, waxay yiraahdaan NGO-gu wuxuu ka mid
yahay, waxyaabaha badiya shaqada oo dhisa nidaamyada, aduunyaduna waxay
ku leeyihiin magac iyo sharaf, inay dadka soomaaliyeed u fahmaan NGO-ga
ruux fayl wata, wuxuu doono sheeg sheega, waxa keeney waan fahmikaraa,
sababtoo ah Dowladaha, NGO-yada kale ee caalamka iyo shacabka la
shaqeynaya qayb weyn ayey ku leeyihiin arintaas, maadaama ay hoos tagaan
dowlado shaqooyinkii loo xilsaarey qaban waayey, markasta waxaa dhib ku
noqoneysa Ruuxa NGO-ga wada, in uu wax ka qabto hawlaha uu doonayo, tan
kale NGO-gu wuxuu noqdey mudadii Dowlad la’aanta ka jirtey Soomaaliya,
qaarkood waxay kala badbaadiyeen dadka, si kasta oo ay ku aas aasmeenba,
dadkii u soo gurmadey dhibaatadii dalka ka dhacdey waxay ahaayeen
NGO-yada, sidoo kale NGO-ga waa ka sahlan yahay hawlaha dowlada ay
qabato, wuxuuna tegikaraa meesha uu doono, Dowladuna ma tegikarto meel
baadiye ah, NGO-gu wuxuu noqondoonaa waxyaabaha ugu muhiimsan sanadaha
soo socda.

Paul oo jooga Laag Casaal oo ka tirsan dalka Jabuuti
Somalitalk; NGO-yada hada waxay qaateen magaca Ururada Bulshada,
marka sow lama dhihikaro waxay qayb mug leh ka qaataan siyaasadaha cusub
ee dhinac degenaansho la’aanta dalka Soomaaliya?.
Maye;Wey dhicikartaa, wax kasta in loo adeegsado, yacni waxa waaye si
xun waa loo adeegsan karaa, si fiican sidoo kale, marka aniga waxaan ka
soo qaadanayaa sida fiican, Ururada Bulshada waxay noqonkaraan Dhegta,
Udubka u dhexeeya Dowlada iyo Shacabka, si loo helo dad la
xisaabtamikara dowlada, maadaama shacabka oo dhan uusan la
xisaabtamikarin, marka si loo helo NGO-yo ka wakiil ah Shacabka oo u
keeni kara fakir sharxi kara in dadka aan loola dhaqmin sida ay wax u
wadaan Dowladaha, NGO-guna markasta wuxuu u taagan yahay hay’adaha aan
dowliga ahayn, Ururada Bulshada qaarkood waxay noqon karaan qayb ka mid
ah Dowlada.
Somalitalk;- Dowladaha caalamka Ururada Bulshada Soomaaliya waxay ku
bixiyaan kharash iyo maskax badan, hadaba sow lama dhihi waxay wataan
maskax cusub oo horumarin lagu soo sameeyey oo ay leeyihiin Gumeyaashii
dalka ka tegey?.
Maye;- 20-kii sano ee ugu dambeeyey waxaan qabaa in dadka soomaaliyeed
ay qabaan wacyi ku filan oo aad u sareeyo, marka loo eego kuwii hore,
Gumeystayaashu wax badan kama qaadi karaan, hadii dadka ka shaqeeya
NGO-yada ama Ururada Bulshada ay yihiin dadd daacad ah, waana tan ugu
muhiimsan, in ruuxa ka shaqeeya sharafta, karaamada dalka iyo dadka
Soomaaliyeed in la siiyo mudnaan gaar ah, waayo wuxuu matelikaraa
shacabka Soomaaliyeed, isagoo wata hab nidaamsan, waxayna
fahansiinkaraan dhibaatooyinka kala duwan ee ay qabaan shacabka
Soomaaliyeed Dowladaha kale ee caalamka, mana qarinkaraan Ururada
Bulshada waxyaabaha qaarkood, laakiin waxaan qabaa NGO-yada in lala
xisaabtamikaro.

Masjidkii ugu horeeyey ee Jabuuti lagu dhiso oo ku yaal Buuro dhexdooda
Somalitalk;- Md, NGO-yada inta badan waxaa lug ku leh Qurbo joogta
Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool, marka sow lama dhihi karo waa awood
hoose oo soo muuqata mustaqbalka dhow oo shacabka Soomaaliyeed u
keeneysa xumaan iyo wanaag oo kooxdii u soo harta siyaasada dalka iyo
ayaga in ay ku loolamaan doonaya talada dalka?.
Maye;- Dadka ka shaqeeya Ururada Bulshada mar ahaan ma dhicikarto,
sababtoo ah Ururo bulsho iyo hab dowladeed isma qaadan karaan, tan kale
habka hada soomaaliya ka socda waa hab qabiil, ruuxa Qurbo jooga ah waxa
u diidey inuu Xildhibaan noqdo waxa ku khasbey, waa inuu dadka wax u
qabto, waxa keliya ee wax ugu qaban karo waa hawshaan NGO-ga, ruux kasta
oo aqoon yahan ah markasta wuxuu tebayaa lacagtii canshuurta ahayd ee
dadka Soomaaliyeed laga soo qaadey in ay wax ku barteen, inuu ugu
shaqeeyo dalka iyo dadka Soomaaliyeed, anagoo og lacagtaas aan wax ku
baraney waxa ka dhacaya dalkeena ma ahan wax la qaadan karo.
Somalitalk;- NGO-gu wuxuu qayb ka qaataa fur furista arimaha
siyaasada, dhaqaalaha, caafimaadka, waxbarashada, nabad-gelyada, maamul
wanaaga, IWM, hadaba sow lama dhihikaro waa nooc cusub oo aad wadataan
dadkiinan Qurbo jooga ah oo ay gadaal ka riixayaan Gumeystayaashii
dalka?.
Maye;- waa dhicikartaa in sidaa la dhaho, sababtoo ah dhibaatada maanta
Soomaaliya ka jirtaa, waa “Nin bukoow boqol kuu talisey”, NGO-yadu
dhibaato ayey ku yihiin dalka, waana dad xukun doon ah, laakiin u maleyn
maayo inay sidaas tahay arintu, tan kale dadkaan Qurbo jooga ah wadamada
ay joogaan ayey siyaasada kaga jiraan, waxayna qayb ka noqdeen Xizbiyada
siyaasada dalallkaas, aniga waxaan ahaa musharax xubin Gobalka “Alberta”
Xizbiga Green Part ee dalka Kanada, marka hadii aan siyaasad doonayo
dalka aan joogo ayaan siyaasada ka gelayaa, wadankaasaan nabad ku
haystaa, iyadoo xabad aan la ii haysan waxna ka bedelikaraa, marka maxaa
igu khasbaya, inaan diyaarad soo raaco oo aan u imaado dadd dhibaateysan
oo aan ugu daro dhibaato kale, laakiin waxaan kuu sheegayaa dadka wax
garadka Soomaaliyeed wali isma difaacin oo wadanka maamulkiisa wax ka
qaban kara, dadka aad ku arkeyso siyaasadaha iyo hogaamiye kooxeedyada
waa dad iska hor boodaya aduunyada, dadka aqoonyahanada Soomaaliyeed
wali siyaasada sooma gelin, maadaama aan ahay mas’uul wadani ah, waa
inaan gudbiyaa mas’uuliyadeyda.
Somalitalk;- Goorma ayaa kuugu dambeysey dalkaadii Hooyo, maadaama
aad tahay Qurbo joog?.
Maye;-
1980-kii ayaan ka tegey dalka Soomaaliya, waxaana moogahay 28 Sano,
anigoo tahriib ah, ayaan Lowya Cade ka soo galey dalka Jabuuti, halkaas
ayaan aduunyada kale uga gudbey, hada ayaana kusoo noqdey halkii aan ka
bilaabey safarakeyga dowladaha kale ee dunida.
Somalitalk;-maxay tahay sababaha kugu kalifey in dalkaada Hooyo mudo
28 Sano aad ka maqnaato?.
Maye;- intii aysan dhicin dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya cadaalad daro
ayaa ka jirtey dalka, dagaaladii sokeeyana waxay sii balaariyeen
cadaalad daradii jirtey, marka dhibaatadaas ayaa ugu weyn wax kale ma
jirto.
Somalitalk;- Intii aadan ka tegin dalka maxaad ka shaqeyn jirtey?.
Maye;- waxaan ka shaqeyn jirey Wakaalada sahaysiinta Maraakiibta,
waxaana ka baxay Iskuulka Badda.
Somalitalk;- dalka Soomaaliya waxaad ka tagtey isagoo nidaam ka jira,
haba ahaadeedo sida aad ku sheegtey mid ku dhisan cadaalad daro, hada
waxaad u socotaa, isagoo aan lahayn wax nidaam iyo kala dambeyn, ayna ka
jiraan wax lagu sheego Wadaado mucaarad ah, DFKMG iyo ciidamo Ethopia oo
jooga dalka, marka arimahaas sidey kuula muuqdaan?.
Maye;-Arimahaasi waxay ka mid yihiin nasiib derida jirta, waan jeclaan
lahayn markii aan ka baxney iyo marka aan soo nodey inuu wadanka ka
fiicnaado sidii aan kaga tegey, Dowlada Jabuuti oo gacanta Soomaaliya ku
dhalatey ayaad arkeysaa in Horumar badan ay gaareen, Ethopia oo
Rajiimkoodii iyo kaayaga isku mar la tuureyna, ayaad arkeysaa in horumar
badan sameynayaan, ma dhicikarto, wax xaqdaro lagu dhisey in ay
soomaaliya ka hirgalaan, Soomaaliduna waxay diidan tahay xaqderida,
shaley waxa Qoriga loo qaatey waa xaqdaro, marka waxaa haboon in
qofkasta oo Soomaali ah xaqdaro uusan sameynin, lana ilaaliyo cadaalada,
waxaana imaanaya nabad, hadii nabad la helo, horumar ayaa bilaabanaya.
Dhamaad
Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Soamlitalk Jabuuti
fatxumaalik@hotmail.com