SHARIIFKA OO QAMIIS CAD KALA BAXAY MUQDISHO, SUUD MADOWNA KULA SOO LAABTAY!!!

W/Q:MMGaraad
E-mail:-
garadsom@hotmail.com
Fiicnaan layaydaa in Aadanuhu garanayo ciribta talaabooyinka uu qaadayo.Wuu
yaraa ruux la’isleeyahay wuu ka mudanyahay Shariifka, marka ay timaado
hogaaminta Dalka, wixii ka horeeyey markii sirdoonka Kenya ay ka qabteen Xuduuda
labada Wadan ay wadaagaan, deetana loo sii gudbiyey Safaaradda Amerikanka,
tiiyoo qaybihii kale ee Islaamiyiintana lagu garaacayo B52, Taasina waxa la
rumaysanyahay in ay ahayd ra’yiga inta badan dadku ka qabeen!!
Shariifka Waxaa la xasuusanyahay haybadda iyo karaamada ka muuqatay markii uu ka
baxayey Muqdisho.Wuxu ka baxay isagoo cadawga Illahay uu cadaw u yahay,wuxuu ka
baxay isaga oo Mujaahidiiuntu hareerihiisa taaganyihiin gaashaanna ay u
yihiin,wuxuu ka baxay iyadoo laga hari la’yahay’Mujaahidiintuna
midaysanyiih,isaguna uu leeyahay "idinkama tagin" Wuxuu ka baxay isagoo Qamiis
cad xiran,Shacaa’irta Islaamkuna ay ka muuqato,Wuxu ka baxay isaga oo ereygii uu
yiraahdaba EEBE iyo Mujaahidiinta raaligelinayo. Hamiga iyo rajadii dadku ay ka
dhowrayeen Shariifka waxay kala mid ahaayeen,Cumar Carte oo horaantii 90’skii
Cali Mahdi u Magacaabay Ra’isul wasaare, isaga oo cabiraya sida uu ula
dhacsanyahayna la sheegay inuu ku maansooday sidan.
· Mudanihii la doortow,
· Maata samatabixiyow,
· Mahdigaan sugaynow,
· Mu’miniintu sheegtow,
· Maalmaha dhibaatada
· Magiciisa khyrka leh
· Kii lagu meel marayow
Kan darajada bixiya waa Alle, isag ayaana adoomadiisa kala doorta, waase nasiib
darro in Sharaf iyo cizi Illahay kula dontay aad iska diido, oo aad ka doorato
dhal-dhalaal been ah, darajo Shaydaan iyo balan qaad dadka aadanaha ugu
xun(Gaalo)Kursi jacayl iyo malaha baqdin darteed!Qowlkii wanagsanaa ee uu Umadda
u shegi jiray ayuu shacbiyadaas iyo taageerada baxada leh ku helay,Maantase
Xaajadu waa si kale.

Sawirka maanta ee shariif

Sawir hore ee shariifka
Bilcagsi, sidii hore si ka bedelan:- wuxuu ku soo laabtay isagoo Cadawga
Illahay ay saaxiib u yihiin!!!Haddii akhriste aanad taas igu waafaqsaneen waxaan
ku waydinayaa 2 su’aal oo kaliya. 1.Garoonka Muqdisho maanta ma kadegi kartaa
Cid aan saaxiib la’ahayn Tigreega (kama hadlayo shacabka caadiga ah)
2.Tigreeguse mayahay cadawga Illahay mise ma’ahan?Wuxuu ku soo laabtay iyada oo
Gaalada iyo Gaalo raacyadu ay hareerihiisa taaganyihiin, gabbaadna ay u
yihiin.Wuxuu ku soo laabtay iyada oo la karaahsanayo imaatinkiisa,niyadana laga
leeyhay fino ayaa timid, qaarna ay si cad uguba dhawaaqayaan, Mujahidiintii
shalay midaysnaana ay yihiin 10neeyo firqo.Wuxuu ku soo laabtay isagoo Suud
madow xiran,Garkii iska soo xiiray isbedel badana uu ka muuqdo.Wuxuu ku soo
laabtay isagoo Ereygii uu yiraahdaba uu Gaalada iyo gaala raacyadaba farxad
gelinayo Alle iyo Mujaahidiintana ka caraysiinayo, Wuxuu ku soo laabtay isaga oo
ay iskaga darsantahay tii la jeclaa shaqsiyadiisa iyo ficiladiisii wanagsana!!
· Shariifoow dadkii kaa hayaan waadna hurudaaye,
· Haabhaabad beena iyo ciil ayaad hoorin gacantiiye,
· Heli maysid hiilkii horiyo Hagar baxoodiiye.
Hadii Shalay Shariifku ahaa Amiirka Mujaahidiinta kawaran maanta in ay Soo
dhawaynayaan Gaalo,gaalo raacyo iyo dad heer qoys ah?Nasiib darada ka xun maxay
tahay in laga ilaalinayo dadkii uu Shalay Amiirka u aha,ayna waardiyeynayaan
kuwii uu lahaa halagu jihaado.Waliba hadii garbihihiisa iyo dhabarkiisaba ay
taaganyihiin kuwa ugu sharta badan,xusuuqa ugu xun u gaystay Ummadda,Gaaladana
gaashaanka u ah sida:- Khayr diid,Salaad Jeele,Shaaweeye,dhagaxtur iyo kuwo
kale.Miyaanay taasi ahayn inuu dhinaca kale ka soo saftay?Waa marag ma doonto
inuu mar naftisa la dagaali doono isago leh “Carabkanow maxaa laba codlaynta ku
baray? Wanaagii maxaad xume uga daba marisay?IWM” Murti baa oranaysa:- Dhagar
qabe dhulkaa la wareega.Gaalada kuwa ugu xoogga badan Illaahbaa xog lehe ayaa
wax ka dhigi waayey adeegayaashii hore, garasho xumida ka liidataa maxay tahay
in kuwo kale ay hadda doonayaan inay adeegayaal cusub noqdaan oo ay gaalo wax ka
dhigto?
· Nimaan Mowle magantiis ahayn,
· Amaan Mujaahid ku meersaneen,
· Wallee Madaxtinimo mardaadimaa.
Saansaanta muuqata Hubaal in la arko Waqti dhow Shariifka oo leh “Argagixisadii
intas baa laga dilay,waa la baacsanayaa,waan soo qabqabanaynaa,Dimoqoraadiyada,
horumarka iyo Siyaasad wanaagga ayey ka soo horjeedaan IWM” Siduu Culimadaba ugu
sheegay in Bayaankoodu aanu waafaqsaneen Siyaasad wanaagga.Shaki la’aan in kol
dhow la arko Shariifka oo darajadii Sheekha ay uga dhacday halkii ay uga luntay
kan hadda Barlamaan beenadka Madaxda ka ah (Adan Madobe) oo markii hore la’iigu
sheegay inuu ahaa Macalin tahliisha u tufa tiknikada Jabhaddii (RRAda)
Hadaad sifiican ugu fiirsato Waxaa kuu soo baxaya in kooxda Shariifka iyo kooxda
Imbagati isku wax diidanyihiin isku waxna doonayaan.Waxay doonayaan
Kursi/Jago.Waxay diidanyihiin Xag-jirnimo (Dowlad Islaami ah) waxay doonayaan
Qunyar socod(Cilmaaniyad).Waxay diidanyihiin in Wadanka Muqaawamadu qabsato,
waxay doonayaan in Tigreegu sii joogo.Hadii Qodobkan danbe aad diidantahay ma
dhagaysatay waraysigii BBCda laanteeda Afka Somaligu uu Shariifku ku sheegay in
Hadii Ciidamo bedela kuwa hada jooga la keeni waayo firaaq Amni (security
vacuum) uu dhacayo?Ma is waydiisay waa’ayo Ciidamada la bedelayo ee hada
jooga,intayse la’egtahay saamaynta Gaalada labaxday AMISOM marka loo eego
Tigreega?
Kooxda Shariifka iyo Kooxda Imbagati waa Heshiis mar hadii ay isla fahmeen inay
isku wax uun doonayaan, waxaadna ka dheehankartaa soo dhawaynta diiran ee ay u
sameeyeen Shariifka,iyadoo Mujaahidiintana ay xabad isla horfadhiyaan.Hadaba sow
maangaabnimo ma’ahan hadii aan kala jeclaano ama isku bedelano kooxda Imbagati
iyo Kooxda Sharifka??(Kud ka guur oo Qanjo u guur) Ugu danbayn Shariifku wuxuu
Muqdisho ka tegay baa la leeyahay isaga oo sida Qamiiskiisii uu u cadaa ay sidoo
kale ay u cadayd wixii uu doonayey inuu Dadka ku hoggaamiyo, wuxuuse ku soo
laabtay isaga oo sida Suudkiisu u madow yahay ay u madowdahay meesha uu rabo
inuu Ummadda u hoggaamiyo.
W/Q:MMGaraad E-mail:- garadsom@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan