SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Xaflad si weyn Loo soo agaasimey oo lagu caleema sariyo Gudiga Suxfiyiinta dibad jooga soomaaliyed oo lagu qabtey magalada Nairobi

Sawirada Halkan ka daawo....

xaflad si weyn loo soo agaasimey oo algu caleema sariyay gudiga suxfiyiinta dibad jooga soomaaliyed ayaa maantey lagu qabtey magalada nairobi gaar ahaan hotelka weyn ee Kaah Hotel waxaana xafladaasi ka soo qeeb galey suxfiyiin ugu badan ee ku sugan magalada nairobi iyo madax ka tirsan barlamanka dowlada kumeelgarkka ee soomaaliye

xafladaan ayaa waxaay aheed mid si weyn loo soo agaasimay oo ay ka soo qeeb galeen qeebaha kala gadisan saxaafada ku sugan dalka kenya waxaan ugu horeentii halkaas lagu furey sida cada inoo ah maadama aynu nahay dad islaam ah ayadaha qur aanka kariimka waxaan halkaasi ka aqriyay qaalid xaaji cabdi maciid waxaan la guda galey qudbadihii xaflada loogu tala galey iyo masuuliyiinti lagu casumey xaflada maantey ka dhacdey magalada nairobi ee dalka kenya waxaan ugu horeen makaroofnka lagu soo dhoweyay xilibaan ibraahim maxamed deeq oo horey uga tirsanaa bahada saxafada soomaaliyeed isgoo halkaasi ka aqiriyay xalada adag ee ku sugan yihiin bahada saxafad soomaaliyed meel walibo ay joogan isgoo si gaar ah uga hadley in aysan jirin cid wax ka qabneyso dhibaatoyinka heesta wariyaasha soomaaliyed madaama aysan dowlada dalka ka jirta aysan awood u laheen wax qabashada dadka soomaaliyed waxaanu sheegay in kan baarlamaan ahaan ay garab istaagi doonaan gudiga suxfiyiinta soomaaliyed ee maantey la calama saarey isgoo sidoo kale sheegyna in bahada saxafada ay garab istagan yihiin wax qabshadooda wixi ay awoodan ka dhisida dhanka aqoonta iyo waayo aragnimada

sidoo kale waxaa lagu soo dhoweeyay xasan ciise kuuriya agaasimaha wasaarada warfaafinta soomaaliya isgoo taariikh aad fog ka sheegay goobta xaflada ka ay ka dhaceysay isgoo ka soo hadaley bilowgii war faafinta soomaaliya iyo heerka ay maanta ay joogto waxaanu sheegay in uu aad uga damqaniyo kan shaqsi ahan iyo midka masuuliyadeedba waxaanu kula dar daarmay gudiga suxfiyiinta dibad jooga ah in ay gacmaha is qabsadaan isgan kan xasan kuuriya ahan uu garab taganyahay dhalinyarada saxafada ee quruba jooga ah ee ka soo baxsadey dirirta dalka ka socto waxaanu si gaar ah uu ula dar daarmey maamulka cusub in ay ka shaqeyaan u adeegid wariyaasha soomaaliyed sidii loogu hali lahaa wax barasho iyo dhisida garaadkoda sidoo kale waxaa lagu soo dhoweyay qudbada xogeyahay ururka sojra Daauud cabdi Daauud oo ka hadley tacdiyada saxaafada soomaaliyed ka soo gaaro qeebaha isku hayo siyaasada dalka waxaanu soo hadal qaadey tacdiybadan oo loo geestey saxfiyiinta soomaaliyed labadii sano ee u danbeeysay waxaanu sheegay in ay aad uga xun yahiin dhibaatada joogtada noqtey ee loo geysaniyo bahada saxafad soomaaliyed sidoo kale waxaa isna halkaasi hadal kooban ka soo jeediyay guddoomiyaha hayada Yaxaye Foundation mudane mahad sheekh cali cibaar oo isgan sheegay kan hayad ahaan in ay aad uga xun yihiin tacdiyada loo geesto saxaafad soomaaliyed waxaan ugu baaqena qeebaha isku hayo siyaasada soomaalida in ay dhowraan xaquuqda wariyaasha soomaaliyed kuwaaso ah kuwo dalka iyo dadka qiimo weyn ugu fadhiyo dhan kale hayada yaxye fondation waxaay balan qaadey in bishaan gudaheed ay saxafad soomaaluyed ay qaban doonto saminaar lagu barniyo xaquuqda adanaha kaaso socon doono todobaad hayadan ay kala soo xariir doonto gudiga ay doorten wariyaasha soomaaliyed ee maantey lagu calam saaray magalada nairobi

sidoo kale isgana waxaa goobta xaflada ka qudbadeyay guddoomiyaha hayada PASOS mudane maxamed Jimcaale cali ayaa isgan ka hadley tacdiyada ka dhacay guud ahan dalka gaar ahaan soomaaliya isgoo si gaar ah uga hadley dhibatooyinka loo geestey bahada saxafada isgoo shegay in ay ku shaqeeniyeen xaalad adag oo runti goroowshiyo u bahaan waxa waxaanu sheegay in ay kan hayad PASOS ay garab tagan yihiin gudiga cusub ee la doortey waxaan yeelan doona wada shaqeen gaar ah taaso ina dhax mari doonta anaga iyo gudiga iyo wariyaasha oo dhan waxaan u han balyay maamulka cusub ee la doortey

sidoo kale waxaa ka hadashey Bishaaro maxamed ibraahim oo ka mid ah maamumlka cusub ee la soo doortey waxaayna sheegtey in ay ka shaqeen doonan midnimada wariyasha soomaaliyed ee qurba jooga ah iyo halista cawniaado wax loogu qabto dhanka aqoontooda iyo ka warheenta wariyal badan oo aan codkooda la maqlin kuwaaso ay shegtey in ay xaq u leyihiin in la maqlo codkooda iyo taladooda

sidoo kale waxaa ka hadley xasan sade dhaqane oo sigan ka mid ah masuuliyiinta gudiga cusub ee suxfiyiinta dibad jooga soomaaliyed waxaanu sheegay in ay qaban doona kan gudi ahaan hool baxad weyn walaheen na doorteyna waxaan ka fileena in ay nala shaqeen doonaan wax qabad wanagsan aan la imaan doono

sidoo kale waxaa isgan goobta ka hadley wariye ibaraahim yare oo ka mid ah madaxda gudiga cusub ee wariyaash dibad jooga ee la doortey waxaanu sheegay in ay har iyo habeen ka shaqeen doonaan wax qabashada wariyaasha soomaaliyed ee ka soo baxsadey dalkooda

waxaan sidoo kale goobta ka hadley xilibaan jini boqor oo si weeyn uga hadaley xilka qadisti uu ku sameyay madaxweynaha Riswasare Nuur cade isgoo sheegay in ay tahay sharci daro iyo bodow nimo aan sharci ku dhisneen Nuur cade waxaa xilka ka qaadi kara golaha barlamanka soomaaliya ee madaxweynaha xil kama qadi karo dastuurka ayeeyy ku taala waxaan u sheegeynaa in uu raaco sharciga intaasi waxaan kaga hadliyaa xalada ka tagan sakey magalada baydhabo ayuu yiri xilibaan jini boqor waxaanu hanbalyeeyay gudiga cusub ee saxfiyiinta dibada jooga soomaaliyed waxaanu kula dar daarmey in dalki iyo dadki aysan cii u maqnee oo ay yihiin kuwa dalka iyo dadka sugiya waan ogahay in dhibaato weyn idinku dhacdey saxiibo badan aad ku weysan soomaaliya aad baan uga xunahay dilka iyo warada loo gaysaniyo wariyaasha soomaaliyed waan wax lagu xisaabtami doono ayuu yiri xilibaan jini boqor gudiga cusub waanu taagerana waan idilan shaqeyneena waxaadna tihiin saxiibadeyda aan soo wada shaqeynay waad ogtihiin wax uu haatan dalka ku sugan yahay waxaan idin rajeeniyaa sanadkaan kisa kale dalkeeno nabad ah in aan ku laban doono afati sano ee dalka dowlada ka jirtey ma jirto wax aynu qabney in aan keno qasaro mooye waxaan saxfiyiinta leeyahay dadaalkina halkisa ka sii wada waan idin hanbalyeeniyaa anigoo ku hadliyo magaca barlamaanka soomaaliyed

gab gabdii xaflada waxa makaroofanka lagu soo dhoweeyay guddomiyaha cusub Fuaad Maxamed Cilmi Fuaad Deeqsi ee ay doorteen saxfiyiinta dibad jooga soomaaliyed guddoomiye fuaad maxamed cilmi wax uu halkaasi ka jeediyay hadalo ay aad ugu riyaqeen dadki ka soo qeeb galey xaflada isgoo si kooban uga hadley tacdiyadii loo geestey wariyasha soomaliyed labadii sano ee u danbeysay isgoo ka codsadey qebaha siyasada isku hayo soomaaliya in ay xaqdhooran saxafada iyo wariyaasha ku shaqeeniyo xaalada adag waxaanu baaq codsi ah u direy maamulada islamiga ah ee ka jira magalooyinka kismaayo iyo baardhere in ay furaan labada idacadood ee magaloyinkaasi laga dhagesto sidoo kale guddoomiye fuaad maxamed cilmi wax sheegay in aad uga xun yihiin hiraarka wariyasha soomaaliyed ee ka soo baxsaniyo dalka tasina ay keni doonto uu yiri in aan la helin xogta dhabta ah ee dalka ka jirta waxaanu ku booriyay wariyasha in ay midowan gacamahan ay isqabsadaan meel qalibo ay joogan waxaanu sidoo kale sheegay in laga shaqeeyo midnimada wariyasha soomaaliyed waxaanu goobta ka aqiryay masuuliyinta cusub ee loo doortey

waxaayna kal yihiin

  • 1Guddoomiye Fuaad maxamed cilmi
  • 2Gu/ Xigeen Mowlid Maxamed Sabriye
  • 3 Gu/ Xigeen Bishaaro Maxamed ibraahim
  • 4 Xoghaye Guud C/raxmaan Diriye Nuur
  • 5 Madaxa Maaliyadda Ibrahim Yare
  • 6 Madaxa Tababarada Xasan sade Dhaqane
  • 7 Xalinta Khilaafaadka Khaalid Xaaji cabdul Maciid
  • 8 Xiriiriyaha gudiga Maxamed sacuudi
  • 9 Afhayeenka Gudiga Cabdulqadir Ciise Honest
  • 10 Madaxa Barnaamijyada Aadan Kismaayo

dhamaan masuuliyanta loo doortey xilkaan ayaa ah wariyaal mudo dheer ka soo shaqeeyay gudah dalka soomaaliya iyagoo u soo kal shaqeyay qeebaha kala duwan eewarbahinyta waxaan lagu soo xuley ama lagu soo doortey waayo aragnimada iyo iyagoo looga fadhiyo in ay wax qabad wax ku ool ah ay la yimadaan ugu danbeenti xaflafa ayaa ku soo gab gaboowday jawigii loogu tala galey waxaan goobta xaflada ee hotel kaah ay aheed meel ay soo buux dhaafiyeen wariyasha soomaaliyed ee maantey xaflada ka soo qeeb galey

waxana isu hanbalyeeniyay wariyashi ka soo qeeb galey iyo kuwa gudiga loo dortey igoo isugu baaqeyay wax qabad iyo in ay gacmaha is qabasdaan

Cabdiraxmaan Diiriye Nuur

Email nuure1000@hotmail.com

Nairobi Kenya

Faafin: Somalitalk.com | Dec 16, 2008

BAARID | SEARCH


caashaDhakhtaradii Ku Guulaysatey Abaalmarinta "Haweenka Sannadka 2008-da" oo Somalitalk Wareysi siisey...
Drs. Caasho Cumar Axmed (Kablow) oo hadda ku sugan Jabuuti ayaa... Akhri...

unicefBadbaadada Carruurta: Arrin Muhiim u ah Caalamka oo Dhan: Gacan ka gey-sashada Badbaadinta Nolosha Caruurta.... Warbixin UNICEF oo ka kooban 7 bog Akhri... (pdf)


Soomaaliya: Dambiyada Dagaal ee Halakeeyey Dadweynaha (Warbixintii Human Rights Watch)
Siyaasadaha Dhicisoobay ee Quwadaha shisheeye oo sii xumeeyay qalalaasaha Qoraal kooban... (pdf)
Guudmar(Somali) 16 bog ama Report(English) 107 pages

::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS