Ciidamada Dowlada Fadaralka KMG Somaliyeed oo laga yaabo in ay lakala saftaan
dhinacyada khilaafka xoogan uu ka dhaxeeyo
DHAGAYSO: Askar ka
cabanaya mushahar la'aan (mp3)
Sawirada Askarta Halkan ka daawo
Ciidamo caraysan ayaa lagu arkayaa goobaha fadhiisimaha u ah askarta dowlada
kuwaas oo hadalo is khilaafsan oo ku saabsan mustaqbalkooda ciidanimo ka soo
yeerayo
Ma dhabaa in khilafka xubnaha ugu sareeyo dowlada KMG Somaliya uu saameyn ku
yeeshay ciidamada qalabsida ee boliska iyo milatariga

Qilaafka iyo is jiidjiidka balaaran ee soo kala dhex galay maalmihii ugu
danbeeyey xubnaha dowlada ayaa wuxuu saameyn ku yeeshay qeybaha kala duwan ee
ciidamada dowlada Fadaraalka KMG somaliyed oo haatan aan lagu arkeynin meel ka
baxsan gudaha Magaalada Muqdisho
Dhalin yaro ka tirsan ciidanka boliiska dowlada fadaraalka KMG Somaliyeed oo aan
kulmay ayaa walaac xoogan ka muujiyey xaaladooda nololed iyo tan dhaqaale iyo
weliba khilaafka iyo kala danbeyn la.aanta ku timid dowlada fadraalka KMG
Somaliyeed waxayna sheegeen in ay dowlada u shaqeynayeen mudo 13 bilood ah iyaga
oo tilmaamay qaarkood in la sirey laguna shaqeystay mushaar la.aan .nabad galyo
la.aan waxayna sheegeen in qaarkood ay ahaayeen arday dhamaysatay waxbarashada
dugsiyada sare loona sheegay in loo qaadayo waxbarsho diabada ah ka dibna laga
dhigay ciidan ka dhex shaqeeya wadan amaankiisu faraha ka baxay .
Ciidamdanaa ayaa shegay in hubkoodii iyo xoogoodii waxaa ay ku biiriyeen dowlada
fadaraalka KMG Somaliya sidaan looga dhigay ciidamo qaran balse ay ku hungoobeen
arintaa cidankaa ayaa cabashadooda ku daray ilaa markii ay ka mid noqdeen
cidanka boliska in aanay helin wax mushaar ah waxayna saxaafada u sheegeen in ay
ka baxayaan howsha ay hayaan waxayna sabab uga dhigeen in dowladii ay isku
halaynayeen ay noqotay mid iyadii is haysata oo aan la garaneyn cid laga amar
qaato sida ay hadalka u dhigeen .
Dable ka mid ah ciidanka ayaa sheegay isaga oo cadeeyey in uu ka tirsanaa
ciidanka boliska mudo sadax sano ah waxaa nala yiri hubkiina keena waxaa la idin
siinayaa shaqo fiican oo aad ku dhistan mustaqbalkiina idinka iyo ubadkina
Dablahan ayaa isaga oo hadalkiisa sii wata sheegay in ay dhacday mushar la.aan
mudo sadax sano ah waxaana uu intaa ku daray in markii hore laga xareeyey qorey
AK 47 ah oo qimihiisu uu ku sheegay $400 markii uu dhibowgii ka baxayna aan
waxba la siinin
“saaka waxaan taagan nahay in dareyskii ciidanku uu dusheena ku dhamaaday oo aan
caga cad nahay wax mushaar ah nala siinin cid aan ka sugaynana aanan garaneynin
waxayna maraysaa xaga dowladii in ay isku heystaan anaa raisal wasar eah iyo
anaa madaxweyne ah waxayan u kala baxaday garab nuur cade ah iyo garab
Cabdulaahi yuusuf ah “
“Waxaa iga maqan 3 sano musharkood oo aanan waxba qaadan
“Wuxuuna askarigaas hadalkiisa ku soo gabagabeeyey in cidianka loo fiiriyo
Somali nimo iyo bini aadanimada waxaan ala ii sheegay markii hore in bilkasta
aan leeyahay $100 laga bilaabo hada shaqsiyan shaqadaydii waa ka tagay qorigana
ana aiska leh waxaana aadayaa gurigii hooyaday ayuu hadalkiisii uga baxay.
Sidoo kale askari kale oo dable ah ayaa shegay in uu la qabo arintaa sxb kii ka
horeeyey wuxuuna sheegay in u diyaar u yahay in u gurigii reer kooda iska aado
mudo sadax sano ah oo uu shaqeynayey ka dib isaga oo sii raciyey in gurigooda
uusan tagin mudo sanad iyo 5 shan bilood ah isaga oo ma maqnaanshaha gurigooda
ku sababeeyey in la dilayo hadii uu tago wuxuuna shegay in uuka tirsanaa
ciidanka boliska guutada labaad
Ciidamadaan ayaa cabshadood ku saleeyey khilafka soo kala dhexgalay
Mas.uuliyiinta dowlada iyo mushar la.aan in ay isug darsoomeyn waxaan u
qorsheysan in ay isaga tagaan shaqadoodii halka qaarkoodna ay ka dhawaajiyeen in
ay ku biiri doonaan kooxaha dowada dagaalka hubeysan kala soo horjeedo
Ciidamadan ayaa sheegay in ay adeen qarkood koorso dibada ah ayna soo rafaadeen
hadana shaqada wax ay ku hayaan iniba aysan jirin sida daryeel caafimaad
.mushaar .ilmihii oo aan la adi Karin dable iyo sarkaal waxaana saak aarmaraysaa
in somalinimadii la waayey waxaana isqabsaday mas.uuliyiintii dowlada ugu
hoosesay iyo kuwii ugu koreeyey intaba
“waxaan rajo xumo ka muujineynaa dowlada heerka ay marayso iyo sharaf dhaca ku
yimid anagana waa na qaribtay wadanka oo dhana waa qaribmay waxaan diyaar u ahay
saacdaan wixii laga bilaabo in aan xaafadaydii iska aado “
Ciidamada dowlada ayaa lagu edeyey mararka qaar in ay dhacaan hanitda shacabka
waxaana la wada ogson yahay in inta abdan aan la aamini Karin waxayna kuu
sheegayaan qaarkood marka aad la kuolanto in ay wax u dhacayaan mushaar la.aanta
heysat adarteed
Inkasta oo taasi jirta ayaa hadan madaxda sare ee ciidamadu waxay ku howlan
yihiin sidii mid kasta oo ciidank aka mid ah loo sin lahaa mushaarkiisa wuxuuna
dhawaan shegay taliyaha ciidan boliska cabdi xasan cawaale Qeybdiid in ay dhmaan
si sax ah u qaateen mushaaradodii
Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666