Amb; Ahmedou Auld Abdullah " Ku Soo Noqoshada Sheekh Shariif Waa Mid
Mudan In Aad Loo Soo Dhaweeyo..."
Ergeyga gaarka ah ee arimaha siyaasada Soomaaliya Amb; Ahmedou Auld
Abdullah Qoraal aynu ka helney Xafiiska uu ku leeyahay magaalada
Nayroobi ayaa qoraalkiisa ku sheegey in uu soo dhaweynayo kusoo
noqoshada Magaalada Muqdisho Gudoomiyaha Is-bahaysiga Dibu-xoreynta
Soomaaliya Sheekh Shariif Sh. Axmed iyo wafdiga uu hogaaminayo, laba
sano kadib.
" ku soo noqoshada sheekh shariif waa mid mudan in aad loo
soo dhaweeyo, waxaana ku guubaabinayaa dhamaan madaxda Soomaalida in ay
meel iska dhigaan khilaafkooda, fursadna siiyaan geedi socodka nabada,
inta aan ku guda jirno waqtigaan muqadaska ah, wax kasta oo siyaasad ah
ee ay kala aaminsan yihiin ama ay ukala jan-jeeraanba, inay heshiiyaan
horeyna u mariyaan dibu-heshiisiinta, nabadgelyadooda, midninadooda iyo
sharaftooda" " ayuu ku yiri qoraalkiisa Ahmedou Auld Abdullah, isagoo
ugu baaqayey hogaamiyeyaasha siyaasada soomaaliya ee la ciir ciiraya
daadinta dhiiga shacabka.
laakiin tegitaanka Sheekh Shariif iyo hadalka wakiilka Qaramada
Midoobey ayaa ku soo beegmaya xili heshiiskii lagu balansanaa bixitaanka
ciidamada Ethopia uu mugdi ku jiro, iyadoo meelo badan laga hadal hayo
in ay dib ugu soo noqdeen ciidamada Ethopia, islamarkaana ciidamadii
hore ay u balanqaadey Qaramada midoobey aan wali la hayn saa saantii ay
ku imaan lahaayeen, waxaadna moodaa Qaramada midoobey in ay lug u laaban
tahay, marka dib loo eego qoraaladii kala duwanaa ee ay hore u
sixiixeen, halka xoogaga ka soo horjeeda joogitaanka Ciidamada Ethopia
oo ay ugu horeeyaan aad moodo in ay ku socdaan wadadii seefaha daadiya
dhiig badan oo aan loo meel dayin, taasoo caqabad ku ah jiritaankooda,
danta shacabka iyo dalka soomaaliyeed.
WARSAXAAFADEDKII UN::::
XAFIISKA QARAMMADDA MIDOOBAY U QAABILSAN ARRIMAHA SIYAASADDA
SOOMAALIYA
War-Saxaafadeed, 0036/2008
Ergygga Gaarka ah ee Qarammadda Midoobay oo soo dhoweeyey
ku soo noqoshada Muqdishu ee Sheikh Sharif
Nairobi, 10 Diseembar 2008- Ergygga Gaarka ee Qarammadda
Midoobay u Qaabilsan Arrimmaha Soomaaliya, Ahmedou Ould-Abdullah
aya soo dhoweeyey ku soo noqoshada uu ku soo noqday Muqdishu
Saakayto Godoomiyaha Isbaheysiga Dib-uxureynta Soomaaliya,
Sheikh Sharif Sheikh Ahmed ka dib markuu ka maqnaa Muqdishu ku
dhowaad laba sanno.
“Ku Soo noqoshada Sheikh Sharif ee Muqdishu waa talaabo mudan
in aad loo soo dhoweeyo” ayuu yiri Mudane Ould-Abdullah.
Inta aan ku jirnno Ciidul-Al–dhaxa, Mudane Ould-Abdullah,
wuxuu markii labaad ug baaqay dhammaan dadka Soomaaliyeed,
waxkasta oo Siyaasad ah ee ay kala aaminsanyihiin ama u kala
janjeeraanba, in heshiiyaan, horey-u-mariyaan dib u
heshiisiinta, nabadgelyada, midnimadooda iyo sharftooda.
“Inta aan ku guda jirno waqtigaan muqadaska, waxaan ku
guubaabinaya dhamman madaxda Soomaaliyeed in meel iska dhigaan
khilaafkooda, fursadna siiyaan Geedi Socodka Nabada”, ayuu yiri.
For more information, please contact: Susannah
Price, Public Information Officer, UN Political Office for
Somalia (Nairobi, Kenya) Tel. + 254207621192 (o) 0r +254733
902020 (m) or Donna Cusumano +254 737 400133.
WARSAXAAFADEED KALE EE UN
XAFIISKA QARAMMDDA MIDOOBAY U QAABILSAN ARRIMAHA SIYAASADDA SOOMAALIYA
WAR SAXAAFADEED 0035/2008
Maalinta Xuquuqul Insaanka, ayuu Ergaygga Gaarka ah ee Qarammada Midoobay ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay joojiyaan dhaqanka ku fadhiya waxa lagu magacaabo ‘impunity’-denbi gal hadana iska soco.
Nairobi, 10 Disembar 2008- Maanta waa sannad-guuradii lixdanaad (60-danaad) ee
markii la soo saaray Bayaankii Caalamiga ahaa ee Xuquuuqul Insaanka, waana
bayaan loo sameeyey in si dhab ah ay u aqoonsadaan Dawladaha iyo dhammaan shucuubto ka
jirta dunida xurmada uu leeyahay bani aadanku meel-walba ha joogee. Arrintaani
waxay udub dhexaad u tahay xaqa asaliga ah ee baniaadanku u leeyahay in uu helo xurmo
iyo cadaalad.
Xusuusta maalintaan weyn darteeda, dhammaan dunida waxaa ka dhacaya xaflado. In
kasta oo loo dabaaldegayo sannad-guuradii lixdanaad ee Bayaanka Caalamiga ah ee
Xuquuqul Insaanka, haddana dadka Soomaalyieed weli ma aysan helin xuquuqda ku
cad Bayaankaan sida ay u helayaan rag, haween iyo caruurba fara badan ee dunida
jooga. In kasta oo falka burcad badeednimada ah ee ka jira baddaha Soomaaliya uu soo
jiitay dareenka dunida, hadana arrintani waa in aysan daboolin ama qaranin xaqiiqdada
dhabta ah, taas oo ah in malaayiin Soomali ah ay ku nool yihiin gaajo iyo macluul oo ay
usii weheliso colaad iyo nabad gelyo la’aan.
Wax-yeelooyin ay ka mid yihiin dil, cadaabids, kufsi, weerar aan-kala soocid laheeyn ee loo geeysto dadka rayadka ah, handadaad
iyo cagajugleen aya si joogto ah uga dhaca dalka, waxna lagama qabto. Xuquuqada
dadka ay u leeyihiin helitaanka Cuntada, Biyaha, Tacliinta iyo Caafimaadka ayeey dadka
Soomaaliyeed si joogta ah ay u la’a yihiin- arrintan oo meelo ka mid ah dunidaan
si caadi ah looga helo. Malaayiin Soomaali ah ayaa qaxooti ah, qaarna waa la barakiciyey,
qaar kalena waxay u baahan yihiin kaalmo degdeg ah, tirada dadkaanina si joogta ah
ayey u kordheysay laga bilaabo sannadka 1991.
Kuwa naftooda halista u geliyey si ay kaalmo ugu fidiyaan dadka rayidka ah,
isla-markaasina u soo bandhigaan xad-gudubyada dadka loo geeysto ayaa toos loo
ugaarsadaa ayagoo la-afduubayo, lana jir-dilaayo ama la dilayo-ba. Dadkaani waa
difaaciyaasha Xuquuqul Insaanka, Shaqalaha Gargaarka, iyo Suxufiinta.
“Maanta oo ay tahay maalinta xuquuqul insaanka iyo Sannad Guurada Lixaad ee Bayaanka Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka, waxaan si gaar ah ugu baaqaya dadkaSoomaaliyeed in ay qaadaan talabooyinka lagu joojinaayo xadgudubyada iyo gabood-falkuba, lana dhameeyo arrinta ah denbi-gal haddana iska soco (impunity), ayuu
Ergayga Gaarka ah ee Qarammadda Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, Ahmedou Ould
Abdallah.
“Madaxda dhinacyada kala gedisan, iyo Kooxaha ku lugta lahaa arrimahani ilaa
sannadka 1991 waa in ay mas’uuliyadda qaadaan lalana xisaabtama. Ciqaabidda kuwa ku
xadgudbaxuquuqul insaanka iyo badbaadinta dadka jilicsan ama maatada ah, waa mas’uuliyad
Caalami ah.”
“Waxaan soo dhoweynayaa heshiiskii dhowaan dhex-maray Dawladda Federaalk Ku-meel-gaarka ah, Isbahaysiga Dib u Xureynta Soomaaliya iyo Wakiilo ka socday
Bulshada Rayidka ah, laguna dhisaayay Guddi Wadajir ah ee Qaabilsan Arrimaha Cadaaladda.
Baadigoobka habka wax looga qabanaayo Denbi-linimada- impunity waa in ay ka mid
ahaata Ajendaha ugu muhimsan arrimaha Soomaaliya. Denbi-linimadu- impunity waacadowga nabadda iyo dib u heshiisiinta, labadan arrimood (peace and
reconciliation)majiri-karaan cadaalad la’aanteed” ayuu yiri Ahmedou Oul Abdallah.
Waxii war dheeraad ah fadlan la xariir: Susannah Price, Sarkaalka warbaahinta
guud, Xafiiska Qaramad Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, (Nairbo-Kenya Tel. + 2542-076
21 192 or+254-733 902 020 (mbl)
.....
Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Jabuuti
fatxumaalik@hotmail.com