Warsaxaafadeed: Ka soo baxay xaafiiska warfaafinta ARS ee Asmara.
Waxaa maanta (Dec 11, 2008) Ka Soo baxay warsaxaafadeed ku aadan Imaansha Shiiq
Shariif ee Muqdisho kaas oo bilow u ah la shaqaynta cadowga wadanka haysta.
Mahad oo dhan waxaa leh Allaah (SW), nabadgeliyo iyo naxariisina ha ahaato
Rasuulka (SCW)
Ugu horayn waxaan ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyaynaynaa dhibaatooyinka isugu
jira dilka, barakaca iyo xasuuqa joogtada ah ee ay ku hayaan cadowga ku soo
duulay Dalka, Dadka iyo Diinta iyo kuwa daba dhilifka u ah.
Marka xiga, waxaan u cadaynaynaa ummadda Soomaaliyeed in aan si aad ah uga
xunahay in maanta gumaysiga shalay wadanka ku soo duulay oo wali meeshiisii
jooga uu maanta shiiq shariif iyo kuwa la socda ay yimaadaan magaalada muqdisho
anagu horey ayaan u ogayn oo wax badan ayaan sheegnay balse waxaa muhiim ah in
ummada soomaaliyeed ay nala arkaan maanta ayagoo lagu qaadayo ama lagu
ilaalinayo Beebeegii ugaandhayska oo lagu xasuuqayay shacabkeena laguna qabsaday
dalkeena.
Marka waxaan ummadda Soomaaliyeed iyo dhamaan mujaahadiinta soomaaliyeed uga
digaynaa shirqoolka ay doonayaan kaas oo ah inay rabaan inay iska horkeenaan
amaba isku jabiyaan oo kala qaybiyaan mujaahadiinta Soomaaliyeed.
Waxaan u cadaynaynaa dhamaan umada Soomaaliyeed meel walba ay joogaan inay
doqonimo iyo damiirxumo u tahay nimankaa cadowgii oo wali wadanka jooga ay u
tagaan kay shalay dadka u sheegayeen in lala dagaalo iyagoona diyaar u ah inay
wax la qaybsadaan iskana hor keenaan mujaahadiinta marka waxaan cadaynaynaa
haday cadaystaan inay la midoobaan cadowga inay mudan yihiin inaan ula dagaalano
saan kuwii hore ula dagaalamaynay.
Waxaa nasiib daro ah in gumaysatahii oo wali wadankii jooga, sidiina u wada
dilkii, dhacii, kufsigii, iyo barro kicinta shacabka qaaliga ah ee Soomaaliyeed
dad diin, waddaniyad iyo dadnimo sheeganaya wax la qaybsadaan kooxdii waddanka
soo gelisay gumaystaha. Haddaan nahay Isbahaysiga Dibuxoraynta Soomaaliyeed qof
kasta oo magac, kursi iyo maal ku raadsada dhiigga iyo dhibta ummadda
Soomaaliyeed waa isugu kaayo mid.
Isbahaysiga Dibuxoraynta Soomaaliyeed wuxuu u dhashay in uu badbaadiyo dadka
dalka iyo diinta Soomaaliyeed. Wuxuu u dhashay qodabadan 1- in uu waddanka
qaaliga ah ka xoreeyo caddowga. 2-Wuxuu u dhashay in uu ummadda Soomaaliyeed
gaarsiiyo xorriyad, horumar iyo caddaalad.3- Isbahaysigu wuxuu aaminsanyahay in
riwaayad ay tahay waxa lagu jilayay hoteelada Jabuuti Hadana lala soo aaday
Muqdisho ujeeddada ka danbaysa tahay in dalka iyo dadka loo gacan geliyo caddow.
Ummaadda Soomaaliyeed ee qaaliga ahina marna ma aqbali doonaan hoosaasinta
shisheeyaha.
Kuxigeenka Xoghayaha Warfaafinta Asmara
Maxamed Xaashi Abdi
11/12/2008