Howlo lagu dayactirayo masaajidka weyn ee isbaheysiga islaamka oo uu bilaabay
Maamulka G/banadir
Sawirada Dayactirka masjidka halkan ka daawo...
Waxaa dayactir lagu bilaway Masjidka weyn ee Isbaheysiga Islaamka Magaalada
Muqdisho
Sidoo kale waxa ka hadlay howlahaan lagu dayactirayo Masjidka weyn ee
Isbaheysiga Islaamka khadiibka masjidka
Sheekh Cumar Xasan ayaa u sharaxay saxaafada maanta burburka iyo dhibaatoyinka
uu qabo Masjidkaas Isbaheysiga ee Magaalada Muqdihso
Howlahaan dayactirka ah ee maanta ka bilawmay Masjidka weyn ee Isbaheysiga
Islaamka ayaa waxa gacan weyn ka geystay Maamulka Gobalka Banaadir ee uu
horkacayey gudoomiyaha gabolka iyo kuxigeenkiisa Maxamed Cusmaan Cali
( Dhagaxtuur) Cabdifataax Ibraahin Cumar Sabriye ( Ina Shaweey)
Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cismaan Cali(
Dhagaxtuur ) wafdi uu ka mid yahay ku xigeenkiisa kowaad C/Fataax Ibraahim
Sabriye (Shaawey) ku so sameeeyey kormeer howled dhismaha Masaajidka weyne oo uu
ka muuuqday burbur lixaad leh oo soo gaaray intii ay socdeen dagaalda dalka ka
dhacayey waxaana laga bilaabay howlo dib u dayactir ah Masjidka Isbaheysiga oo
ay gacan weyn ka geysanayaan Maamulka Gobalka Banaadir qarashka lagu dayactirayo
Masaajidka Isbaheysiga oo mu’do 18 sano bur bursanaa waxayna balan qaadeen in ay
bixinayaa %40 qarashka lagu dayactirayo
Waxana uu sheegay Gudoomiyaha Gobalka Banadir Max,ed Cismaan Cali
( Dhagaxtuur ) in gancasatada Gobalka Banaadir ay ka dhaga adeegtay wajibka kaga
aadan in dib loo dhiso masaajidkaa dhagaxtuur aya sheegay in laga rabay in ay
bixiyaan qarashka ku baxaya Masjidka weyn ee Isbaheysiga Islaamka dayactirkiisa
“markii horena waxa ay aheyd mowqifkeena in dib loo dhiso Masjidka islaamka
waxana anagu balan qaadnay in Masjidka Isbaheysiga in dib loo dhisaayo “anaguna
gacanta waan ugu jirnaa sidii lagu dayactiri lahaa hadii anu nahay Maamulka
Gobalka Banaadir
“Dowlada hoosena ay door weyn ka qadan doonto dhisida Masjidka Islaamka anagu
balan qaadkeena si aan u fulino wana bilownay howshii aan go’aansanay “waxan la
filayaa in aad gobjogayaal tihiin waxana dajinay maanta qeybtii nagu aadaneyd in
ay bilawato howsheena
Mr Dhagaxtuur ayaa sidoo kale sheegay in 16 Degmo ee Gobalka Banaadir ay
dhigayaan sanduuq lacago lagu aruurinayo Masjidka Isbaheysiga asigoona intaa ku
daray in sanduuqyada ugu horeyo ladhigayo Masjidka ku yalo Degmada Yaaqshiid ee
Gobalka Banaadir iyadoo xilka sareen Gudi Culumo’udiin ah oo tiradooda yihiin 5
ilaa 7 xubnood oo qaabilsan Masjidkaas .
Shaqada maanta ayaa waxaa lagu bilaabay laba kariko oo jay ah laba kariko oo
caro kaawo ah iyo hal kaariko oo bulukeeti ah waxaana sidoo kale shaqada wax ka
waday mas.uuliyiinta maamulka gobolka banadir iyo taliyaha boliska qewybta
waliyow cade ahana afhayeenka ciidanka boliska dowlada fadaraalka KMG somaliyeed
G/sare Cabdulaahi Xasan Bariise iyo qaar ka mid ah gudomiyeyaasha gobolka
banadir
Sidoo kale waxa ka hadlay howlahaan lagu dayactirayo Masjidka weyn ee
Isbaheysiga Islaamka khadiibka masjidka
Sheekh Cumar Xasan ayaa u sharaxay saxaafada maanta burburka iyo dhibaatoyinka
uu qabo Masjidkaas Isbaheysiga ee Magaalada Muqdihso
“Masaajidka hada dhibaatada ugu weyn waxa uu noqonay kor iyo hoos oo ka dunsan
gudihiisa uu yahay mid bur bursan gabi ahaan meel ka fiyow aanu jirn
islamarkaana waxa ka dal baneynaa Umadda Muslimka gaar ahaan Ummadda
Soomaaliyeed oo ku dhaqan wadamada dibada iyo Dalkaba in ay gacan weyn ka
geystaan dayactirka Masjidka Isbaheysiga Islaamka oo mu’do 18 sano bur bursana
oo ilaa waqtigaas lagu dukan sidii markaasba uu noqday mid dunsamay asigoona ugu
baaqay Umada Soomaaliyeed in ay u soo dadaalaan Masjidka Isbaheysiga Islaamka ee
Caasimada Soomaaliya ku dhisan
Masaajidkaan ayaa dhismihisa waxaa gacan weyn ka geysatay dawlada sacuudiga oo
kaashanaysay dowladi dhacday ee Somalia sanadku markii uu ahaa 1976dii wuxuuna
ahaa m
asaajidka ugu weynaa xiligaa wadamada africada bari
Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666