Imaanshaha Sh.Shariif Guul mise Geeri
Guul ama Geeri, Guul ama Geeri, Guul ama Geeri
Erayadaan kor ku xusan waxay ahayeen kuwo halhays u ahaa kacaankii
Islaamiyiinta ee uu Madaxa u ahaa Sh, Shariif, xiligii ay xukamayeen Magaalda
Muqdisho, waxaa ay aheyen eryo lagu guubabin jiray Dhalin yarada iyo
Dadwayanihii taageerada u hayey Maxkamadaha, oo runtii aad ugu xamaasadysanaa
guushaas lagu yaboohay ama geerida janda lagu helayo ee danbiyada oodhan lagu
dhaafayo, waxaa lagu oran jiray dadka, Dadyahow waxad ogaataa in dagaalka dani
noogu jirto ogaada ,,,,,,,,Dagaalkaa Dani noogu jirtaa,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,.
Dhabtii in badan oo kumanyaalkas ka mid ah ma aysan dareensanayn wax loola jeedo
eraydaas mana aysan doonayan in ay fahmaan, kaliya wax maankooda iyo maskaxdooda
ka buuxay oo ay jeclaayee in ay mar un arkaan Dowada islaami ah oo ka dhalata
dadlka Somaliya, hayeeshee waxad moodaa in maanta ay fahmeen macanaha ay
xinbaarsan tahay eraydaan kadib markii uu si lama filaan ah uu ku yimid maanta
oo taariikhdu ku beeganayd 10-12-008 magaalada muqdisho Sheekh Shariif Sh Axmed,
diyaarad siday wafadi uu horkacayo Sh,shariif ayaa abaarihii 3galabnimo soo caga
dhigatay garoonka Muqdisho iyagoo kasoo kacday Magalada Jabuuti ee xarunta dalka
Jabuuti halkaas oo uu ku sugnaa mudooyinkii ugu danbeeyey Shaiifku.
Xaqiiqii waxay ahayd dhacdo layaab iyo fajiciso ku noqatay dad badan oo la
socoda xaalka somalida iyo siyaada lamoodka ka jira dalka gudihiisa, waxay
ahayad booqasho aan horay loo sii shaacin ee aad moodo in ay ogaayeen dad yar,
marka laga reebo ciidamada africanka ah ee ku sugana magaalda Muqdisho, oo ay
ayagu waajib tahay in ay ogaadaan si ay uga qayb qaataan ilaalada iyo sugida
amaanka wadaadka,sidoo kale soo dhawayanta ma aysan ujoogin Madaxda Dowlada ugu
saraysa, waxaa joogay qaar kamid ah golaha barlamaanka taliyaasha ciidamada iyo
maamulka cusub ee magaalda muqdisho, Gan.Qayb-diid oo u ahaa cadow ama ugu
yaraan gaala raac labo sano ha hor ama xiligii maxkmadihii islaamiga, ayaa kamid
ahaa Madaxda amaanka sheekha sugaysay soo dhawanaytiisana ka qayab qaadanaysay.
Booqashadan ayaa timid 2sano kadib mudadii laga saaray maxkamdaha magaalda
Muqadisho wadadka iyo ragiisa, sidoo kale waxay ku soo beegmaysaa 10 bisha 12 oo
ah maalinta aduunku xuso xuquuqada aadamiga, waxaan kasoo wareegatay 60 sano
xiligii lagu dhawaaqay ilaalinta xaquuqada aadanaha, marka la eego sida ay u
astaameyeen reer Galbeedka,waxaan wali guda dalka guud ahaan gaar ahaan
magaalada Muqdisho kusugan ciidadmadii soo duulay, ciidamadaas ayaa lagu
eedeeyey in ay gabood falo ka dhan ah xuquqda ka gaysteen Somaliya, dad lagu
qiyasay 16kun oo qof ayaa ku dhintay dagaaladas wali sacda, 2milyan kuwo lagu
qiyaasaya waa la barkiciye, dhamaan dhibaatadaas waxaa dusha loo saaray ciidamad
soo duulay iyo kuwa Dowlada,imaanshaha iyo sow dhawayanta ciidanka ay soo
dhaweeyeen ma waxa ay ka dhigan tahay in aysan jirin wax gabood fala ah oo ay
gaysateen ciidamada africanka ah ee ku sugana Magaalda Muqdisho ha ahaadeen
Ethopiyaan ama kuwa kale, ma dhamaatay meeshase ma kabaxaday cadaawadii ay
qabeen tageerayaasha shariifka, ama argtidii ahayd in dalka lagu soo duulay oo
lahaysto, ayasan suuragal ahayan in lala hadlo cadowgas iyo in lala fariisto dad
yowga cadowga soo garabsaday ee gaalada dalka soo galiyey dalka.
Waxaa mudan in la iswaydiiyo ama wadaadka lawariyo xaquuqada ay helayaan
dadowygii dadkooda lagu dilay dagaalkaas, ama xaqoodu xagee ayay udoonana, mar
hadii laga soo qaday mid aan wax badan la iska wayadiin, mise malahayga waxaa
meesha ka saaray heshiiskii D.jabuti oo waxa laqoray in aanay Shariifka iyo
Janaqow ay san qofna waydiin wiilashii reerahood kaga dhintay dagaaladii taas
dhigeedan ay helaan jagooyin sarsare dunida inta ay joogaan ama ay nool yihiin
hadii ay dhintaan ayaga iyo allahood.
Dhanka kale imaansha Shariifka ayaa ku soo beegmaya ayadoo dhawaan qaar badan oo
kamid ha Cumlida Somalida ay soo saareen bayaan ay ku sheegayaan in la sii wado
dagaalka ama wax ay ugu yeereen Jihaadka qodbkaas ayaa ah mid ka ugu horeeyey
bayaan ay wad jir u soo sareen culimo miisaan culus ku dhexleh bulshada
Somalida, gaar ahaan kuwa Salafiyiinta ah ama Wahaabiyada. oo ayagu wali ku
dhagan fikaridii ahayd in dalka uu ku jiro ixtilaal ama gacan gumayste oo aad
moodo in rag badan oo uu Shariifku ku jiro ay ka gudbeen hadal hayanyeeda.
La yaab kuma noqan imaanshaha wadaadka Magaalada Muqdisho xiligaan dadka aad ula
socda arimha Shariifka iyo guud ahaan xaaldiisa heerarkii ay soo martay laga soo
bilaabo dhamadkii 2006 oo hayad markii Wadaadka iyo ragiisii laga saaray
Muqdisho, waxaan wad xasuusanaa in uu noqday Shariifku qofka kaliya ee uu
Marykanku raadiyo waxaan baadi goobkiisa ka qayan qaatay ciidamda sirdoonka
Kenya iyo kuwa Marykanka si loo soo helo wadaadka qiiima wayan ugu fadhiye
Maraykanaka, waxaan baadi goob baryo qaatay ka gadaal lagu guulaysatay in la soo
helo wadaadka oo nool, arintaas guusheeda waxaa iska lahaa Wasaarada arimaha
dibada gaar ahaan Safarada Maraykanku kuleeyahay Nairobi.
Dad badan kama warhayan imaanshaha wadaadka Magaalda Nairobi, marka laga reerbo
kuwas ku hawalanaa badbadintiisa si ay san u dilin diyaaradaha saaxiibka ama
xabada cadowga, shaqo badan oo ay qabteen kuwii ay wax isku ogayeen shariifka ka
gadaal waxa u si nabad ah uu ku yimdi wadaadkii meeshii lagu balamay asgoon
argagax qabin cabsin ka nabad galay, waxaa hooy looga dhigay Hotel ma mid ah
kuwa ugu qaalisan Magaalad Nairobi, nasiino maalmo qaadatay iswaraysi iyo
Xogwaran asbuuc in ku siman socday ka gadaal waxaa uu shariifku u safaray ama
loo safriyey dalka Yaman.
Run ahaantii ma rabo inaan Taariiq badan xuso hayeeshee waxaa lama huraan ah,
inaan is xasuusino imaanshaha maanta Muqdisho inuusan ahayan mid iska yimId ee
ay tahay mid wada dheer loo soo qaaday qataro badan loo soo maray ,ugu
danabayntiina ku yimdi Guul kadib markii ay Geeridu diiday, hada ma fahan tahay
hal hayskii ahaa .................Guul ama
Geeri,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,.
Mudo yar ka diboo uu howlo u joogay ama uu garan la,aa meel uu ka bilaabo ahayd,
waxaa suuragashay in Wadadka iyo intii Kawaadirta ahayad ama Madaxyantii
Maxaakimta ay ka cid galeen Magaalad Asmar ee Caasimada u ah Ertaria.
Maalamo kadib waxaa halkaas lagu aasaasay jabaha mucaarada ah oo loogu wanqalay
Jabahada Isbahaysiga dib uxorayanata Somaliya, nasiib wanaag waxaa markale
madaxloogu doortay Sh,Shariif Sh. Axmed, waxaa xusid mudan in dadka isugu tagay
Asmara ay hayeen Sadex Qaybood oo kala u jeeda ah ama ujeedo badan, qayab walaba
oo kamid ah qaybahaas waxa aya usuu qaybsamasay labo qaybood ugu yaraan hadii
aysanba kabadanayanba.
Qaybi waa islaamiyiin kala Caqiid ah kala Mad,hab ah, kala aragti ah,waa
Salafiyo iyo Ashacriyo, Shaficiyo iyo Xanbaliyo, Qunyar socod iyo Xag jir.
Qaybata kale waa qolada la baxaday baarlamanaka qorta ah, waa kala aragti waxaan
mideeye cuqada iyo colaad maslaxd shaqsi ah ku salaysan, waa dagaal oogayaal iyo
hogaamiye kooxeedyo hore,iyo sidoo kale dad ay dano shaqsi ah darteed isku
jiireen qoladii ay ka tirsanaayeen ee ay Baydhabo wada joogeen.
Qayabta sedexaad waa qolyo labaxay qurba jooga ama dadka qurbaha ka yimid isku
argti ma ahan waa dad meele kala duwan uga soo safaray sidi ay u heli lahaayeen
jago, waxaa ay badankoodu ku caan ahaayeen fadhi ku dirirada, wax kaliya ee ay
la yimaadeen ee lagu doortay waxa ay ahayd in ay neceb yihiin Ethiopa iyo sidoo
kale Madaxwayane C/laahi Yusuf.
Waxaa mudo yar ka dib soo ifbaxay khilaaf wayn oo soo kala dhex galay qolyahaas
ay midaysay nacayabka Dowada kumeel gaarka ah,waxaan isla jaan qaaday intii
isfahmi kartay, walow aan filayaney in ay sadex meelood u qaybsamaan hayeeshee
waxa ay noqdeen oo kaliya 2iyo bar taas waxan ula jeedaa garabka Jabuti ee uu
lasoo qaxay sheikh shariif iyo kuwo ku haray Asmar ee uu horjoogaha u yahay
Sh.Xasan Dahir haba lagu sheego maxad qaybtaas Sh, Cumar Iimaan, barku waxan ku
sheegi karnaa qolada ka soo jeeday Reer Puntland oo aygu yiri labadba kuma jirno
walaw markii hore ay meesha utageen colaad ay uqabaan Madaxdooda.
Jabuti waxaa ka bilowaday shirkii loogu magacdaray shirka din u heshiisiinta
mudo sanad ah ka gadaalana waxa kasoo baxay heshiikii caanaka ahaa ee la
magacbaxay Baarlamanaka hala balaariyo,waxaan uu dhaliyey khilaf iyo aragtiyo
aad u kala fog oo ay kala qaateen qoladii lasheegay in ay la heshiiyeen
mucaaradaka waxaan si toos ah gashaanka ugu dhuftay oo waxba kama jiraan ka soo
qaaday Madaxwayne Yusuf iyo qaar kale oo ka mid ah xildhibaanada
Barlamanka,sidoo kale waxa qaadacay Maamul Gobaleedka Puntland oo ku sheegay mid
ay wad gaareen hal garab, ama hal reer ah.
Heshiiskaas muranka badan dhaliyey ka gadaal waxaa safaro ku yimdi dalka qaar
kamid ah madaxdii Maxkamadaha gaar ahaan garabka Jabuti, ma ahan wax ay dadku la
yaaban yihiin imaatinka ee waxaa ay aad ula fajeceen isbadalka ka yimid dhanka
dowalad Ethiopia, oo sid heshiiska ku qoran ay ahayed in ay dalka ka baxaan
dabayaaqada bishaan, hayeeshee sheegtay in ay sii joogi doonaan ilaa mudo aan la
cayimin ee kaliya lagu sheegay maalmo, malha wax ay u muuqataa MAANTA MAYA BARI
HAA oo macnaheedu yahay in maalin walba layiraah bari.
Waxaan guud ahaan galanay marxalad hor leh oo adag taas oo aad moodo in ay tahay
guul usoo hoyatay Dowalda Ethiopia, oo ku guulaysatay in ay isku dirto madaxda
dowalad dabdeedan kala qaybiso, awoodna u yeelatay in ay rag ku dhex yeelato
golah Wasiirada, anagoo ogayan in awalaba ay gacan wayan ku lahayd dhismihii
golaha Barlamanka, sidoo kale waxaa ay heshay guul ah in ay iska horkeento cadow
geedii soo jireenka ahaa waa islaamiyiintee, durbadiiba waxaa biwaday in ay
qolada Asmar ku dhawaaqaan dagaal ka dhan ah qolada Jabuti, waxaa la bilaabay in
wiilasha qoryahay wataa la kala kaxaysto oo la yiraah kuwaas waa gaala raac
jihadana marbaan ee anaga ayaa muslim fiican ah ee noosoo gala.
Waxaa sidoo kale muuqata dowaldaha aan dariska nahaya qaarkood in ay lug wayan
ku leeyihii shirqoolada iyo dabinka loo maleegay oo ay ku dhaceen qaarka mid ah
kuwa sheegata madaxa dadka noocay rabaan ha ahadeene, sharkay rabaana ha
sitaane.
In badan oo kamid ah dadka wax ka qora arimaha Somalida waxaa ay kuwareersan
yihiin xaalada sii daba dheeraanasya ee aan dhamaadka lahayan, ee maalin walaba
yeelanaysa wajiga cusub,waxaa la iswaydiin karaa dagaalku wax uu ku salaysan
yahay, ma mid Qabiil baa mise waa mid Diimeed ma mid xoolo doon baa mise waa mid
jaga doon,ma dan shaqsi baa mise waa mid dad badan ay ku radinyaan xaqooda,ma
gumaysi la dirirbaa mise waa dana kale.
Dhabtii way adag tahay im mid qura lagu sheego ee waxa ay ila tahay intaba ma
ahan ee waa wax kale oo aan wali magac loo helin, la dhihi karo waa dagaal aan u
jeedo lahayan, waa dagaal bilowaday oo aan dhamaad lahayan, waa dagaal aan
lahayan daba laqabtaa, waa masiibo aan magac lahayan, waa mushkilada aan sababa
lahayan, waa cudur daawadiisii aysan dawayan karin, waa wax aan galab sanahay ee
goormuu dhamaan, malahayga markaan dhamaano ayuu dhamaan.
Sh.Max,med Xasan Yusuf
shariifka99@hotmail.com
Vaasa, Finland.
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh oo uu gaar u yahay qoraaga ku saxiixan