SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Qalabkii Dekeda Laasqoray ee Gobolka Sanaag ayaa Maanta (Dec 17) soo Degay

Sawirada Qalabka u soo degey Dekedda DAAWO

Waxa Maanta Magaalada Bosaaso ka soo degay Qalabkii Dekeda Magaalada Laasqoray ee G/Sanaag waxana Qalabkaasi siday Gaadiidka bada, sida ay sheegeen saraakiisha Hay"adda Horb-Relief oo ah Hay"adda Gacanta ku haysa Mashruucda dekeda Laasqoray lagu dhisayo, Qalabkan ayaa ah mid Hor dhac ah isla markaana waxa dhawaan la sugayaa qalab kale oo aad u Fara badan.

Saraakiisha Horn Relife oo saaka aanu kula Kulanay Dekeda Magaalada Bosaaso ayaa sidoo kale sheegay inuu qalabkaasi dhamaantiisi yahay kii lagu dhisi laha Dekeda Laasqoray ee G/sanaag isla markaana dhawaan loo daad Gurayndoono dhanka Magaalada Xeebta leh ee Laasqoray, Masuul u hadlay Eng-rada dhisidoona dekeda Laasqoray ayaa isna Xaqiijiyay inay dhawaan Bilaabidoonaan Dekeda Laasqoray.

Hay"adda Horn Relife oo Kaashanaysa Shacabka Reer Sanaag ayaa mudo badan waxay Xusul duub xoogan ugu jirtay sidii ay Magaalada Laasqoray ee G/Sanaag uga hir Galin lahayd Deked Taasi oo Geed dheer iyo Mid Gaaban sidii looga dhabayn lahaa Mashruucaasi, Hay"adda ayaa si Buuxda u sheegtay inay Taageero Caalami ah ugu horayn ka heshay Dadka Gobolka waliba Isimada iyo Aqoonyahanka Gobolka Sanaag oo dhexda u xidhay inay kaga dhabeeyaan Mashruucaasi.

Ururada Bulshada ee Gobolka ayaa iyana la Oran karaa waxay Kaalin wayn ka qaateen sidii Bulshada loogu wacyigalin lahaa ka qayb qaadashada Dekeda Laasqoray dhawaan bay ahayd markii Ururka ESN ee magaalada Ceelbuh uu qabtay Kulan Balaadhan oo dadka loogu sheegayo sidii ay Taburuc uga qayb qaadan lahaayeen Dekeda Laasqoray, waxana Kulankaasi Ururka ESN daba socday Kulamo kale oo isla dekeda Looga Arinsanayo.


Jaamac Ayaanle Feyte
Wariye Madax-Banaan.

Faafin: Somalitalk.com | Dec 18, 2008

BAARID | SEARCH


caashaDhakhtaradii Ku Guulaysatey Abaalmarinta "Haweenka Sannadka 2008-da" oo Somalitalk Wareysi siisey...
Drs. Caasho Cumar Axmed (Kablow) oo hadda ku sugan Jabuuti ayaa... Akhri...

unicefBadbaadada Carruurta: Arrin Muhiim u ah Caalamka oo Dhan: Gacan ka gey-sashada Badbaadinta Nolosha Caruurta.... Warbixin UNICEF oo ka kooban 7 bog Akhri... (pdf)


Soomaaliya: Dambiyada Dagaal ee Halakeeyey Dadweynaha (Warbixintii Human Rights Watch)
Siyaasadaha Dhicisoobay ee Quwadaha shisheeye oo sii xumeeyay qalalaasaha Qoraal kooban... (pdf)
Guudmar(Somali) 16 bog ama Report(English) 107 pages

::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS