SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Dab Khasaare Gaystay Oo Ka Qarxay Deg.Doolow Oo Ku Taalla Xadka Kala Qaybiyo Somalia Iyo Ethiopia


Dabkan oo xalay saqdii dhexe ka qarxay degmada Doolow Ethiopia ayaa lagu soo waramayaa in uu gubadka ku daray gobo ganacsi oo ku yaala bartamaha magaladaasi sida ay sheegeen goobjoogayaal ku sugan degmadaasi.

Dadka degaankan oo si weyn uga argagaxay ayaa sheegay in Dabkaan uua ka cay xili intabadan dadku ay hurdayeen ,taasoo sababtay in dhawr oo u gurmanaysay ay halkaasi dhaawacyo ka soo gaareen.

Dabka ayaa ka bilowday meel cooshad ah waxaana uu burburiyay ilaa 50 aqal oo u badan goobo baqaaro ah iyo dukaamo. halkaasoo ay ku baa'ba'een hanti aad u farabadan.

Ciidamada Militariga Itoopiya iyo dadka degaanka ayaa u gurmaday goobta uu dabku ka qarxay.waxaana iminka degan xaalada, iyadoo dhamaanba dabkaasi la xakameeyay.

Labadii sano ee ugu dambaysay ayaa waxaa jiray dabab is xigxigay oo ka qaraxay degmadaasi kuwaasoo sababay khasaare aad u baaxad weyn.

Maxamed Gaarane Aadan

Baardheere/GEDO

gaarane68@hotmail.com

Faafin: Somalitalk.com | Dec 16, 2008

BAARID | SEARCH


caashaDhakhtaradii Ku Guulaysatey Abaalmarinta "Haweenka Sannadka 2008-da" oo Somalitalk Wareysi siisey...
Drs. Caasho Cumar Axmed (Kablow) oo hadda ku sugan Jabuuti ayaa... Akhri...

unicefBadbaadada Carruurta: Arrin Muhiim u ah Caalamka oo Dhan: Gacan ka gey-sashada Badbaadinta Nolosha Caruurta.... Warbixin UNICEF oo ka kooban 7 bog Akhri... (pdf)


Soomaaliya: Dambiyada Dagaal ee Halakeeyey Dadweynaha (Warbixintii Human Rights Watch)
Siyaasadaha Dhicisoobay ee Quwadaha shisheeye oo sii xumeeyay qalalaasaha Qoraal kooban... (pdf)
Guudmar(Somali) 16 bog ama Report(English) 107 pages

::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS