SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo
17 December 2008.

Wafti uu Hogaaminayo G/kuxigeenka 1aad ee jwxo oo gaadhay Newyork-USA
G/kuxigeenka 2aad ee jwxo oo ka qayb galay shirsanadeedkii Jaaliyada Switzerland.
Waxyeellooyin gumaysigu u gaystay dadwaynaha
Kaligii talitye Zenawi oo diiday inuu la xaajoonayo OLF
Arrimaha Soomaaliya oo aad u sii qasmaya
Jabuuti oo kordhisay lacagtii canshuuraha ee Dekeda iyo Itoobiya oo walaac ka muujisay.

======================
Waxyeellooyin gumaysigu u gaystay dadwaynaha

Ciidammada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya ayaa dhibaatooyin kala duwan u gaystay dadwaynaha rayadka ah ee Ogaadeenya. Dhibaatooyinkaasina waxay u dheceen sidatan;

08/12/08 meesha lagu magacaabo jala-wadhi, waxay ciidammada gumaysigu ku dileen nin shacab ah oo magaciisa aanaan wali helin.

11/12/08 Diyaar, oo Dhagaxbuur ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu jidhdil baʼan ugu gaysteen afar qof oo shacab ah oo magacyadooda aanaan wali helin.

30/11/08 meesha lagu magacaabo Dhabiile waxay ciidammada gumaysigu dad shacab ah kaga dhaceen laba Qori, oo midkood uu yahay BKM.

Ciidammada gumaysigu waxay wali wadaan duqayntii ay shacabka u gaysanayeen, iyadoo ay meelo kala duwan ku rusheeyeen diyaarado helikobtar ah oo la sheegay inay ka duulaan magaalada Qabridaharre.
15-12-08 Waxay ciidamada gumaysigu ka kaxaysteen suuqa xoolaha ee magaalada Jigjiga afar nin oo xoolo ka keenay Dhagaxbuur afartaas nin ayuu magacoodu naga soo gaadhay Sheekh Yuusuf

Dhinaca kale 06-11/12/08 dagaallo kala duwan oo dhex-maray CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 21 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay 23 askari.

Kaligii talitye Zenawi oo diiday inuu la xaajoonayo OLF

Kaligii taliye Meles Zenawi ayaa beeniyay wararka sheegaya inuu aqbalay inuu wada xaajood la yeelanayo Ururka OLF, isagoon wada xaajoodka ku xidhin shuruudo hordhac ah.

Kaligii taliye Meles ayaa sheegay inayna jirin wadahadallo bilowday ama billaaban doona oo uu la leeyahay ururka OLF.

Hase yeeshee kooxo odayaal, oo sheegay inay dhexdhexaadinayaan Zenawi iyo OLF, ayaa ku adkaystay inay Meles Zenawi si shakhsi ah ula kulmeen, uuna u sheegay inuu shuruuda laʼaan wadaxaajood la billaabayo ururka OLF, haddii ay soo oggolaysiiyaan.

Ma aha markii ugu horraysay ee kaligii taliye Zenawi uu odayaal u diro ururrada ka soo horjeeda, ka dibna uu ku inkiro inuu dirsaday. Waxaa jirtay marar badan oo kala duwan oo uu odayaal reer Ogaadeenya ah sidanoo kale u hoday, isla markaana u diray inay la soo hadlaan ONLF, haddana uu iyagii xabsiga u taxaabo.

Arrimaha Soomaaliya oo aad u sii qasmaya


Arrimaha Soomaaliya ayaa si wayn u sii qasmay, ka dib markii uu madaxwaynaha dowlada ku meelgaadhka ah talaadadii soo magacaabay raʼiisal wasaare cusub, kaasoo uu sheegay inuu xukuumad u soo dhisi doono sida ugu dhakhsaha badan.

Madaxwaynaha dolawda ku meelgaadhka ah ayaa raʼiisal wasaare u magacaabay Maxamed Maxamuud Guuleed, oo horay u ahaan jiray wasiirka arrimaha gudaha ee dowlada ku meelgaadhka ah.

Magacaabistani waxay ka denbaysay, ka dib markii uu C/llaahi Yuusuf axaddii sheegay inuu shaqadii ka caydhiyay raʼiisal wasarihii hore Nuur cadde, kaasoo beryihii u denbeeyay uu khilaaf adagi u dhexeeyay.

Hase yeeshee Baaralamaanka ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya ayaa isniintii u codeeyay Nuur Cadde, isla markaana kalsooni buuxda siiyay dowladiisa.

Tallaabadan uu C/llaahi Yuusuf qaaday waxaa si wayn uga soo horjeestay, marka laga tego Soomaaliya gudeheeda, bulshada caalamka iyo kooxaha gacanta ku haya arrimaha Soomaaliya intooda badan.

Isla talaadadiiba dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday inay cunqabatayn ku soo rogeyso madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf iyo qoyskiisaba, isla markaana ay xayirayso wixii hanti u yaalla dalka Kenya.
Wasiirka arrimaha dibada ee Kenya Moses Wetangula ayaa C/llaahi Yuusuf ku eedeeyay inuu carqaladaynayo qorshayaasha di u-heshiisiinta Soomaaliya.

Dowlada Kenya waxay sidoo kale C/llaahi Yuusuf ka mamnuuci doontaa inuu dalkeeda soo galo ama uu socoto ku dhex-maro.


Ra,iisal wasaaraha cusub ee C/llaahi Yuusuf magacaabay ayaa isaguna sheegay inuu xilka loo dhiibay aqbalay, isla markaana sida I degdeg badan u soo dhisi doono dowlad. Arrintan ayaa laga yaabaa inay horseedo burburka dowlada ku meelgaadhka ah, oo tan iyo markii lagu soo dhisay dalka Kenya dhawr sano ka hor aan qabanin wax la taaban karo, balse horseeday in dalka Soomaaliya uu si buuxda gacanta ugu galo gumaysiga Itoobiya.
Wafti uu Hogaaminayo G/kuxigeenka 1aad ee jwxo oo gaadhay Newyork-USA
Wafdi uu hogaaminayo GX1 ee JWXO Mudane Mohamed Ismacil Omar ayaa booqasho hawleed ku tagay magaalada NEWYORK, ee wadanka Maraykanka waxayna halkaas joogi doonaan maalmaha fooda inagu soo haya iyagoo halkaas kulamo kula yeelan doona Jaaliyada Ogaadeenya ee ka hawlgasha NEWYORK & nawaaxigeeda.
Wafdigan uu hor kacayo GX1 ee JWXO Mudane Mohamed Ismacil Omar ayaa in mudo ah ku wareegayay waadamo badan oo dunida kamid ah kuwaas oo ku kala yaala Afrika & ,Yorub waxayna shirar & kulamo is dabo joog ah la soo yeesheen Dawladaha dadalka ay tageen badankood & sidoo kale Jaaliyadaha Ogaadeenya ee ka halwgala wadamada ay wafdigu soo mareen.
Dhanka kale Wafdigan uu hor kacayo GX1 ee JWXO Mudane Mohamed Ismacil Omar waxay ka qayb gali doonaan shir sanadeedkii Jaaliyadaha Ogaadeenya oo sanadkan ay marti galisay Jaaliyada Ogaadeenya ee Wadanka Maraykanka gaar ahaan gobolka California, shirkan ayaa magaalada Sandiego ka furmi doona maalinta Jimhaca ee 19/12/2008 waxaana ka soo qayb gali doona wufuud ka kala imanaya dhamaan dalalka dunda ee ay dagan yihiin Jaaliaydaha Ogaadeenya.
Sida ay noo xaqiijiyeen gudiga qabanqaabada shirka waxaa maalmahnba si xidhiidha ah usoo gaadhaya madsha shirka wufuud kala yimid dunida dacaladeeda, Shirka Jaaliyadaha Ogaadeenya oo meerto ah waxaa sanadkii hore lagu qabtay wadanka Finland waxaana lagu gorfeeyaa waxqabadka Jaaliyadaha Ogaadeenya isla markaasna lagu dardar galiyaa xidhiidhka & shaqada ka dhaxeeysa Halganka gudaha ka socda ee Ogaadeenya lagu xoreynayo & Jaaliyadaha dibada oo kaalin laxaad leh kaga jira, waxaa isku barta hawlwadeenada Jaaliyadaha Ogaadeenya waxaana ka soo baxa go'aamo lagu hawlgalo shirka dabadii oo lagu shaqeeyo ilaa shirka kale laga gaadho.
Jabuuti oo kordhisay lacagtii canshuuraha ee Dekeda iyo Itoobiya oo walaac ka muujisay.


Dowlada Jabuuti ayaa kordhisay lacagta canshuuraha ee ay ka qaadi jirtay Dakada dalkaas arrinkan ayaa yimid ka dib markii suuq badan ay dakadaas yeelatay oo gacansato badan ay wax kala so dageen kadibna Dowlada Jabuuti ay kordhisay lacagta.

Dowlada Itoobiya oo alaab kala soo dagi Jirtay Dakadaas ayaa arrinkan walaac ka muujisay sidoo kale qaar ka mid ah Gacansatada Itoobiyana ay diideen gabi ahaanba lacagtaas.

Lacagta Itoobiya laga qaadi jirey ayaa ah 700 malyan sanadkii balse hada ay Dowlada Jabuuti ay ka dhigtay 703 Malyan balse nin ka mid ah Wasaarada Ganacsiga Itoobiya ayaa arrinkan ku tilmaamay wax aan la aqbali karin.

Arrinkan ayaa dadku saadaalinayaan in noqon doono mid Khilaaf ku keeni kara labada Dowladood ee Itoobiya iyo Jabuuti balse Itoobiya ayaa fikir ahaan taagan in xaq u leedahay inaan lacagtan lagu kordhin.

Hadaba ilaa hada waxaan cadayn go,aanka kama danbaynta ah ee Dowlada Jabuuti ay qaadan doonto walow xariirka labada dal ka dhaxeeya yahay mid wanaagsan.

Taariikh ahaan sanadadii 1889 ayaa Boqorka Menelik aaminsanaa in Itoobiya xaq u leedahay in Dakada Jabuuti aan wax lacag ahba laga qaadin.

Dalka Itoobiya ah dal aan lahayn wax Dakadka kadib markii Ereteriya ay ka qaadatay Xoriyada halkaas oo Itoobiya ay noqotay dhul baadi goob u gala in ay ka helaan dadkad wadamada ku dariska ay la tahay.

G/kuxigeenka 2aad ee jwxo oo ka qayb galay shirsanadeedkii Jaaliyada Switzerland.



Shir sanadeedkii jaaliyada Soomaalida Ogaadeenya ee Switzerland ayaa shalay 13.12.08 lagu qabtay hoolka shirarka ee hodheelka NH ee ku yaala magaalada Fribourg ee cariga Switzerland. Kulankan oo sanadkiiba mar la qabto ayaa waxaa ka soo qeeyb galey dhamaan xubnaha jaaliyada Ogaadeenya ee wadankan Switzerland iyo shacbiweynaha Soomaaliyeed ee xaqa taageera.

Shirkan oo uu marti ku ahaa gudoomiye ku xigeenka 2aad (GKX 2aad) ee Jabhada Wadaniga Xoreeynta Ogaadeenta (JWXO) mudane Cadaani Hiirmooge ayaa ugu horeeyntii lagu furay aayado Quraanka Kariimka ah, ka dibna loo istaagay dhageeysiga heesta astaanta calanka. Isu imaatin oo aay daadihiniyeen gudoomiyaha jaaliyada Ogaadeenya ee Switzerland Mudane Axmed Gurxan iyo u qaabilsanaha jaaliyada ee xiriirka dadweynaha Mudane Xasan Cabdi Yuusuf ayaa waxa sidoo kale xaadir ku ahaa fanaanka Soomaaliyeed Mudane Cabdoow Muuri.

Mudane Gurxan oo hadal gaaban jeediyay ayaa xusay in jaaliyada Swiss tahay mid tiro yar hase yeeshee tayo leh isagoo taa ahaanshaheeda ku micneeyay in jaaliyadu kasbatay walaalaheena Soomaaliyeed ee wadankan ku nool is la markaana uga mahad celiyay taageeradooda joogtada ah ee dhinac walbe leh. Soo bandhigid waxqabadkii jaaliyada ee sanadkan 2008 iyo qorshe sanadeedka jaaliyada ee sanadka soo socda ee 2009 ka dib ayaa cod baahiyaha lagu soo dhaweeyay Mudane Cadaani Hiirmooge GKX 2aad ee JWXO.

GKX 2aad ee JWXO ayaa soo bandhigay qudbad cajiib ah dhinac walbana taabaneeysay oo waqti dheer socotay toos oo uusan waxba kaga tagin hadii eey ahaan lahayd xag dhaqan-dhaqaale, siyaasad, mid ciidan iyo gaboodfalka gumeeysiga uu ku hayo shacbiga xaq doonka ah ee Ogaadeenya. Mudane Cadaani wuxuu carabka ku adkeeyay in dhibaatada tikreegu ka wadaan wadankii tahay mid aanay waligeed horay u soo marin shacbiga isagoo xusay in inkabadan 97 dagmo ciidamada gumeeysigu dhulka la simeen oo aay u dheer tahay dilka, kufsiga, dhaca, cunaqabateenyta iyo in gumeeysigu dago goobo dagaalna ka sameeysto ceelasha iyo ilaha biyaha, is kuna dayeen in afar goobood oo cayiman isugu geeyaay shacbiga iyo xoolahoodaba. Inkastoo ciidamada xoreeynta Ogaadeenya (CXO) fashiliyeen damicii gumeeysiga shacbiga dhib aad u weeyn ayeey arintan u geeysatay ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Mudane Hiirmooge wuxuu sheegay in gumeysigu niyad jabay taag iyo tabar toona uusan u heli karin in uu dagaal kula sii jiro umad xaqeeda raadineeysa is la markaana la timid xoog ciidan oo tayo leh oo aay u dheer tahay midnimo mintid isku tashi iyo aragti dheeri, godkiisii ayeey biyo ugu galeen, marka aay maqlaan guuxa takbiirta JWXO rucbi iyo argagax ayeey qaadaan dhabarkana jeediyaan isagoo intaa sii raaciyay in Alle fadligii aanay dhicin goob la isaga horyimaado oo uusan ciidankanagu ku gacan sareeyn.

Ma aha kaliya in aan gumeeysiga kaga guuleeysanay dagaalka milatari ee waxaan sidoo kale kaga guuleeysanay saxaafada caalamka, in aduunweynaha u soo bandhigo wajiga dhabta ah ee itoobiya iyo xasuuqa aan isagoo kale la arag ee aay ka wadaan wadankii. Golayaasha dunida ee aay wax ka go’aana waan kaga guuleeysanay ayuu carabka ku adkeeyay Mudane Cadaani hiirmooge isagoo intaa sii raaciyay in itoobiya maanta ceeymo leedahay dana ugu jirto in Ogaadeenya xaqeeda siiyaan ka hor inta aanay JWXO sabab u noqon kala taga itoobiya. GKX 2aad mar uu ka hadlayay gaboodfalka gumeeysiga wuxuu xusay in dilka, kufsiga, dhaca. Xariga iyo nolol duuga lagu hayo umada Soomaalida Ogaadeenya aayan ahayn mid xisaab ka danbeeyn, sidaa daraadeed hayaan diiwaan galiyeena magacii, goobtii, waqtigii iyo cidii qadoobfalka geeysatay. Waxaan ku guda jirnaa sidii maxkamada aduunka ee danbiyada dagaalka aanu u horkeeni lahayn 156 sarkaal oo 15 ka mid ah aanu ku dilnay dagaalikii Caado ka dhacay oo uu ka mid ahaa sarkaalkii gumeeysiga u fadhiyay OAUda.

Mudane Cadaani wuxuu khudbadiisa ku soo gabagabeeyay isagoo sheegay in dhawaan JWXO gudo gali doonto wajigii ugu danbeeyay ee xoreeynta Eebe idankiina la filayo in gumeeysiga gabi ahaanba lagaga saaro dhulka Ogaadeenya halkaa oo la rajeeynayo in uu ku soo afjarmo dhibka itoobiya ku heeyso shacbiga Soomaaliyeed oo idil. Mudane Hiirmooge inta uusan qudbadiisa guda galin wuxuu horkacay daqiiqad xusuus ah oo loo sameeyay Allana loo baryay in uu aqbalo shuhadada Soomaaliyeed ee u shahiiday is ka caabinta gumeeysiga gaamuray ee itoobiya ee Ogaadeenya iyo Soomaaliyaba.

17 December 2008

Cabdinuur Sh. Maxamed

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadaha 25 MB iyo 31 MB, iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Habeenada Khamiista & Sabtida 20:00PM – 20:30 waqtiga

Faafin: Somalitalk.com | Dec 18, 2008

BAARID | SEARCH


caashaDhakhtaradii Ku Guulaysatey Abaalmarinta "Haweenka Sannadka 2008-da" oo Somalitalk Wareysi siisey...
Drs. Caasho Cumar Axmed (Kablow) oo hadda ku sugan Jabuuti ayaa... Akhri...

unicefBadbaadada Carruurta: Arrin Muhiim u ah Caalamka oo Dhan: Gacan ka gey-sashada Badbaadinta Nolosha Caruurta.... Warbixin UNICEF oo ka kooban 7 bog Akhri... (pdf)


Soomaaliya: Dambiyada Dagaal ee Halakeeyey Dadweynaha (Warbixintii Human Rights Watch)
Siyaasadaha Dhicisoobay ee Quwadaha shisheeye oo sii xumeeyay qalalaasaha Qoraal kooban... (pdf)
Guudmar(Somali) 16 bog ama Report(English) 107 pages

::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS