SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Musharax Aadan Maxamed Ciise (Gaadaale) oo ka qeyb galay xuska maalinta Xuquuqul Insaanka Aduunka

Xuska maalinta xuquuqul insaanka aduunka oo uu soo qaban qaabiyey ururka waddaniga ah ee INXA ayna dhaqaale ku bixisay hay'adda DIAKONIA ayaa maanta ka dhacay hoolka shirarka Wasaaradda haweenka iyo horumarinta qoyska.
Shirka waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin ka socota dowladda, aqoonyahanno, siyaasiyiin, odayaasha dhaqanka iyo haweenka iyo musharrixiin.

Kadib furitaankii shirka oo ay ka hadleen masuuliyiin ka socota dowladda iyo qeyb ka mid ah musharixiinta ayaa waxaa lagu soo dhoweeyey Musharax Aadan Maxamed Ciise (Gaadaale) in uu ka hadlo munaasabadda.

Musharax Aadan Maxamed Ciise (Gaadaale) ayaa hadal munaasabadda ku saabsan ka jeediyey goobta isaga oo tilmaamay macnaha xuquuqul insaanka iyo waxa uu ka koobanyahay, waxaa musharruxu tilmaamay in qof kastaa uu xaq u leeyahay nolol, nabad, xorriyad fikir, xorriyad socod, iyo in uu helo baahiyaha asaasiga ah.

Wuxuu musharruxu sheegay in diinta islaamku ay ka hadashay dhammaan wuquuqda noocyadeeda.

Musharruxu wuxuu tilmaamay in dhibaatooyinka xuquuqul insaanka ugu daran ay ka jiraan waddankeenna, isaga oo sheegay in la takooro qeyb ka mid ah bulshada iyada oo wax ay dadka kaga duwan yihiin aanay jirin wuxuuna yiri "Waxaa jira dad ina ka mid ah oo laga takooray guurkii iyaga oo wax lagu takoorayo aan la garanay, af lagu takoori mayo, midab lagu takoori mayo, diin lagu takoori mayo".

Waxaa kaloo uu sheegay in xuquuqda siyaasadda reer Puntland oo dhan ay ku kooban tahay oo keliya 66 qof in ay codeeyaan loona codeeyo waxaana hadaladiisi ka mid ahaa "Dadka reer Puntland waa wax ku dhow 4 milyad oo qof, waxaa xaq u leh in ayn wax doortaan 66 qof oo kaliya iyadoo bulshada inteedi kale aysan lahayn wax xaq siyaasadeed ah, waxaana jira in ka badan 40 beelood oo aan barlamanka hal qof ku lahayn taasina waa dulmi weyn oo laga galay xuquuqdii bulshada" isaga oo musharruxu ballan qaaday in uu dalka ka hirgalin doono doorasho xor ah oo qof kasta codkiisa wax ku dooran karo lana dooran karo haddii uu ku guuleysto madaxtinimada Puntland.


Musharax Adam Mohamed Esse
|


Musharax Adam Mohamed Esse (Gaadaale) oo ka hadley doorashada


Musharax Aadan Maxamed Ciise (Gaadaale) ayaa shir saxafadeed uu ku qabtay hoygiisa waxaa uu ugu waramay arrimaha doorashooyinka Puntland iyo sida ay dadweynaha ugu qeyb qaadan karaan ololahaasi, isagoo ka soo saaray qodobo u muuqday adkeynta amaanka xarunta ay ka dhaceyso doorashada Madaxtinimada Puntland ee Garoowe, wuxuuna u qornaa Warsaxaafadeedka sidan:

December 7, 2008


Presss Release / War Saxaafadeed


Sidee dadweynuhu uga qayb qaadan karaan Doorashada ku soo aaddan dhowaan:
Dadweynuhu waxay uga qeyb qaadan karaan;
In si wada jir ah loo ilaaliyo nabad gelyada dalka guud ahaan, waayo haddii nabad gelyadu ka sii xumaato halkay maanta joogto oo aan ahayn mid lagu faani karo, waxaan shaki lahayn in ay dhaawac weyn u geysanayso doorashada.

Haddaba iyada oo ay muhiim tahay in la ilaaliyo nabad gelyada guud ahaan, haddana waxaa lagama maarmaan ah in si wada jir ah loo ilaaliyo nabad gelyada iyo xasilloonida magaalada caasimadda u ah Dawlad Goboleedka Puntland ee Garoowe, taas oo ah meesha ay doorashooyinku ka dhacayaan. Haddaba si ay arrintaasi u hirgasho waa in la qaadaa tallaabooyinka soo socda:

In la dhiso ciidan suga ammaanka caasimadda, ahna ciidan isku dhafan, lehna hal meel oo uu ka amar qaato.

In la joojiyo hubka magaalada lala dhexmaraayo guud ahaan gaar ahaanna midka cul-culus iyo gawaarida gaashaaman.

In wacyi gelin joogto ah la siiyo dhammaan qaybaha bulshada ee gobolka aad iyo aad looga codsado in ay si wadajir ah u sugaan ammaanka magaalada.
In laga mam-nuuco ama laga hortago in ciidammo-beeleed, ama kuwa dawladeed ama kuwa murashixiin ay soo galaan magalada Garowe ama ay yimaadaan agagaarkeeda. Waayo waxay keeni kartaa in ay si fudud isugu dhacaan, keenina karta cawaaqib xumo dhan walba ah.

In la sameeyo guddi sare oo ka kooban toddobada gobol ee dalka Puntland. Shaqadadooduna ay tahay kormeerka ciidanka ammaanka magaalada iyo in ay la socdaan dhaq-dhaqaaq kasta magaalada, hubiyaanna dadka soo gelaaya ama ka baxaaya magaalada maalmaha doorashadu ay socoto.

In ay dadweynaha reer Puntland ay xooggooda isugu geeyaan sidii doorashadu ay caddaalad ugu dhici lahayd. Si arrintaasi ay u rumowdana waa in la qaadaa tallaabooyinkaan:

  • Guddiga xallinta khilaafaadka Baarlamaanku waa in uu noqdaa mid ay isku waafaqsan yihiin ama soo wada xulaan; Isimmada, Musharrixiinta, nabadoonnada iyo ciddii kale oo wax garadka reer Puntland ah oo loo garto.
  • Guddiga doorashooyinka guudna waa in uu noqdaa ama loo soo xulaa sida loo soo xulaayo guddiga aan kor ku soo sheegay.
  • In wixi ay musharrixiinta iyo dawladdu isku qabtaan lagu wareejiyo Isimmada si ay caddaalad ugu xalliyaan.
  • In laga joojiyo dawladda in ay ku takrifasho xoolaha dadweynaha, ayna ku kala gadayso shacabka baahan.
  • In la casumo dad ka socda Beesha Caalamka si ay u eegaan habka ay u dhacayso doorashada Puntland. Si weyn ayaana adduun weynuhu u danaynayaa in ay ogaadaan bal in ay tahay doorasho sax ah waxa ka dhacaya DGP iyo in ay tahay magac aan macnihiisii wadan.

In hadday doorashadu caddaalad, is xaq dhawr iyo nabadgelyo ku dhacdo loo wada hoggaansamo natiijada ka soo baxda, si wada jir ahna loo taageero, lalana shaqeeyo ciddii ku guuleysata.

Waxaan aad iyo aad uga digayaa in ay doorashadu noqoto mid ku dhisan: khayaano, been abuur ama xoog ku muquunin, in ay arrintaasi keenayso dhibaato iyo dagaallo baa-bi'in kara jiritaanka dadka iyo dalka reer Puntland.

Ugu dambayntii waxaan u rajaynayaa dadweynaha reer Puntland in ay helaan nooca dawladnimo ee ay ku taamayaan taas oo ku dhisan: caddaalad, sugidda ammaanka dalka, soo celinta gobollada maqan, kobcinta dhaqaalaha, xoojinta waxbarashada, soo celinta xuquuqda haweenka iwm.


CIID WANAAGSAN
Adam Maxamed Ciise (Gaadaale)

La xiriir
info@adamesseforpresident.com

Faafin: Somalitalk.com | Dec 11, 2008

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS