SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

CADDE MUUSOW NAFTAADA U DADAAL WACAD ALLAAN DUULNA KUU RABINE…

"Baadida ninbaa kula daydaya daalna kaabadane,
Aan doonihayn inad heshana daa'im abidkaaye,
Dadkuna moodi duul wadadhashaan wax u dahsoonayne".

Qarni ka hor ayuu Qamaan Bulxan meerisyadaas kore mariyay, inkastoo gabayga Qamaan uusan siyaasad ula jeedin, hadana suugaantu waa hoyga iyo hiddaha umadda Soomaaliyeed, wakhtikastana waatii ku haboon, waxaad moodaa inuu Qamaan meelfog ka daalacday dhacdooyinka iminka ka jira Puntland.

Qofkii u fiirsada hadalada afgobaadsiga ah oo madaxweynaha Puntland saxaafadda iyo munaasabadaha ka yiraahdo wuxuu u akhrisankaraa mid ka talinaya horumarka, nabadgelyada iyo siyaasad wanaaga Punatland, waxaase kala fog fekerka Cadde iyo sida aynu u haysano, taasina hadal ku dheeraansho uma baahna.

Cadde marka uu isimada Puntland ku tilmaamayo kuwo aan horumarka wadankooda ka shaqeyneyn, oo liddi ku ah amniga iyo baraaraha Puntland, hadaynu is weydiino.

Waa kuwee cidda u taagan markastana u heelan isusoo ururinta iyo kala danbeynta Puntland? Waa kuwee kuwa iyada oo bur-bur lagu jiro intey geed hoosti fariisteen ku fekeray inay bad-baadiyaan shacabkooda, dabadeedna dhidibada u dhigay markii ugu horaysay taariikhda maamulka Puntland 1998-dii ?

Yaa loo cararaa "Alle sokadi" marka qalalaase soo wajaho Puntland oo aan isimada ahayn?
Yay ku kalsoonyihiin shacab-weynaha Puntland oo aaminsanyihiin inay u horseedi karaan horumar iyo nabadgelyo waarta oo aan isimada ahayn? Jawaabta qofkasta oo caqli badani wuu ogyahay.

Cadde Muuse mudadii uu xilka hayay tallaabooyinkii uu ku kacay waxay inaka kaafinayaan in hadalkiisa iyo fulintiisu laba kala fog yihiin, dadka reer Puntland oo waayadan dambe aad uga wel-welsanaa waxa uu noqondoono masiirkoodu ka dib markii ay ka caanaqeen maamulka Cadde iyo sida uu doorashada u qorsheynayo, yididiiladii ugu horaysay waxa ay ahayd go'aankii isimada iyo qodobbadii ay ka soo saareen qorshaynta iyo taabba-gelinta doorashada Puntland.

Isimadu waxa ay xal lagu qancay ka gaareen gudigii xallinta khilaafaadka, maaraynta doorashada iyo sugidda amniga inta doorashadaasi socoto, dhamaan qodobadaasi waxa ay ahaayeen kuwo mudan in lasoo dhoweeyo lana fuliyo, haseyeeshee madaxweynuhu muxuu ku jawaabay oo saxaafadda ka yiri " Marla arko isimada waxlee sheeg sheegaan, isimada katalin mayaan horumarka iyo nabadda Puntland" Hadalka madaxweynaha waxaa ku cad in uu u qaatay Puntland inay tahay meel quful-weyni ugu xiranyahay oo isagu furihiisu jeebka ugu jiro, qadarin la'aanta iyo amar kutaaglaynta isimada oo ah aabayaasha shacab-weynaha Puntland oo dhan matala waa mid xisaabteeda leh.

Hadaba hadii arintu sidaas tahay muxuu Cadde ku fekerayaa ?

Taniyo maalintii uu hantay hogaanka Puntland waxaa odaygu ku jiray lacag urursi, heer uu gaaray markii ay ilihii-dhaqaalaha iyo mushaharradii shaqaalaha dawladda iyo ciidanku kaafinwaayeen uu ku darsaday inuu keensado makiinado uu lacagta ku samaysto, kadibna ku eedeeyo ganacsato uu shiraako horay ula galay.

