Haatan iyo Dan: Soo Celinta Qarankii Soomaaliyeed ee la Qalibey:
Waxaa Qorey: Wali Farah, Ottawa, Canada.
wfarah@rogers.com
Siddeed iyo toban sano Soomaaliya dagaal sokeeye ayey ku jirtaa.
Waxaana cad dagaalkaas sokeeye in uu yahay mid ay weligeed Etoobiya
gadaal ka riixeysey oo ay haatanna si toos ah ugu taageerto
dabadhilifyadeeda. Qormadan ma doonayo in aan dib ugu noqdo dagaalkaas
dabada dheeraadey iyo faragalinta qaawan ee Itoobiya.
Waxaanse jecelahay in aan bal fikirkeyga ka dhiibto sida ay aniga ila
tahay waxa haatan iyo dan la gudboon halgamayaasha Soomaaliyeed,
hoggaamiyayaashooda, Culumada Soomaaliyeed, odayaasha dhaqanka iyo
dhallinyarada Soomaaliyeedba. Sida aynu la wada soconno waxaa baryahan
socday wadahadallo u dhexeeya hormuudka halgamayaasha Soomaaliyeed iyo
kuwa horboodaya cadawga Soomaaliyeed iskuna sheegey in ay dowladdii
yihiin. Si kastaba ha ahaatee wadahadal siyaasadeed oo ku biyashubanaya
in la heshiiyo oo loo adeego danta qaranka Soomaaliyeed ayaa meel u
maraya. Waxaanse kawada dharagsannahay in dhagarta cadowgu ay meesheedii
tahay. Cadowguna uu mar walba heli doono ama haystaba kuwo u adeego.
Waxaan kale oo aynu xaqiiqsanahay dhagarta cadowga iyo kuwa u adeegaba
in aysan waxba u dhimmeyn halganka ummadda Soomaaliyeed. Waxaan aad ugu
kalsoonahay in guushu ku danbeyn doonto Dadka Soomaaliyeed.
Haddaba su’aashu waxay tahay, sidee xeero loo xagtaa ilkana ku nabad
galaan. Guushii halgamayaasha Soomaaliyeed ee loo dagaallamayey labadii
sano ee ina soo dhaaftey miiska ayey saran tahay. Waxaa la inaga rabaa
in aynu si aadaab leh inta miiska u soo wada fariisanno oo iska dayno
deg degga iyo kala shakiga aynu is wareysanno oo wada hadalno oo ku
heshiinno sidii halganka loo sii wadi lahaa balse waxaa la yiri “oodi
sida ay u kala korreysa ayaa loo kala qaadaaye” aynu howlaha ina
horyaallo u kala hormarino sida ay u kala mudan yihiin.
Maxay yihiin howlaha ina hor yaallo:
- Cayrinta maxeystayaasha ciidamada Itoobiya innagoo mideysan oo
aan u kala harin. Oo sida aynu ku ceyrineyo waa laba siyaabood: sida
ay iygaba garowsadeen oo ah in ay iskood u baxaan oo ay haddii ay
sidaas yeelayaan aynu waddada u furno. Sida kalena waa innagoo
dagaal ku saarno innaga oo mideysan. Markaa tan waxay u baahantahay
in aynu ku mideysannahay oo aynu isu tanaasulno oo joojinno dhammaan
waxyaabaha awooddayada wiiqaya. Tani waxay u baahantahay in aynu u
turno shacabkeenna oo aynu kasbanno kalsoonida ay innagu qabaan.
- Dib u heshiisiinta waa arrinta kale ee ina hortaal. Waxaa jirta
oo xaqiiqo ah marka dib u heshiisiin laga hadlo in ay kaliya dhex
mari karto dad horey u dagaaley. Dib u heshiisiin uma baahno dad
heshiis ah. Sidaa darted dib u heshiisiinta socoto waxay u dhexeysaa
dabadhilifkii cadowga keeney ee dalka burburiyey iyo halgamayaashii
ka dhiidhiyey. In lala hadlo dadkaas cadowga keeney oo lala heshiiyo
haddii ay diyaar u yihiin waa lagama maarmaan waayo waa Soomaali waa
sida layiri “fartaada oo xumaato fara gil gil kaagama harto.” Tan
macneheedu ma aha in la cafiyey oo danbigii ay galeeen aan lagu soo
oogi doonin. Balse waqtigii ku habboon ayaa caddaalada la keeni
doonaa. In la iska cafiyana kheyrka ayaaba ku jira. Sideedaba,
haddii aynu dooneyno in aynu iska dhicinno cadowga iyo cadow
kalkaalka, waxaa habboon in aynu garowsanno in “aar gudashadu aysan
boos ku lahayn halgan umadeed.” Waxaa la rabaa in dagaalka yagu
uusan ku saleysnaan Aar Gudasho. Waxaan ognahay in cadow badan isu
kaana bahaystey, kuwa hor lehna ku soo biirayaan cadowgeenna. Marka
waxaan xaq u leennahay in aynu iska dhicinno. Marka aynu iska
dhicinno oo iska erino, uma baahnin in aynu markaa niraahno, ka hari
mayno oo waa ka aar gudaneynaa.
Waa in aynu awooddeenna u weecinnaa in aynu midowno oo dhisanno
qarankeennii Soomaaliyeed. Taas ayaa mudan in howl iyo juhdi badan
la galiyo. Dibna loo dhigto haddii aynu rabno in aan caddaaladda hor
keenno kuwii dhibka u geystey dadka Soomaaliyeed. Waayo marka aad
Qaranka Soomaaliyeed dhisato, waxyaabo badan oo aan haatan suura gal
aheyn ayaa suuro gal noqon doono.
- Ku dhaqanka Shareecada Islaamka: In badan oo halgamayaasha ka
mid ah oo iiga aqoon roon shareecada ayaa ka hadasha in dalka lagu
dhaqi doono shareecada Islaamka. Anigu waxayba ila aheyd in dadka
iyo dalka Soomaaliyeed ay weligoodba ku dhaqmaan shareecada Islaamka
wallow Qaranka Soomaaliyeed oo sita magaca Dowlad Islaami ah aan
weli la arkin. Mar arrintu haddey sidaas tahay, anigu cilmi uma lihi
qaabka iyo muuqaalka ay leedahay dowlad Islaami ah. Hase yeeshee,
waxaan jeclahay in aan cabbiro sida ku habboon in loo dhiso Qaran
Soomaaliyeed oo Caddaalad ku dhisan.
Mar haddii dadka Soomaaliyeed yihiin dad Muslimiin ah 100%, ma
dhici doonto in ay dadka Soomaaliyeed ka hor yimaadaan caddaaladda
Islaamka. Saas oo ay tahay, Caddaaladda Islaamka ayaa waxaa ka mid
ah in Muslimiintu isu turaan, isu naxariistaan,is cafiyaan, is
kaashadaan,isu gargaaraan oo isu naxariistaan. Waxaa caddaaladda
islaamka ka mid ah in la isu dul qaato, in la is dhegeysto, in
talada la wadaago, in aan la isu gooddin, in howlaha sida ay u kala
mudan yihiin loo kala hormariyo, in aan la deg degin, in wanaagga la
is faro, xumahana la iska waaniyo.
Dowladda Islaamka ahi waxay horumarisaa adeegga bulshada sida
caafimaadka, waxbarashada, tas-hiilaadka horumarka umadda sida
ganacsiga, la macaamilka umadaha kale gaalo iyo Islaamba. Dowladda
Islaamka ahi waa mid fur furan oo dadku ay u tilmaami karaan wixii
ka qaldan, Hoggaanka Islaamku waa in ay soo doortaan dadka
muslimiinta ah.
- In marka horeba ay garowsadaan in dadku Islaam yahay
weligoodna ku dhaqmi jireen Islaamka.
- In Barnaamijka dhisidda qaranka Soomaaliyeed uu yahay mid
ballaaran una baahan in sida howlaha u kala horreeyaan loo kala
hormariyo.
- In la joojiyo in aynu u gooddinno Caalamka intiisa kale,
innagoo og in qaar badan oo Caalamka ka mid ah ay duullaan nagu
yihiin. Waana in aynu innagoo iska dhicineyno aynu haddana si
macruuf ah ula dhaqanno caalamka intiisa kale. Ma aha in aynu
caro kula dhacno umadaha kale ee adduunka. Xataa waa in aynu ka
taxaddarno hadalada dhalin karo in dadku naga baqaan. Waxaa la
yiri “nin xanaaqay laga badi.” Innagoo danteenna ka shaqeyneyna
ayeynu umadaha kalena si wanaagsan ugu sharraxi karnaa in aynaan
duullaan ku aheyn oo dadka Soomaaliyeed yihiin dad soo dhaweeya
martidooda, dariskooda, macaamiishooda dhinaca ganacsiga, iyo in
aynu nahay dad sharaf badan oo xumaha neceb.
- In halgamayaashu isu keenaan dhammaan dadka Soomaaliyeed ee
wax garadka ah, xataa kuwa aan halgamayaasha la fikirka ahayn.
Waayo ilaahey dadka ma simin, waxaase xaqiiqa ah in marka dad
kala fikrad duwan meel la isugu keeno balse ay dhammaan wadaagan
hal dan oo guud, oo dhammaan ay cabbiraan waxa ay iyaga la tahay
si danta guud loo gaaro in markaa ay soo bixi karaan go’aamo wax
ku ool ah.
Sideedaba, waa in aynu garanno in dadka ilaahey uumay
maskaxdooda siyaabo kala duwan wax u aragto. Marka Islaamku ma
diidano in dadka Islaamku yeeshaan aragtiyo kala duwan. Taas ooy
tahay, xaalka ay Soomaaliya maanta ku jirto oo ah mid dadkii
lagu kala geeyey waxaa muhiim ah in Halgamayaashu ay dadaalkooda
oo dhan isugu geeyaan sidii ummadda Soomaaliyeed loo mideyn
lahaa. Taas macnaheeda ma aha in ay dhammaantood hal fikrad ah
wada qaataan ee waa in la darso koox kasta wixii ay iyaga la
tahay oo la isu keeno dhammaan fikradahaas kala duwan, ka dibna
la raadiyo meel dhexe oo la isugu yimaada. Waa in aynu
garowsannaa in aan dhammaanteen hal fikir wada fahmi Karin mar
qura. Hoggaanku waa in uu waqti iyo juhdi dheer geliyaa sidii uu
u qancin lahaa dadkaas kala aaraa’ada duwan.
Waxaan qormada ku soo koobayaa, hoggaanka halgamayaashoow “Faanoole
fari kama qodna.” Farriinteydu waxay ku qotontaa afar arrimmood: 1. In
aad is maqashaan, isu turtaan, is fahamtaan, isu tanaasushaan, cadowg
xoog iyo xeelba ku saartaan. 2. In aad u naxariisataan umadda
Soomaaliyeed oo talada aad wax ka gelisaan, oo aad Soomaali isu doontaan
oo aadan kala geyn. In aad ka fikirtaan, in malaayiin Soomaali ah ay
dayacan yihiin rajada kali ah ay qabaanna aad idinku tihiin. 3. Waa in
aad ogaataan in aad idinkuba bini-aadam tihiin oo ad gefi kartaan. Sidaa
darteed talada u dad badsada oo ku soo darsada kuwa xataa idinka soo
horjeedo waayo dadka Soomaaliyeed dal, dad, diin iyo duunyo ayaa ka
dhexeyso. 4. La macaamala caalamka kale haba ku jireen kuwa nagu soo
duulaye. Waxaa la soo gaarey waqtigii aynu laan nabadeed u taagi laheyn
caalamka intiisa kale, oo ay ku jiraan kuwa nagu soo duuley. Wixii la
xisaabtan ah ha inoo ahaato mar kale oo aynu dib u hananey Qarankii
Soomaaliyeed ee la qalibey. Mahadsnidiin.
Waxaa Qorey: Wali Farah, Ottawa, Canada.
wfarah@rogers.com