SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Murashax Mud Cali Cabdi Awaare oo si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Qardho

Sawirada Halkan ka daawo....

Murashax Mudane Cali Cabdi Awaare oo kamid ah Murashaxiinta u tartamaysa hogaanka Dawlad Goboleedka Puntland ayaa galabta saacadu markii ay ahayd 4.30 galbnimo soo gaaray Magaalada Qardho ee Gobalka Karkaar iyadoo loo samayay soodhawayn sare waxaa la arkayay dadwayne aad u farabadan oo wata sawirka Murashaxa iyo gawaari ay ku dhegan yihiin sawirka Mudane Cali Cabdi Awaare, sidoo kale waa murashaxii ugu horayay oo si diiran fardo loogu soo dhaweeyo

Ugu horayntii murashaxu wuxuu gaaray hotel al aamin oo ay ku sugayeen dadweyne aad u farabadan iyo mas'uuliyen ka tirsan maamulka degmada iyo kan gobolka, halkaaso oo murashaxu ka soo jeediyay khudbad aad u soo jiidatay dadwaynihii halkaa isgu yimid, Murashaxa ayaa halkaa ku nuuxnuuxsaday waxqabadkii uu qabtay xiligii uu wasiirka Dawlada Hoose ahaa isagoo sheegay inuu dhisay golayaasha degaanka DGPL, wuxuu kaloo sheegay inuu soo dhaweenayo Murashaxiinta la tartamaysa

Ugu danbayntii Murashaxa ayaa lafilanayaa inuu caawa la kulmi doono Nabadoona Degaanka, aqoonyahanada iyo wax garadka ninacyada kala duwan ee bulshada Qardho ee Gobalka Karkaar

cumar maxaud
ayaanle6@hotmail.com

Faafin: Somalitalk.com | Dec 16, 2008

BAARID | SEARCH


caashaDhakhtaradii Ku Guulaysatey Abaalmarinta "Haweenka Sannadka 2008-da" oo Somalitalk Wareysi siisey...
Drs. Caasho Cumar Axmed (Kablow) oo hadda ku sugan Jabuuti ayaa... Akhri...

unicefBadbaadada Carruurta: Arrin Muhiim u ah Caalamka oo Dhan: Gacan ka gey-sashada Badbaadinta Nolosha Caruurta.... Warbixin UNICEF oo ka kooban 7 bog Akhri... (pdf)


Soomaaliya: Dambiyada Dagaal ee Halakeeyey Dadweynaha (Warbixintii Human Rights Watch)
Siyaasadaha Dhicisoobay ee Quwadaha shisheeye oo sii xumeeyay qalalaasaha Qoraal kooban... (pdf)
Guudmar(Somali) 16 bog ama Report(English) 107 pages

::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS