SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Golaha Saxaafadda Qaranka oo qaybtey dood ku saabsan tacadiyada loo geysto suxufiyiinta Soomaaliyeed

Sawirada Simiraarka Saxafiyiinka Halkan ka daawo

Siminaar ku saabsan tacadiyada loo geysto saxafiyiinta iyo sida looga hortagi karo ayaa maanta lagu soo gabagabeeyey Hotel saxafi ee Magaalada Muqdisho waxaana soo qaban qaabiyey Golaha Saxafiyiinta Qaranka National Media Council waxaana ka qaybgaley qaybaha warbaahinta sida Idaacadaha , Wargeysyada ,Web-Site-yada iyo bulshada Rayidka waxaana ugu horeyntii hadalo kooban ka soo jeediyey Gudoomiyaha Saxafiyiinta Qaranka Somaaliyeed Yuusuf Cali Cismaan (Yuusuf Farey ) oo u mahadceliyey intii isku soo dubaridey Siminaar halka maalin ah wuxuu u soo jeediyey ka qayb galayaasha in ay door muhiim ah ka qaataan sidii looga hortagi lahaa tacadiyada loo geysto Suxufiyiinta sidoo kale waxaa ka Hadley Ustaad Shariif Cali Shire oo sheegay in saxafiyiinta soomaaliyeed ay ku nool; yihiin xaalad adag isagoo sheegay in arintaas looga gudbi karo isku dubnaan iyo wada shaqeyn

Siminaarkan waxaa kaloo ka Hadley isla markaana furey Afhayeenka Dowlada Cabdi xaaji Goobdoon oo u mahadceliyey Golaha suxufiyiinta Qaran oo uu sheegay in uu yahay Gole isku keeni kara dhamaan Saxafada soomaaliyeed waxaa kaloo uu sheegay in Raisul Wasaare Nuur Cadde uu u sheegay in Dowlada ay gacan siin doono dhamaan saxafiyiinta soomaaliyeed si noloshooda wax looga badelo isagoo u soo jeediyey qaybaha warbaahinta in ay la yimaadeen isku xirnaan taas uu sheegay in ay kaga hortagi karaan tacadiyo loo geyssto

Waxaa kaloo halkaas ka Hadley Aabbe Maxamed Cilmi Dheere oo wiilkiis Cabdifitaax Maxamed Cilmi Dheere uu weli ku jiro gacanta afduubayaasha muddo afar bilood ah isagoo u soo jeediyey dhamaan saxaafada in ay u howlgalaan sidii wiilkiisa si shuruud la;aan ah loogu siideyn lahaa

Wxaa kaloo ka Hadley Gudoomiya Ururuka Sowja Qamar Salaad oo sheegtey in Saxaafadu ay tahay mida Ifisa tacadiyada ka dhaca dalka loona baahan yahay in ay si taxadar leh u sheegaan maadaama aan wadanka laga dhowrin sharuucda xaquuqda aadanaha

Ka qaybgalayaasha ayaa ugu dambeyntii ka soo saarey siminaarkaas dhowr qodob oo ay ka mid ahaayeen in dhamaan maamulada ka jira dalka looga baahan yahay in ay dhowraan suxufiyiinta soomaaliyeed islamarkaana u sahlaan howshooida saxafinimo sidoo kale waxaa loogu baaqayaa dhamaan dadka haysta suxufiyiinta in ay si shuruud laan ah lagu siidaayo waxaa kaloo loogu baaqay saxaafada in ay u howlgalaan sidii suxufiyiintaas xoriyaddoda u heli lahaayeen

(FAAHFAAHIN dheeraada siminaarka saxafiyiinta hoos ka akhri)

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiin khasaaro@hotmail.com

Hayadda SOCWE oo qabatey siminaar ku saabsan xaquuqda aadanaha iyo Maamul Wanaaga

Sawirada Siminaarka SOCWE halkan ka daawo....

Hotel Saxafi 2 ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu soo gabagabeeyey Siminaar ku saabsan Xaquuqda Aadanaha iyo Maamul wanaaga waxaana soo qaban qaabiyey Hayada SOCWE Somali Center for women Impowerment oo gacan ka heleysa Hayada Caalamiga ee Canada Internatiomal Development Agency waxaana ka qaybgaley Qaybaha Bushada ka koobana tahay ee Gobolad Banaadir , Shabeelada Hoose iyo Shabeelada Dhexe wuxuuna socdey Muddo afar maalmood

Siminaarkan ayaa gabagabadiisa waxaa ka Hadley isla markaana warbixin kooban ka soo jeedisey Gudoomiyaha Hayadda SOCWE Marwo Safiyo Abuukar Karaani oo sheegtey in siminaarada noocan ah ay ugu talagaleen in dadka soomaaliyeed lagu baro xaquuqda Aadanaha iyo maamul wanaaga waxay kaloo shjeegtey in hayadda ay qaban doonto siminaaro noocan oo kale ah si bulshada loo tuso waxa xaqa u leedahay iyo waxa xaq loogu leeyahay

Waxaa kaloo ka Hadley Shariif Cali shire oo ka mid Saraakiisha hayada SOCWE wuxuuna sheegay in haweenka soomaaliyeed ay u baahan yihiin in kor loogu qaado aqoontooda si ay u ogaadaan waxa ay leehihiin wuxuu kaloo sheegay Ustaad Shariif in haweenka yihiin kuwa mar kasta ka samatbixiya Bulshadooda Markey jiraan dhibaatooyin isagoo u soo jeediyey ka qaybgalayaasha in ay casharada ay halkaan ka bartaan u gudbiyaan kuwa aan fursadda u helin

Waxaa kaloo ka Hadley Agaasimahaa COGWO Marwo Sahro Maxamed Axmed oo sheegtey in dhibaatada soomaaliya looga bixi karo in si dhab ah loo qaaro Shareecada islaamka sidoo kale waxay sheegtey in xaquuqda haweenka ay ku dhameystiran tahay Diinta islaamka waxayna u soo jeedisey Haweenka soomaaliyeed in ay si wanaagsan u bartaan diinta islaamka

Siminaarkaas ayaa intii uu socdey waxaa Casharo ka jeedinayey Ing Maxamed Xasan Aayow wuxuuna faahfaahin ka bixiyey xaquuqda aadanaha iyo maamul wanaaga isagoo sheegay in bulshada looga baahan yahay in ay dhawraan xaquuqda aadanaha isla markaana bartaan waxa xaq loogu leeyahay wuxuu kaloo sheegay in maamul wanaaga uu ka bilowdo Guriga ilaa heer Qaran wuxuuna siminaarkaas uu ku dhamaadey sidii loogu talagay

W?D Amiin Yuusuf Khasaaro

E_Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


Golaha Saxaafadda Qaranka
Muqdisho – Somalia


National Media Council
Mogadishu – Somalia


SEMINAAR LOOGA HADLAY DHIBAATOOYINKA LAGU HAYO SAXAAFADDA

16 December, 2008

 

Sawiro Kale oo siminaarka saxafiyiinka halkan ka daawo....

Seminaar looga hadlayay dhibaatooyinka sii kordhaya ee saxaafadda Soomaaliya lagu iyo sidii looga hortegi lahaa oo uu soo qabanqaabiyay Golaha Saxaafadda Qaranka ayaa maanta lagu qabtay Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho.

Mas'uuliyiin iyo xubno ka kala socday qeybaha saxaafadda iyo ururada bulshada rayidka ayaa kulanka ka soo qeyb galay, waxayna uga doodeen qoddobo ay ka mid yihiin:

Xaaladda Saxaafadda Soomaaliya ku sugan tahay xilligan.

Iskaashi ay Warbaahinta madaxa bannnaan iyo ururada bulshada ka yeeshaan sidii looga hortegi lahaa tacadiyada ka dhanka ah saxaafadda, loona abuuro qaab wadareed loogu howlgalo u doodista saxafiyiinta iyo warbaahinta dhibaatooyinka la soo gudboonaadaan.

Taageeridda Saxaafadda iyo saxafiyiinta xilligan adag ku shaqeynaya; iyaguna ku dhaqmaan anshaxa saxaafadda.

Cambaareyn dhinacyada kala duwan ee tacadiga ku haya Saxaafadda iyo saxafiyiinta dalka ka howlgasha.

Baaq loo diro TFG-da, maamulada iyo dhammaan kooxaha dalka ka jira loogu yeero inay joojiyaan dhibaatooyinka ay ku hayaan saxaafadda madaxa bannaan.

Cod mideysan oo loogu baaqo kooxaha heysta dhammaan saxafiyiinta xilligan afduubka lagu heysto inay shuruud la'aan sii daayaan una soo celiyaan xoriyaddooda, lana furo warbaahinta xiran.

Guddoomiyaha Golaha saxaafadda Qaranka Yusuuf Cali Cusmaan ayaa ka warbixiyay xaaladda ay ku jrto saxaafadda wuxuuna sheegay in Saxafiyiinta iyo warbaahinta Soomaaliya waxay ku shaqeeyaan xaalad aad u adag oo ay la wadaagaan bulshada inteeda kale, waxaana soo gaara ayuu yiri dhibaatooyin fara badan oo joogto noqday muddooyinkan danbe sida: dil, dhaawac xarig, jirdil, handadaad iyo aamusin.

"Sanadkii tegay ee 2007-da wuxuu ahaa kii ugu xumaa oo ay soo maraan saxafiyiinta iyo warbaahinta Soomaaliya, laakiin waxaa nasiib darro ah in sanadkan dhamaanaya ee 2008-da ay sidoo kale sii socdaan dhibaatooyinkii loo geysanayay saxafiyiinta" ayuu yiri guddoomiyaha Golaha saxaafadda.

Wuxuu sii raaciyay in iskaashi looga baahan yahay saxaafadda isagoo intaas ku daray: "Golaha Saxaafadda Qaranka wuxuu ururada saxaafadda caalamka ee taageera una dooda saxafiyiinta ugu baaqayaa inay doorkooda ka qaataan taageerada saxaafadda iyo saxafiyiinta Soomaaliya ee ku dhex shaqeynaya xaaladda qalalaasaha iyo colaadaha ee ka taagan Soomaaliya".

Axmed Cali Maxamed "Shariifka" madaxa maamulka Golaha saxaafadda ayaa isaguna warbixin ku saabsan xaaladda saxaafadda ka jeediyay seminaarka waxayna warbixintiisu ahayd sida soo socota:

"Saxafiyiinta Soomaalida intooda ka shaqeeya gudaha Soomaaliya waxaa soo wajaha dhibaatooyin fara badan waxaana nasiib darro noqotay in maamulada iyo kooxaha dalka ka jira ay si isku mida ugu tuntaan xoriyadda saxaafadda, dhibaatooyinkaas waxaa ka mida:

Dil
Sanadkan 2008-da waxaa la dilay laba saxafi oo lagu dilay magaalada Kismaayo:
Xasan Kaafi Xareed Iyo Nasteex Daahir

DHAAWAC
Isla Sanadkan waxaa la dhaawacay 7 saxafi oo isugu jira kuwo si toos ah loo beegsaday shaqadooda saxaafadeed awgeed iyo kuwo xaaladda dalka ka jirta ay saameysay.

Xarig
Sanadkan sii dhammaanaya ma yareyn saxafiyiinta la xiray iyadoo loo heysto shaqadooda warbaahineed waxaase nasiib wanaag ah inaysan waqti badan ku qaadan xabsiyadda sida sanadkii hore.

AFDUUB:
Saxafiyiinta Soomaalida iyo kuwa ajnabiga ah ee Soomaaliya u yimaada waxaa soo wajaha afduub sii kordhaya oo waqti dheerna qaata, iyadoo sababtu tahay madax furasho, waxaana maanta afduub loogu heystaa dalka 7 Saxafi oo afar kamida ajnabi yihiin, saddexda kalena Soomaali.

Cabdifataax Maxamed Cilmi
Amanda Lindhout (Canada)
Nigel Brenan (Australia)
Saddexdan weriye waxaa bishii 23 August lagu afuubtay duleedka Muqdisho

Cawaale Jaamac
Mukhtaar siciid
Colin Freeman (Biritish)
José Cendón (Spanish)
Afartan weriye waxaa Boosaaso laga afduubtay 26-kii Novembar.

Waxaa kaloo xiran Idaacad ku taalla magaalada Kismaayo oo loo xiray amar ka soo baxay maamulka halkaasi ka jira.

Waxaa kaloo saxafiyiinta lagula kacaa falal isugu jira: Jirdil, handadaad, weeraro lagu qaado iyo warbaahinta oo laga xiro tiiyo aanu jirin maamul damaanad qaadaya kara ammaanka saxafiga xor u shaqeynta saxaafadda.

Maxamed Cilmi Dheere oo ka mid ahaa madax ka soo ahaa Idaacaddaha madaxa bannaan ee Muqdisho oo wiilkiisa Cabdifitaax ka mid yahay saxafiyiinta afduubka lagu heysto muddo 4 Bilood ku dhow ayaa uga mahad celiyay Golaha saxaafadda kulanka ay soo qabanqaabiyeen, wuxuuna sheegay in dhibaatooyinka lagu hayo saxaafadda iyo saxafiyiinta aan loo dulqaadan karin loona baahan yahay in la iska kaashado sidii looga hortegi lahaa.

Cilmi Dheere wuxuu sheegay in wiilkiisa C/fitaax muddo afar bilood ku dhow afduub loo heysto iyadoo aan la ogeyn cidda heysata iyo waxa ay doonayaan ayna nasiib darro tahay in dadka bulshada warka siiya ee xaqiiqada soo bandhigaya sidaas loo dhaqmo, "Waxaan ugu baaqayaa kooxaha heysta wiilkeyga iyo saxafiyiinta kale inay sii daayaan" ayuu yiri Cilmi dheere oo ku booriyay saxafiyiinta inay dhabar adeygaan howsha adag oo ay bulshada u hayaan.

Afhayeenka dowladda KMG ah Cabdi Xaaji Goobdoon oo isna kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dhinacooda xukuumadda KMG ah ee Nuur Cadde hoggaamiyo ay diyaar u yihiin taageerada saxaafadda madaxa bannaan, Ra'iisal wasaarahana ay ka go'an tahay inuu saxaafadda garab siiyo.

Goobdoon wuxuu caddeeyay in xaalado adag ay soo martay saxaafadda welina ku jirto, wuxuuna warbaahinta ku booriyay inay mar kasta xaqiiqada ka hadasho oo si anshax ah u baahiso wararkeeda, wuxuuna caddeeyay in saxaafadda madax bannaanideeda ay aaminsan yihiin weliba ay wax la qabanayaan.

Mas'uuliyintii Warbaahinta, ururada bulshada iyo marti sharaftii shirka oo dood dheer ka yeeshay qoddobada looga hadlayay seminaarka kadib waxay soo saareen baaq ka kooban shan qodob oo kala ah:

Waxaan taageereynaa saxaafadda madaxa bannaan ee ku shaqeysa xaaladda adag ee dalku ku jiro.

saxaafadda madaxa bannaan iyo bulshada rayidka waa inay iska kaashadaan sidii looga hortegi lahaa tacadiyada lagu hayo saxafiyiinta iyo warbaahinta.

Waxaan cambaareyneynaa dhibaatooyinka lagu hayo saxafiyiinta iyo warbaahinta dalka howlgasha.

Waxaan ugu baaqeynaa TFG-da, Maamulada dalka ka jira iyo dhammaan kooxaha inay gacan ka geystaan joojinta tacadiyada iyo dhibaatooyinka lagu hayo saxafiyiinta iyo warbaahinta.

Waxaan ku baaqeynaa in la sii daayo dhammaan saxafiyiinta afduubka loo heysto loona soo celiyo xoriyadooda shuruud la'aan, lana furo warbaahinta xiran.

seminaarka waxaa ka soo qeyb galay: Madax iyo xubno kala socday hay'adaha warbaahineed, ururada saxaafadeed, ururada bulshada radyidka ee kala ah:

1. GOLAHA SAXAAFADDA QARANKA
2. TFG-da
3. Somali Pen
4. hORNAFRIK
5. RADIO BANAADIR
6. RADIO SIMBA
7. SHABELLE
8. RADIO SOMALIWEYN
9. RADIO SAHAN
10. rADIO IQK
11. CODKA NABADDA
12. RAAD TV
13. RADIO VOD
14. RADIO XURMO
15. socfex
16. NUSOJ
17. SOWJA
18. SOCWE
19. PEACE LINE
20. INXA
21. WOJA
22. COGWO
23. DJIHRO
24. SOMALI LAW SOCIETY
25. hiiraan oline
26. SOMALITALK
27. PUNTLAND POST
28. WAAYAHA
29. MOGADISHU TIMES
30. wanlawein human right

Sawiro siminaarka saxafiyiinka halkan ka daawo....

National Media Council
nmc.somalia@gmail.com

waxaa kale oo ka qayb qaatay soo tebinta:
shariif Moalim
shariif55@hotmail.com

Faafin: Somalitalk.com | Dec 17, 2008

BAARID | SEARCH


caashaDhakhtaradii Ku Guulaysatey Abaalmarinta "Haweenka Sannadka 2008-da" oo Somalitalk Wareysi siisey...
Drs. Caasho Cumar Axmed (Kablow) oo hadda ku sugan Jabuuti ayaa... Akhri...

unicefBadbaadada Carruurta: Arrin Muhiim u ah Caalamka oo Dhan: Gacan ka gey-sashada Badbaadinta Nolosha Caruurta.... Warbixin UNICEF oo ka kooban 7 bog Akhri... (pdf)


Soomaaliya: Dambiyada Dagaal ee Halakeeyey Dadweynaha (Warbixintii Human Rights Watch)
Siyaasadaha Dhicisoobay ee Quwadaha shisheeye oo sii xumeeyay qalalaasaha Qoraal kooban... (pdf)
Guudmar(Somali) 16 bog ama Report(English) 107 pages

::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS