SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Beelo Ku Dagaalamay G/Gedo Oo Heshiis Gaaray



heshiiskaasi ayaa la kala dhexdhigay beelo ku dagaalamay deegaano ka tirsan in u dhaxaysa magalada Garbahaareey iyo Luuq ee Gobolka Gedo

Heshiiskaasi oo ay si wadajir ah u soo qabanqabiyeen xoogaga Islaamiga ee ku sugan G/Gedo iyo waxgarad beeleedyo ayaa lagu gaaray qodobo kala duwan sida ay ii xaqiijiyeen qaar kamid waxgaradka beelahasi.

Qodobada ku qoran heshiiska ayw ada gareen dhinacyadaasi ayaa waxaa kamid ah in si siman loo isticmaalo qayradka dibiiciga ah iyo ceel halkasi ku yaalla iyo in beel kasta qaadato wixii dhib ah oo ay gaysatay mudadii ay jireen dagalada beelahasi.


Heshiiskaasi ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay waxgaradka iyo beelaha dariska la ah labadaasi beelood,kuwaasoo ay saamaysay dirirta labadasi qabiil.


Qilaafka iyo dagaalada Beelaha ku dhaqan gobolkan ayaa noqda kuwo dad farabadani ay ku dhintaan waxaana aysal ku hayaan Dhul Daaqsin ah ,arrintaasi oo si weyn u soo korortay tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladii dhexe ee wadanka Soomaaliya.

Maxamed Gaarane Aadan

Baardheere/GEDO

gaarane68@hotmail.com

Faafin: Somalitalk.com | Dec 17, 2008

BAARID | SEARCH


caashaDhakhtaradii Ku Guulaysatey Abaalmarinta "Haweenka Sannadka 2008-da" oo Somalitalk Wareysi siisey...
Drs. Caasho Cumar Axmed (Kablow) oo hadda ku sugan Jabuuti ayaa... Akhri...

unicefBadbaadada Carruurta: Arrin Muhiim u ah Caalamka oo Dhan: Gacan ka gey-sashada Badbaadinta Nolosha Caruurta.... Warbixin UNICEF oo ka kooban 7 bog Akhri... (pdf)


Soomaaliya: Dambiyada Dagaal ee Halakeeyey Dadweynaha (Warbixintii Human Rights Watch)
Siyaasadaha Dhicisoobay ee Quwadaha shisheeye oo sii xumeeyay qalalaasaha Qoraal kooban... (pdf)
Guudmar(Somali) 16 bog ama Report(English) 107 pages

::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS