SIDEE BAAN U ARAGANAY LOOLANKA DOORASHADA MARAKAYNKA:
RIYADAYADII WAA RUMOOWDAY
Waxay ahayd markii aan cagadhiganay Washington 10/08/2008 waxana
joognay dalka Marykanka ilaa 5/9/2008 anagoo ah 17dumar ah kana kala
yimi 15 dal oo African ah oo kala ah Chad, Cote D’Ivoire, Cape Verde,
Somalia, Ethiopia, Djibouti, Guinea, Madagascar, Mali, Mauritania,
Namibia, Niger, Nigeria, Rwanda,Togo iyo Sierra Leone. Ujeedada
safarkayagu waxay ahayd casumaad aan ka helnay USA State department
qaybta aqoonta iyo dhaqamada oo loo nisbeyey dumarka iyo ka
qaybqaadasha horumarka iyo siyaasada dalalkooda.
Sidaa aad ka garan karto dalka aan ka kala nimi waxaad dareemaysaa
kala duwanaanshada xagga Luqadaha, dhaqanka iyo diimaha intaba sidaad oo
ay ahay xiliga safarkayagu wuxuu ku beegmay xiligii loolanka doorashada
dalka maraykanku maraayey heer aad u adag ayna u muuqatay in ay tahay is
reebreebka.
meelihii aan booqanay intii aan joognay dalka maraykanaka waxaa ka
mid ahaa Washington, DC oo ahayd meeshii safarkayagu ka biloowday,
Columbia,South Carolina- Little Rock, Arkansas- san Francisco,
California –Minneapolis, Minnesota intii aan ku jirnay safarkaas waxaan
booqanaynay meelo kala duduwan oo laga maamulo dalka markanka goob walba
oo aan tagnana waxaan kula kulmaynay masuuliyiin kala duduwan waxayna
noo sharaxayeen sida ay u gutaan waajibaadkooda shaqo iyo waxayaabaha ay
muhimada siyaan xiliga shaqada.
Hadaba waxaa ka mid ahaa meelihii aan booqanay ee ARKANSAS halkii
lagu diyaarinaya doorasha magaaladaas oo ay ka muuqatay diyaar garow aad
u wayani hadaba markii aan dhamaysanay shaqo maalmeedkii aan goobtaas u
nimi ayay Anne waxay na waydiisay yaa filaysaan in uu ku guulaysto
doorashada Maraykanka sanadkan mar qura ayaa anagoo aan is ogay waxaanu
cod sarre ku wada niri BARAK OBAMA. Hadaba arintan oo aniga qalbiga iga
jirtay ayaan waxaan ogaaday in aan dhamaantaya ka midasanay taageerada
wiilka da’ada yare e asalkiisu ka soo jeedo geeska Afrikada bari oo aan
u arkayey halyaya wax ka badeli doona dalka maraykanka gaar ahaan guud
ahaana caalamka markii aan qiimeyey cabasho mar walba ay ku cabanayeen
saxiibada aan shaqo wadaaga ahayn mudadii safarka oo ahayd in maamulka
Gorge W.Bush dadka u dhashay maraykanka dhaxalsiiyey dakano iyo eedaymo
ayan raali ka ahayn
Hadaba waxaan qormadan ku soo koobayaa waxaa rumowday riyadayadii
ahayd in BARAK OBAMA Noqonayo madaxwaynaha dalka maraykanka.
Halkan Ka DAAWO SAWIRO MUUJINAYA U RAJAYNTII GUUSHA BARAKA OBAMA

Anigoo u rajanaya Barak Guul sare habeenkii convention

ANIGA IYO CAROLEN OO MUUJINAYANA IN ARAGTIDU MIDAYN KARTO UMADAHA
KALA MIDBAKA AH ( Goobtii ololaha Doorashada ee Minnasota) sida aniga
iyo iyadu waxaan ka midaysanahay in OBAMA Guulaysto.

Anagoo Joogna Goobtii ololaynta si aan u muujino Tageeradayada

Ms Josephine oo ka timi dalka Nigeria kana mid ahayd kooxda Oo
taageeraysa Obama iyada oo xiran Funaanada halku dhegeedu yahay rajo
(Hope)

Ka qayb galkaygii goobtii loogu diyaariyey Minnesota in lagu
dhegaysto ku dhawaaqidii Xisbiga Demoqradiaga ahi ku dhawaaqay in OBAMA
uu yahay midka metelaya xisbiga dimoqradiaga iyo hadalkiisii
habeenkaas.
Qore: Asli Ahmed Mohamoud
L/H Bossaso Somalia
qodax38@gmail.com