Waxaad moodaa inay mudane Cadde afartii sano oo uu dhididka shaqaalaha dhuuqayay halna u buuxin waayeen, ayaan-darro waabakan marlabaad doorasho isu soo taagay, taasina waa nasiib darradii ugu xumayd iyo mustaqbal madow oo ina soo haraynaya hadii uu markale kursiga iska soo dhookeeyo.
Si uu doorashada soo socota ugu guulaysto odaygu ismadhigane qorshe dheer "long planed strategy" ayuu sameeyay, oo ay ka mid tahay:

Soonoolaynta jabhadii GBP-da.

Jabhadii GBP-du waxa ay ahayd sallaankii uu ku soo fuulay madaxtinimada Puntland, sidaasi darteed Cadde maba aaminsana mabda'a democracy-ga, waxana lagama-maarmaan noqotay inuu samaysto maleeshiyooyin jifidiisa hoose ka mid ah, hubkii iyo agabkii ciidamadana gacanta u geliyo, si hadiiba la dooran waayo uu marlabaad duurkiisii xabbad uga soo cabaysto markalena gor-gortan ula galo maamulka la doorto.
Kahor imaanshaha dastuurka iyo isimada.

Dastuurku waa masdar-ka kala haga waxkasta oo iska hor imaad ama khalad ka yimaado, Cadde dastuurkii oo dhanba dhinac ayuu iska dhigay, isimadiina gacan dhaaf iyo ixtiraamdarro isdaba-joog ah ayuu kula kacay, si qorshihiisu uu si sahlan ugu fulo.

Dabcan kuma koobna labadaas qodob oo keli ah, balse waxa jira waxyaabo badan oo dib kasoo if-bixi doona.

Shacabka reer Puntland maxaa la gudboon?

Yar iyo waayeelba dadweynaha reer Puntland waa dad wacyigoodu sarreeyo nabadda iyo horumarkana astaan u ah, dhacdooyin badan oo soo marayna khibrad ka soo kasbaday, iyadoo looga bartay isu-tanaasul, sabur iyo inay wixii dantooda guud ka soo horjeeda meel uga soo wada jeensadaan, sidaasi darteed, rajo weyn ayeynu ka qabnaa in nabadda iyo horumarka dadaalka dheer ku yimid uusan si sahlan Cadde wax ugu dhimi karin.

Gaba-gabo.

Puntland waxa ay muraayad u tahay dhamaanba qaybaha kale ee dalkeena Somaliya, Somalida oo dhamina waxa ay indhaha ku hayaan xamaasadda doorashada Puntland iyo barnaamijyada musharaxiinta, si aynu u noqono tusaale wanaagsan waa inay isimadu waajibkooda sida uu yahay u gutaan, maadaama ay matalaan dhamaanba gobolada iyo beelaha reer Puntland iyagana arintu ka go'do.

Cadde Muuse hadii uu musharax yahay dastuurka ayaa u ogol, hadii uu kalsooni haysto isaga oo shakhsiyan musharax ah doorashada ha usoo istaago, hantida iyo hubka dawladana isimada ha ku wareejiyo.

C/laahi Ciise Yuusuf
Khartoum, Sudan
abdalleisse@hotmail.com

Faafin: Somalitalk.com | Dec 18, 2008

BAARID | SEARCH


caashaDhakhtaradii Ku Guulaysatey Abaalmarinta "Haweenka Sannadka 2008-da" oo Somalitalk Wareysi siisey...
Drs. Caasho Cumar Axmed (Kablow) oo hadda ku sugan Jabuuti ayaa... Akhri...

unicefBadbaadada Carruurta: Arrin Muhiim u ah Caalamka oo Dhan: Gacan ka gey-sashada Badbaadinta Nolosha Caruurta.... Warbixin UNICEF oo ka kooban 7 bog Akhri... (pdf)


Soomaaliya: Dambiyada Dagaal ee Halakeeyey Dadweynaha (Warbixintii Human Rights Watch)
Siyaasadaha Dhicisoobay ee Quwadaha shisheeye oo sii xumeeyay qalalaasaha Qoraal kooban... (pdf)
Guudmar(Somali) 16 bog ama Report(English) 107 pages

::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS