SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Hayada Yaxye Foundation oo (Dec 10, 2008) si weyn u xustey Maalinta Xuquuqda Aadamaha
 

Sawirada Halkan ka daawo....


xaflad si weeyn loo soo agasimey oo ay soo qaban qaabisay hayada xaquuqul insaanka ee Yaxye Foundation ayaa maantey lagu qabtey hotelka weyn ee barkaat ee magalada nairobi xafladaaso lagu casumey qeebaha siyaasada dalka isku hayo bulshada qeebahaeda kal duwan waxaan halkaasi ka hadlay siyaasiyiin aqoon yahno iyo madax ka soctey bulashada rayidka qeebaheda kal duwan masuuliyintii ka soo qeeb gashey waxaa ka mid ah guddoomiye ku xigeenka isbaheysiga dibxureenta dalka mudane suldaan maxamed suldaan garyare sidoo kale waxaa ka hadley guddoomiyaha gobolka hiraan ee maamulka dowlada kumeel gaarka ah mudane maxamed maxamuud dhagaweyne sidoo kale waxaa ka hadley cabdikarin yoodax oo katirsan xariirka kubada cagta soomaaliyed guddoomiyaha suxfiyiinta dibad jooga ee soomaaliyed fuaad maxamed cilmi fuaad deeqsi gudoomiyaha hayada PASOS maxamed jimcaale cali madaxa hayada tababarada kalsan xasan nuur maxamed boqol jiroow Cabdinaasir maxamuud cumar zeero oo ka mid ah wariyaashi ugu cansanaa ee soomarey dalka iyo Suldaan cabdikarin suldaan maxamed suldaan maxamuud oo ku hadliyay magaca salaadinta soomaaliyed dhamaan musuuliyinti halkaas ka hadashey waxay qireen in malinta xaquuqda aadanaha ay tahay malin qof kasta ku weyn oo qiimo u leh dayoowga caalmka oo dhan waxaayna si gaar ah ay uga hadleen dhibaatoyinka tacadiyada ka dhacayo dalkena soomaaliya kuwaaso ay shegan in ay tahay wax laga xumaado in mudo ku dhow labatan sano ay soomalidu ay colaadooda ay tagantahay hatana loo bahanyahay in wax laga qabto xadgudubyada loogaysaniyo shacabka soomaaliyed ee bahan nabada iyo dowladnimo loo dhan yahay ugu danbeenti waxaa halkaas ka hadalay guddoomiyaha hayada Yaxye Foundation mudane mahad shiiq cali cibaar isgoo u mahad naqey ka soo qeeb galiyash xaflada quruxda badan isgoo sheegay in ka hayad ahaan ay ka shaqeen doonaan wax qabshada shacabka soomaliyed dhanka xaquuql insanka mantayna ay tahay malin ku weyn aduunyada loona bahan yahay in wax badan laga qabto tacadiyada ka socdo dalkeena soomaaliya kuwa gesatan la soo taago sharciga si loo helo cadalad ay dadku ku dagaan waxaanu ugu danbenti uu halkaasi ka aqiriyay guddoomiyaha hayada Yaxaye Foundation mudane mahad sheeq cali cibaar baaq ay hayada yaxaye foundation ay maantey ugu talagashey saxaafada iyo dadka soomaaliyed meel kasto ay joogan iyo beesha calmka baqqsina wax uu ahaa sida tan

Hayada Yaxye Foudation Baaq Nabadeed soo sartey

waxaa maantay Baaq soo saartay Hayada Yaxye Foundation waxey ugu baaqday dhamaan kooxaha ku dagaalamaya dalka soomaaliya in ay joojiyaan dagaalada ka soconiyo dalka soomaaliya gar ahaan dagaalada ka socdo Caasimada soomaaliya iyo Gobolada dalka waxaayna ugu baaqeday in ay joojiyaan qeebaha isku hayo halkaas gacan ka hadalka iyo dagaalka ay ku dhimaniyaan dadka shacabka ah ee aan waxbo galabsan.

Sidoo kale waxay ugu baaqday heyada in la taageero dadaalka dib hashiisinta ay dowlada iyo isbaheysiga ku gareen dalka jabuuti wax kastoo dagaal keeniyan laga fogaado soomaalidana ay miiska wada hadalka isgu timaado. Qeebaha ka maqan wada hadalkan lagu soo daro miiska wada hadalada Baaqan ayaa waxaa soo saarey Hayada Yaxye Foundation

Ujeedo : Baaq


1:-Hay'adu waxay baaq u diraysaa Kooxaha Siyaasada Somalia inay joojiyaan Dagaalada ka soconaya Somalia,isla markaana arrinta Collaada loo baddalo Wadda haddal,iyadoo lagu salaynayo dhaqan galinta heshiiska jabuuti.

2:- Hay'adu waxay si buuxda u taageeraysaa Heshiis walbo oo lagaaro si dadka iyo dalka ay nabad balaaran u helaan

3.Sidoo kale waxay hay'adu Taageero iyo Mahadcelin u jeedinaysaa dhammaan inta gacanta ka gaysatay heshiiskaasi,oo ay ugu horrayso Qaramada Midoobay,Dawlada aanu walaalaha nahay ee jabuuti iyo Beesha caalamka sida hagar la'aanta ah ee ay u garab istaageen Qabsoomida heshiiskaasi. Jabuuti

4.hayaduwaxaay baaq ku aadan joojinta dagaalada ka socdo dalka soomaaliya wax ay
u jeedinaysaa Kooxaha ku dagaalamaya,iyadoo ugu baaqaysa in arrinta dagaaladaasi loo baddalo wadda haddal ayna ka qayb qaataan waxgaradka iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada halkaasi ku dhaqan si loo badbaadiyo noloshha shacabka soomaaliyeed ee ku dhaqan Deegaanadaasi.

5:-Hay'adu waxay cambaaraynaysaa falalka xad gudubka ah ee ay ciidamada Ethiopa ka wadaan gudaha dalka soomaaliya, iyo kuwa shi shisheeya eek u sugan gudah dalka
6Hay'adu waxay ugu baaqaysaa Hay'adaha deeq bixiya,Maalqabeenada Soomaaliyeed,iyo dhammaan jaaliyadaha soomaaliyeed ee ku kala nool Waddamada Caalamka inay kaalmo u fidiyaan Shacabka soomaaliyeed ee ku barakacay Dagaalada ka soconaya Soomaaliya.

7:-Ugu danbayntii waxay hay'adu ugu baaqaysaa Dhamman kooxaha isku haya siyaasada soomaaliya iyo dhammaan shacabka soomaaliyeed inay u guntadaan Hirgalinat Heshiiska Lagu gaaray Dalka jabuuti,kaasoo waddada u xaaraya Nabad iyo Is afgarad ka dhaca Waddanka soomaaliya oo dhan lagan soo qeeb giliyo kuwa ka maqan shirkaas si uu najaxo shirkaas ay wado beesha caalamka
Sanadkaan sandkiisan shacabka soomaaliyed waxan rajeeneena in ay ku gaaran midnimo iyo dowlad nimo loo dhan yahay

Baaqas oo ku saxiixna guddomiyaha hayada Yaxye Foundation mudane mahad sheeq cali cibaar ayaa lagu soo gab gabeeyay
Fuaad maxamed cilmi fuaad deeqsi Nairobi Kenya

la xiriir: nuure1000@hotmail.com

Faafin: Somalitalk.com | Dec 11, 2008

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS