Qorshaha Musharaxa: HARGAHA IYO SAAMAHA – Qalinkii Musharax Prof. Cumar
Farjac
Hargaha iyo saamuhu
waa wax ka yimaada xoolaha la qalo. Waxaa jirta in wadanka Puntland iyo Somaliya
laga dhoofiyo xoola farabadan. Walowba xoolaha laga dhoofiyo Dekeda Bosaso
badankoodu ka yimaado Puntland gudaheeda, waxaa jira xoola farabadan oo laga
keeno gobolka Ogadenia.
Xoolahaas marka dibadda loo dhoofiyo waxaa loo iib geeyaa wadamada Carabta,
waxayna badankoodu ka helaan shaqooyin farabadan.
Labada arrimood ee aan halkaan uga dan leeyahay waa
1. Xoolaha sicirka lagaga qaado dadka oo aad u hoosaya ($16-$30), iyo sicirka
lagu gado oo dhan $95-$105) markii jumlo loo gadayo. Hadii markii gaadiidka
dhoofinta iyo ribixaba la isku daro, qofwalba waa garan karaa inta dheeraadka
ah.
2. Qolada dhoofsatay xoolaheena, shaqaalaha ay qoraneyso oo ku hawlan
qalidda, safaynta, iyo warshadaynta waxaa ka sii weyn faaiidooyinka ay ka
helayaan lafaha, dhiigga, iyo hargaha.
Hadaba dhoofinta xooluhu waxay wadankeena ka cuna qabataysaa shaqa abuurid
dadkeenu u baahan yahay ooh awl gal ka noqon lahaa qalidda, safaynta, kala
saarka iyo kala soocidda, warshadaynta. Intaa waxaa sii dheer shaqada ay ka heli
lahaayeen, warshadaynta hargaha iyo saamaha, dhiigga, uuska, iyo warshadaynta
lafaha.
Dhiigga waxaa loo isticmaalaa siyaaba badan. Wadama badan waxay ka dhigtaan
cunno iyagoo ka dhigaya beer (Kifda-Egypt), qaar waxay cunno uga dhigaan xoolaha
oo aad ugu naaxa. Wadama gaaray farsamada xeesha dheer waxay u isticmaalaan
siyaabo aad u farabadan iyagoo ku dhafaya cunna kale.
Lafaha xoolaha waxaa loo isticmaalaa warshada fara badan sida tan badhannada
(Gluusyada) samaysa. Waxaa intaa sii dheer in loo isticmaalo farshaxanka iyo
warshadaha samaya ilkaha dadka. Waxaa jira in lafahu ay leeyihiin "Calcium"
farabadan oo hadii la shiido loo isticmaalo nafaqaynta dadka iyo xoolaha.
Hargaha iyo Saamaha. Waxaa jirta in hargaha iyo saamaha laga saaro xoolaha ay
leeyihiin manaafacaadsi fara badan. Qiimaha hargaha waayadaan dambe way kaceen
oo dadku aad buu u jecelyahay qalabka laga samayo hargaha. Tusaale ahaan markaan
u soo qaadano waxaa laga samayaa kabaha, shandadaha sare, kuraasta jiifka,
kuraasta fadhiga, kuraasta baabuurta (Jaban, Korea, Germany), suumanka,
shaabuugyada , (wadamada galbeedka iyo carabta), galalka seefaha (Carabta, China
iyo Jaban), shadadaha waaweyn, kuwa yar-yarka (Boorsooyinka), sariiraha biyaha
(America, France) iyo waxyaabo aad u badan.
Hadaba hadii xooleheena loo furo warshado lagu qalo oo hilbahana loo dhoofiyo
wadamada doonaya iyadoo la qaboojiyey hilibka xoolaha (Akhriso qaboojiyayaasha
xoolaha oo laga dhalinayo qorraxda--akhristayaasha wadamada galbeedka ku nool
ayaa garanaya hilbaha ay soo gataan ee qabowga laga bi'yo), waxaa inoo haraya
neefka intiisii kale, sida uuska oo bacraminta iyp nafaqaynta loo isticmaalayo,
dhiigga iyo lafaha oo aynu hore u soo qeexnay, iyo hargaha.
Waxaa maamulkayaga ugu jira qorshaha in la samayo warshadaha hilbaha, hargaha
iyo saamaha inta la wado xoola dhoofinta. Warshadahaasi waxay la baratamayaan
shirkadaha xoolaha dhoofiya in muddo ah, ka dibna waxaa Puntland ay gaareysaa
heer ay ku joojiso xollaha nool dhoofintooda. Wadamada xoolaha u soo dhoofin
jirey Wadamada Crabta sida Australia iyo New Zeland waxay gaareen heer ay
mamnuucaan dhoofinta xoolaha nool. Goorta keliya ay u ogol yihiin in wadanku
dhoofiyo xoolaha nool waa labada ciidood ee Islaamka (Ciidul Fitriga iyo Ciidu
Adxaaga).
Hadaba arrinta keliya ee Puntland u baahan tahay waa inagoo adeegsana aqoon
yahannadeena xoolaha iyo dhakhaatiirta xoolaha iyo dhakhaatiir ajnebiba si loo
ogaado hilbaha warshadaysan iyo kuwa aan warshadaysnayn ee Puntland u dhoofiso
dibadda ay u noqdaan kuwa ugu taya fiican adduunka loona ictiraafo in ay yihiin
hilbo hufan ee caafimaadka ugu saraya ah.
Waxaa maamulkayagu shirkadaha isku hawlaya warshadaynta kheyraadka xoolaha
iyo warshadaha ka farcama u fidinayaa gargaar ah canshuur dhaafid muddo dheer
(15 ilaa 30 sano). Waa dhiiri gelin wadanku ku soo jiidanayo qurbe joogta si ay
shirkado iyo maal gelin dhaqaale ogu samayaan wadanka.
Heshiiska waxaa qurba joogta iyo maal geliyayaasha la gelaya Golaha Issimada
(Senators) si maamulada naga dambaya ay u xaq dhowrayaan heshiiska Golaha
Issimadu la galaan shirkadaha waayo waa shirkado ay leeyihiin qurbe joogta reer
Puntland, oo doonaya in ay hormariyaan wadanka.
Ujeedada maamulku ka leeyahay qurba joogta maalgelinteeda waa abuuridda shaqo
loogu abuurayo dadweynaha Puntland.
Hadaba qoraalkaan waxaan ku soo bandhigaynaa websiteyo anfacaya qurbe joogta
dhaqaalaha haysta, si ay ugala baxaan fikrado oo ay isu raadsadaan sidii ay isu
aaminsanyihiin ayna isku darsadaan dhaqaale ay ku soo iibsadaan qalabka si ay u
samaystaan shirkado warshadaysa hargaha iyo saamaha.
Iyadoo ay socoto xoola dhoofinta ayey samaysan karaan shirkado samaya
warshadihii soo saarayey qalab warshadaysan ee hargaha iyo saamaha laga samayey.
Hase yeeshee waxaa muhim ah inta aydaan samayn ama aydaan ku degdegin
gadashada qalabka in aad samaysaan jawi aad ku aamini kartaan maalgelintiina.
Waa in uu ahaado jawi nabad gelyo iyo xorriyad aan qalabkiinii iyo
maalgelintiinii aan la idinka dhacayn. Hadaba waa hadba maamulka aad doorataan.
Waxaan hubnaa in qurba joogtu ay tahay tinaarka ama jikada lagu dillacsho
ukumaha (Incubator), dadka gudaha ku jira sida dadweynaha, indheer garadka,
ganacsatada, aqoon yahannada, ururada haweenka, culamaa-u-diinka, cuqaysha,
nabadoonada, samadoonada, xildhibaanada iyo issimadunaay yihiin ukuntii la
dilaacin lahaa. Qurbe joogta dooneysa in ay wadankii maalgeliso, xilka saarani
waa sidii ay uga dhaadhicin lahaayeen beelaha ay ka yimaadeen in ay golaha
geeyaan xildhibaan codkiisa ku bixinaya danta dadweynaha iyo dawlad nabadgelyo
ku soo celisa wadanka si hantida qurba joogtu ay u soo gasho wadanka.
Qurbe joogta Puntland waa maskaxdii wadanku lahaa ee a soo carartay dhaca,
dilka, iyo dhibaatooyinka wadanka. Waa waajib saran in ay wax wanaagsan u
qabtaan wadanka iyo dadka. Waxaanu ku himila weynahay in ay xilkooda ka soo
baxayaan oo ay isku hawlayaan sidii ay u turxaan bixin lahaayeen dhibka jira
iyagoo iska ilaawaya kala qoqobidda qabiil iyo jilibaysiga dhibaatada noo
keentay. Qurbe joogtu waa maskaxda laga filayo in ay kaalin weyn ka qaadato
sidii nabad iyo horuumar lagu gaari lahaa.
Bal hadaba dheeho shirkadaha soo socda iyo waxa ay ku xirfad dheer yihiin.
Waxaan halkaan idiinku soo bandhignay tira sideetan shirkadood oo ilaa naqshada
bilowga warshadda (Plant design) ilaa dhisideeda iyo furaha oo la idinku soo
wareejiyo.
Hadaba idinkey idin jirtaa shirkadda aad ka xulaneysaan iyo qaybaha aad ka
gadaneysaan, iyo sidii aad isu abaabuli lahaydeen.
Cilmiga iyo fikradaha maalgelinta ku haboon waa lakala xadaa. Aqoontaani waa
deeq aanu idiin soo hibaynay ee ninkii himilo haysow qaado. Bal garaaca 80
website ee aan idiin soo bandhignay. Hadaba baratanku waa furan yahay, hase
yeeshee wax walba waxbaa ka horeya. Dawlad rasmi ah oo ogol baratan ganacsi,
xorriyad siyaasadeed, xorriyad saxaafad, xorriyad in dadkii doonaa ay shiri
karaan, iyo xorriyad banuu adam ayaa ka horaysa. Hadaad manta awood leedahayna
dadka kala hormar warshadaada, shaqooyin bandanna dadka u abuur.
http://dir.dugalic.com/Business/
http://www.4hides.com/home.htm
Maxaa hormariyey oo samada ku shareeray dalabka hargaha iyo saamaha wadamada
Kenya iyo Ethiopia? Labada wadan waxaa lagu yaqaan in ay yihiin beeraley tacabta
dhulka, hadaba xageebay Ethiopia iyo Kenya ka keenaan hargaha iyo Saamaha?
Maxaad ka taqaan carabka sacuudiga ah ee Al-jabaar ee loo xiray suuqa xoolaha
Puntland iyo Somaliland? Adoon meel fog aadin waxaad arkeysaa in uu leeyahay
warshado fara badan ee ku yaal Wadanka Sacuudiga, waxaana ugu waaweyn warshadaha
hargaha iyo Saamaha, iyo warshadaha yar-yarka ah ee farsamaya kabaha, dharka,
jaakadaha, shandadaha, kuraasta baabuurta, kuraasta guryaha iyo wixii la mid ah
(leather clothing, leather furniture for office, homes and cars; leather shoes
and bags; etc.), wuxuuna xoolaheeni la dhoofiyey ugu abuurayaa shaqooyin iyo
dakhliyo kala duwan wadankiisa Sacuudiga.
Farjac@gmail.com
http://www.Puntlandforchange.com