SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Musharax Siciid Maxamed Raage oo Kulan wada Tashi ah la Qaatay Siyaasiyiinta Gobolka Bari.

Sawirada Qado sharafta Halkan ka daawo....

Dec,10,2008- Musharax Siciid Maxamed Raage ayaa Maanta Qado Sharaf Hotel Pana Roma ugu sameeyay Aqoonyahano iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda G/ Bari, Musharax ayaa ugu Horayn Kulankaasi ka hadlay waxana uu sheegay inuu isagu Go Goshaasi Fidiyay ugana dan lahaa sidii Dalka u Heli laha Is bedel Siyaasadeed oo Bedela kan Haatan wakhtigiisii sii dhamaanayo,

Eng, Siciid Maxamed Raage waxa uu dhanka kale sheegay inay lagama Maar maantahay in Baarlamaanka Dawlada cusub ee 2009- ay Noqodaan kuwa ay ku Kalsoonyihiin shacabka Pl, isla markaana ka qayb qaata Is Bedelka la doonayo in laga dhaliyo Guud ahaan Puntland, waxa uu aad uga hadlay dhibaatooyinka soo Food saaray Pl, isaga oo xusay inay Taasi Suuli lahayd hadii la helo Hogaan Fiican oo Meesha ka saaray kan Haatan Lumiyay Siyaasadee PL.
Musharax Siciid Maxamed Raage waxa uu ka dhawaajiyay Beelaha Gobolka Bari looga Fadhiyo inay Tashadaan isla markaana ay Doortaan Hogaan Fiican oo Metel , Musharaxa ayaa dhanka kale sheegay in hadii laysku Raaco Hogaan Fiican in la doorto la Gaadhayo, Hormar iyo Barwaaqo.

Musharax Siciid Maxamed Raage waxa uu Farta ku Fiiqay in Gobolka Bari uu yahay Gobolka ugu balaadhan Somaliya, isla markaana Miisan wayn ku leh Maamulka Puntland, waxa uu ku Cel Celiyay inay Taasi Tusaale ugu Filantahay Shacabka iyo aqoonyahan G/Bari inay ka Tashadaan sidii Meesha looga saari lahaa, kuwa Marin Habaabiyay Siyaasada Puntland isla markaana meesha loo Keeni lahaa Rag aqoon u leh hagida Siyaasada Puntland.

Ugu danbayntii waxa uu Xusay Masuulkaasi in hadii la doorto uu ugu Horayn xooga saaridoona sidii Amaanka Gobolka loo xoojin lahaa isla markaana looga Hortagi lahaa Budhcad Badeeda Curyaamisay Puntland, waxa uu farta ku Guday inay jiraan dad doonaya in Puntland Qalalaase ka dhaco, balse waxa uu sheegay inay kuwaasi ugu baaqayaan inay ka waantoobaan.

Siciid Maxamed Raage oo in badan lugta kula soo Jiray Qul Qulka Siyaasadeed ee Pl ayaa hadan ka mid ah raga ugu cad cad doorashada Puntland waxana uu Mar Noqday Wasiirka Dekedaha iyo Kalluumaysiga Puntland, walaw uu Markii danbe iska Casilay markii ay Is Qabteen Hogaanka sare uuna door biday inuu Masuuliyada Wareejiyo.

Sidoo kale waxa Kulankaasi lagu Casumay Musharax Muxiyadiin Cali Yuusf oo ah isna ka mid ah Musharaxiinta u taagaan Hogaanka Pl, Muxiyadiin oo Mikirifoonka lagu soo dhaweeyay ayaa sheegay inuu Mahad Balaadhan u Jeediyo Musharaxiisa kale ee Siciid Maxamed Raage oo Maanta Boqolaalkan Ruux Casumay, Muxiyadiin ayaa xusay inay doonayaan ka Musharaxiin ahaan in l helo Hogaan Fiican.

Dhamaan dadkii Halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay Taageersanyihiin SHirkan uu qabtay Musharax Siciid Maxamed Raage isla markaan qaarkood waxayba Meesha ka sheegeen inay la shaqaynayaan isla markaana ay doonayaan Hogaan Fiican.


Jaamac Feyte

Faafin: Somalitalk.com | Dec 11, 2008

BayaanWarsaxaafadeed ka soo baxay Xarunta Abuubakar As-Saddiiq ee Minneapolis
:::Xarunta Abubakar oo ka jawaabtey dhallinyarada maqan
:::Waalidiinta oo soo Dhoweeyey Baaqa Xarunta Abuubakar
:::Khudbaddii Carafa -Xajka oo Soomaaliya lagu soo qaatay
:::Sidii looga ciidey Minneapolis, K/Afrika, Toronto & India
:::Sidii looga ciidey Garbahaareey,Dooloow, B/Xaawo, Luuq
Wararka oo dhan ka akhri halkan...... Dec 9

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS