SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

XISBIGA UDUB /SOMALILAND OO GUDOOMIYE CUSUB U MAGACAABAY LAANTIISA USA


Xisbiga xukunka haya dalka ee Udub, ayaa markii ugu horaysay u magacaabay gudoomiye cusub xafiiska Udub ee dalka Maraykanka. Jagadan Gudoomiyenimada ayaa loo magacaabay Mr. Yuusuf Budle oo deegaankiisa rasmiga ahi yahay cariga Maraykanka, gaar ahaan gobolka Minnesota oo ah meesha ay Soomaalida ugu badani degen yihiin dalka Maraykanka.

Warar xog ogaal ah ayaa sheegay in u magacaabida jagadan Gudoomiye cusub ay ahayd mid in muddo ahba la filayay ee aan ku iman si kedis ah. Ilaa afartii bilood ee ugu dambeeyayba waxa uu xisbiga Udub si gaar ah u raadinayay shaqsiyaad u qalma aassaska, hogaaminta iyo hore-umarinta laantan muhiimka ah ee USA.

Hadaba, Gudoomiyaha cusub ee xisbiga Udub, laantiisa USA Mr. Yuusuf Budle ayaa todobaadkan kasoo laabtay socdaal gaaban oo uu ku gaadhay dhulkii hooyo, kaas oo lasheegay in uu ku sal lahaa arrintan magacaabidda. Waxa uu socdaalkaas kula soo kulmay madaxda sare ee xisbiga, gaar ahaan xoghayaha guud ee Xisbiga Udub. Waxa kale oo uu Mudane Yuusuf socdaalkiisaas kula soo xaajooday madaxda sare ee xukuumadda Somaliland, sida Madaxweynaha Jamhuuriyadda S/land mudane Daahir Riyaale Kaahin iyo qaar ka mid ah golaha wasiirada ee S/land.

Haddaba su'aasha is weydiinta leh ayaa ah: Waa kuma Yuusuf Budle?

Taariikhda Yuusuf Budle


Yuusuf waxa uu ku dhashay magaalada Hargeysa, waxana uu waxbarashaddiisii hoose iyo dhexe ku qaatay magaalada Hargeysa, gaar ahaan dugsigii loo yaqaanay Xuseen Giire. Waxbarashada dugsiga sare waxa uu ku kala qaatay labada dugsi ee Faarax Oomaar iyo 26-ka June oo labadooduba ku yaala magaalada Hargeysa. Yuusuf waxa uu nasiib u helay in uu waxbarashada heerka jaamacadeed ku qaato jaamacada loo yaqaano Vrij University of Brussels ee ku taala caasumadda dalkaas Belgium ee Brussels. Waxa uu jaamacadaas ka qaatay sanadkii 1996 shahaadada loo yaqaano "Masters of Political Science", isaga oo uu takhakhuskiisu ahaa "European Politics". Isla sanadkaas ayuu Yuusuf u guuray qaaradda Amerikada woqooyi, halkaas oo uu ilaa hadda ku nool yahay dalka Maraykanka. Yuusuf waxa uu leeyahay xaas iyo 6 caruur ah.

Xisbiga Udub oo la moodo in uu muddo aad u dheer ka hurday xidhiidhka Ameerikada Woqooyi ayaa hadda lamoodaa in uu si weyn usoo toosay. Run ahaantii xisbiga ugu caansan qaaradda Ameerikada Woqooyi waxa uu yahay xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye, kaas oo lagu qiyaaso in uu haysto taageerada ugu badan ee dadka reer S/land ee ku nool qaaradan. Dadka indho indheeya arrimaha siyaasada S/land ayaa sheega in ugu yaraan 60% dadka reer S/land ee North Amerika ay si buuxda u taageeraan xisbiga Kulmiye, halka ay Udub haysato tiro aan ka badnayn 30%, halka uu xisbiga Ucid ka haysto taageero aan ka badnayn 10%. Ilaa hadda lama saadaalin karo sida uu Gudoomiyahan cusub ee Udub-USA wax uga bedelidoono sumcadda xisbiga Udub.

Mr. Yuusuf oo lagu tilmaamo dadka gacan saarka gaarka ah la leh, una dhuunta daloola dawladda Maraykanka ayaa la filayaa in aanay shaqadiisu ku koobnaandoonin arrimaha xisbiga oo keli ah, laakiin uu si gaar ah uga shaqayndoono mashaariicda dawliga ah ee ka dhexeeya dalka USA iyo S/land. Yuusuf oo aanu khadka tilifoonka ku waraysanay ayaa noo sheegay in ay tahay waajib diini ah in loo wada guntado wax u qabadka dadkeenii iyo dalkeenii. Waxa uu noo sheegay Mr. Yuusuf in arrinta tartanka siyaasadeed ee xalaasha ahi aanay ahayn mid aan aduun weynaha ku sasabanayno amaba aan wax kaga doonayno laakiin ay tahay mid kasoo jeeda, xidido adagna ku haysa dhaqankeenii suubanaa ee aan kusoo dhaqmaynay boqolaalka sanno. Waa in aan fahanaa in "Dimuqraadiyadu aanay inooga iman dibada ee aynu inagu asal u lahayn". Ugu dambayn waxa uu Yuusuf ku celceliyay in tartanka siyaasadeed uu u badnaado dalka gudihiisa, laakiin marka aan dibada usoo baxno ay "Wadaniyadu" ka horayso tan xisbinimada, iwm., isla markaana aan iska kaashano, mucaarid iyo muxaafidba, wax-u-tarka dalkeenii.


Xusuus: Ciddii rabta in ay si gaar ah ula xidhiidho Gudoomiyaha Cudub ee Udub-USA, waxa ay sitoos ah ugala xidhiidha kartaa E-mailka ah: udubparty@gmail.com

Maxamuud Maxamed (Rayiis)
Washington DC, USA

Faafin: Somalitalk.com | Dec 11, 2008

BayaanWarsaxaafadeed ka soo baxay Xarunta Abuubakar As-Saddiiq ee Minneapolis
:::Xarunta Abubakar oo ka jawaabtey dhallinyarada maqan
:::Waalidiinta oo soo Dhoweeyey Baaqa Xarunta Abuubakar
:::Khudbaddii Carafa -Xajka oo Soomaaliya lagu soo qaatay
:::Sidii looga ciidey Minneapolis, K/Afrika, Toronto & India
:::Sidii looga ciidey Garbahaareey,Dooloow, B/Xaawo, Luuq
Wararka oo dhan ka akhri halkan...... Dec 9

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS