SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Howlgal mudo 16 cisho ah ee lagu ciribtiro gancan-ka –hadal lagula kaco Haweenka Soomaaliyeed

Sawirada Halkan ka daawo.....


Q/M oo ku baaqaysa dadaal lixaad leh oo lagu ciribtiro gancan-ka hadal lagula kaco Haweenka Soomaaliyeed

Nairobi, 25 november 2008: bishii oktoober ee 2008, waxaa Magaalada Kismaayu dhagax nafta looga gooyey gabar 13-jir ahayd oo la oran jiray aisha dhuhulow, kadib markii lagu eedeeyaye inay sinaysatay,
Balse weerar ay ku qaadeen dabadeena ay kusadeen sedex nin. Dhacdadan murugda lahayd, waxay kulmisay xad-gudubyo fara badan oo ka dhan ah xaquuqda gabdhaha, Haweenka iyo caruurta Soomaalida, kuwaas oo aan ilaa iminka la dabagelin.


Maalintan caalamiga ah ee lagu ciribtirayo xad-gudubyada ka dhanka ah Haweenka, waxay Q/M si adag ugu boorinaysaa dhamaan dadweynaha Soomaaliyeed, Maamulada iyo bulshada rayidka ahba inay talaabo wax-ku-ool ah ka qaadaan dadaalka lagaga badbaadinayo xuquuqda gabdhaha Soomaalida iyo Haweenka dhamaan gefefka la xrira galmada iyo xad-gudubyada dhinaca dhedig-laboodka la xiriira.

Xad-gudubyada ka dhanka Haweenka, ayaa waxay yihiin kuwa ugu qaloocan haseyeeshee aan ilaa iminka si hufan loogu aqoonsanin heerka ay kaga jiraan xad-gudubyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka ee dunida guudkeeda.marka la eego xad-gudubyada dhedig-laboodku, waxay dhiirigelin iyo saamaynba ku leeyihiin farqiga cadalad darida ah ee u dhexeeya raga iyo Haweenka, labadaraadle, sidii xal loogu heli lahaa dhinacyada caafimaadka, sharafta qofka iyo badbaadinta dhibanyaasha ah. Xad-gudubyada isku-galmoodka caruurta, kufsiga, dhibaatooyinka qoyska dhexdiisa, dhaawacyada isku-galmoodka ka dhashay iyo fara-xumaynta kale ee ay mid yihiin dhawr ka mid ah falalka dhinaca dhaqanka ah, kuwaas oo sii kordhiya halista cudurka HIV oo keeni kara dhaawacyo qoto-dheer oo dhinaca nafsiga ah islamarkaana dhaawaci kara caafimaadka Haweenka iyo gabdhahaba, iyagoo xitaa dhimasho sababi kara.


Waxay kaloo xad-gudubyada dhedig-laboodkuu ku imaan karaan mid ahaan-ku talgal ama saamayn-ka taasoo uu ka Mas’uul yahay jinsiga labka ah uuna isagu maamulo. Waxana taabaggeliya aamusnaanta dhaqanka iyo diidmada ka dhalan karta saamayn halista ee xad-gudubkaas ka dhalan karta. Dalka Soomaaliyeed, waxaa weli sii socota aamusnaanta aan laga dhawaajinkarin dambiyo fara badan iyo xad gudubyo ka dhan ah Haweenka iyo caruurta ee u sahlaysa inay dambiilayaashu ku sii dhiiradaan falalkaas iyaga ah, kuwaa soo sii kordhinaya dhacadooyinka sharci-darida iyo nabadgaliyo la’aanta ah ee jira.


Weli dalka Soomaaliya waxay Haweenka iyo caruutuba u sii dulqaadnayaa dhibaatooyinka dagaalada ka dhashay. Haweenka iyo gabdhahaba
Waxa farx xumaynta lagu bilaabaa xitaa 2 jirkooda, balse ma jiraan wax ciqaab ah oo lagu qaado dambiilayaasha. Dalka oo dhan, waxaa ka jirta sharci-daro iyo xaalado amaan la’aaneed, kuwaas oo ayaana caqabad ku noqdy in la dhiso nidaam garsoor adag iyo hanaanka caafimaadka, kuwaas oo waxyeelo weyn u gaystay Haweenka, dadweynaha kale ee tabaalaysan iyo guud ahaanba bulshada.


Q/M uma dulqaadan karto dhamaan noocyada kala duwan ee xad-gudubyada ka dhanka ah haeweebka. Sidaas awgeedhna waxay Q/M Soomaaliya iminka ka wadaa sidii loo ciribtiri lahaa xad-gudubyadadaas, iyadoo aqoonsanaysa baahida gurmadka dhibanyaasha ee ka dhanka ah Haweenka, islamarkaana xoojinaysa abaabulka bulshada iyo xoojinta sharciga iyo siyaasadaha waafaqsan heshiisyada caalamiga.
Waxayana Q/M dadaalkasta ku salayn doontaa sidii aamusnaanta looga bixi lahaa, iyadoo xaqiijin doonta in codadka Haweenka la maqlo.


Waxaana lagama maarmaan ah in Q/M ay aqoonsantahay doorka xasaasiga ah ee bulshada Soomaalidu ay si gaar uga qaadan karto sidii loo ciribtiri lahaa xad-gudubyadaas iyaga ah. Waana in rag badan iyo wiilasha dhalinyarada ahba ay si bareer leh uga hdlaan xad-gudubyada ka dhanka ah dhedig-laboodka. Caruurta yar yar, labaadaraadle wiilasha, waa in la baraa inay khalad yihiin xad-gudubyada ka dhanka ah Haweenka iyo gabdhaha. Waxaana in dhamaan guryaha, dugsiyada iyo goobaha cibaadadaba laga bilaabaa dod wax-ku-ool ah oo arintaas waafaqsan.

Waxaa maanta bilaabayaa hawlgalka mu’do 16 cisho ah oo lagu ciribtirayo xad-gudubka ka dhanka ah Haweenka, iyadoo sare loo qaadayo sinaaanta xuquuqul insaanka loo dhan yahay. Waxayna Q/M ku boorinaysaa Maamulada iyo Hay’adaha bulshada rayidka ah ka badbaadinta xuquuqda Haweenka iyo caruurta Soomaalida dhamaan noocyada kala duwan ee isu-galmoodka iyo xad-gudubka dhedig-laboodka. Mana jiri karta xaalad kasta oo u oglaan karta in Dowlad ama Maamul uu u cuskan karo caado, diin ama dhaqan uu ku banaysanayo xad-gudubyada ka dhanka ah dadka rayidka ah, labadaraadle xad-gudubyada ka dhanka ah Haweenka iyo gabdhaha.


Taasi waxay aheyd warbixin ay soo saaratay hayadda xaquuqda aadanaha ee QM

Munaasibad lagu xusayey Sanadguurarada Maalinka Baaqa caalimga ah ee Xaquuqul aadanaha oo loo caleemadeeyey Oo Ku Beegneeyd Maanta oo ah 10 desembar 2008 waqti hada laga joogo 60 Sano ah lagana Xusayay Guud ahaan caalamaka ayaa Meelaha Laga Xusay Waxaa Kamid ah Magaaladani Muqdisho Oo ka mid ah Meelaha Sida aadka U daran oo ay Ka Dhaceen Tacadiyada Ka Dhanka aha Xaquuqul Insaanka.


Ururo Haween cogwo oo ka kooban 30 urur Oo Isku tagay ayaa saakay Sameeyay Munaasabadaan ay Ku Muujinayeen Kuna Xusayeen Munaasabada Maalinkan Oo ah Maalin aad Muhiim u ah iyadoona Dadka Munaasabadaan Ka Soo qeyb galay ay U Badnaayeen Haween Iyagu Xiran Dhar ay Ku asteeysan Tahay Caalamada Muujineeysa baaqa caalamiga ah Ee Xaquul Insaanka .


Munaasibadaan ayaa lagu falanqeynayey heer ka ay gabdhuhu ka soo maraan noloshooda waxayna hayadda cogwo balanqaadeen waxbarashada 10 gabdhoo in ay bixiyaan gabdhaha ka dhashay qeysaska sabolka ah ee aan jaamacada iska bixin Karin balse jacel in ay wax baraan hadaba hayada ayaa yoolkeedu yahay in ay haweenka ka kaabaan dhinacyada nolosha sida dhaqaalaha waxbarashada caafiaadka iyo nabada waxayna ku iman kartaa marka haweenku isku aragti ka noqdaan arimaha dalka ka dhacayo


xuska maalintaa ayaa waxaa ka mid ahaa dadkii ka so qeyb galay Fanaaniin iyo abwaabniin aad u qiimeeynayey xuska Munaasanbadaan waxaana gabi ahaanba Ku fikirkooda ay ku cabirayeen Muhuiimada ay Leedahay illlinta Iyo Dhowritaanka Xaquuqul Insaanka Iyagoona Dhamaan dadkii Xafaladani Kahadalay Baaq Caalmi ah U Diray Guud ahaan Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka Shaqeeynaya In ay Sii Socdaan Tacadiyada ka Dhanaka ah Xaquul Aadanaha.


Waxa ay GoobtaasFanaanintu i Ku Soo Bandhigeen Ruwaayad Ka turjumeeysa Tacadiyada loo geeysto insaanka Gaar ahaan tacadiyada ay Haweenka soomaaliyeed Kala Kulmaan ragooda.

Munaasabadaan Oo ay aad ugu Dheeraadeen ka Hadalkeeda abwaaniintii ka soo qeybgalay ayaa Dhamaan abwaanadii ka soo qeyb galay wax ay ku muujiyeen Gabayo Iyo Baraan buroWaa Kan abawaan Maki Xaaji Banaadir oo Ugu Horeeyn Gabay Ku Tilmaamaya Dhibaatada Ka Jirta Geeska afrika Gaar ahaan Soomaaliya Iyo Go aanka uu Isagu Ka qaatay.


Sidoo kale Mid kamid ah Haweenka Ka qeyb Galayay Munaasabadaa ayaa iyana Buraanb Bur Ku Muujineeysa Xuska Maanata ay U Taagamnyihiin.


gaba Gabadii Xafalladaa Lagu Xusayay 10 Decmber ayaa waxaa Ka Hadalaysa Marwo ruqiyo cabdule Oo Soo Qaadaneeysa Mid kamid ah Tacdiyadii Ugu Danbeeyay ee Lagula Kacay Gabar Soomaaliyeed oo Ku Sugneeyd Magaalada Kisamaanyo Ee Koofurta Soomaaliya


xadgudubyo baahsan dhimashao badan dhaawan aan la soo koobi Karin burbur hantiyadeed jirdil iyo dhawacyo kala duwan afduub kufsi dilala qorsheysan handadaado qax iyo barakac halmiyan oo guryahoodii ay faaruq yihiin
1164 jirdil loo geystay sanadkaan 106 haween la kufsaday sanadkaan oo kaliye 1213 xarig aan kala sooc laheyn loo geystay qof snaadkaan


Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: Somalitalk.com | Dec 11, 2008

BayaanWarsaxaafadeed ka soo baxay Xarunta Abuubakar As-Saddiiq ee Minneapolis
:::Xarunta Abubakar oo ka jawaabtey dhallinyarada maqan
:::Waalidiinta oo soo Dhoweeyey Baaqa Xarunta Abuubakar
:::Khudbaddii Carafa -Xajka oo Soomaaliya lagu soo qaatay
:::Sidii looga ciidey Minneapolis, K/Afrika, Toronto & India
:::Sidii looga ciidey Garbahaareey,Dooloow, B/Xaawo, Luuq
Wararka oo dhan ka akhri halkan...... Dec 9

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS