Koobkii Ciidul Adxaa Ee Shirkad Kaah Express Koonfur Afrika
Sawirada Ciuyaaraha K/Afrika Halkan ka daawo....
Waxaa maalinti Isniinta aheyd oo ay taariiqdu ku beegneyt 8 December la qabtay
koob Kubada Cagta ah oo loogu Xusayay Ciida barakaysan ee Ciidul Udxaa ayna soo
qaban qaabisay Shirkad Xawilada Kaah Express Xafiiskeeda Koonfur Afrika.
Ciyaartan ayaa lagu Xusayay Ciida barakaysan ee Ciidul Udxiyah islamarkaana
waxaa marti loo ahaa Kooxda Xiin Finniin ee Magaalada Johannesbrug iyadoo 3da
Kooxooda ee kalena ay ka yimadeen gobalada kala ah North West iyo Eastern Cape
ee dalka koonfur afrika.
Shirkada Xawilaada Kaah Express Xafiiskeeda Koonfur Afrika oo qabatey tartankaan
ciyaareed ee lagu wayneynayay Ciidul Adxaa laguna qabtey Garoobka Kooxda Orlando
Pirates ee magaalada Johannesbrug.
Ciyaarta ayaaa bilaabatey abaarahii 2dii Duhurnimo Xiliga Koonfur Afrika,
waxeeyna dhex mareysay 4 kooxood oo kala ah Xiin Finniin, Laalays, Restunberg
Stars, iyo King Stars oo dhamaantood soomaali ah oo ka kala yimid gobolada
Gauteng, North West iyo Eastern Cape.
Ciyaaraha kooxaha dhex maray oo ahaa nooca la yidhaahdo (Knock-out) ama is
reebitaanka aan soo noqoshada lahayn ayaa waxay ciyaartii hore dhex martay
kooxaha Laalays (Johannesburg) iyo King Stars (King Williams Town). Labadan
kooxood ayaa waxaa dhex maray ciyaar aad u culus oo runtii dadwaynahii ka soo
qayb galay ay u riyaaqeen. Ciyaartan ayaa ku dhammaatay 2 gool oo ay dhaliyeen
kooxda Laalays iyo Kooxda King Stars oo aan waxba dhalinin. Madaxa kooxda King
Stars Mudane C/Qafaar Sh Maxamed ayaa u tiirayay guuldarada kooxdiisa iyaga oo
aad u daalanaa maadaama oo ay soo safreen masaafo ka badan 1100km isla maalintii
ay yimaadeena ay ciyaarta horay ka galeen.
“Runtii waa nala gaaday laakiin aduun dib u badan, waxaan rajaynaynaa inaan reer
Johannesburg fagaare kale isku helno. Waxaan Shirkada Kaah Express Xafiiskeeda
Koonfur Afrika ka codsanaynaa inay munaasabado kale noo diyaariyaan” ayuu yidhi
C/Qafaar Sh Maxamed.
Ciyaarta kale waxay dhex martay kooxda Restenburg Stars iyo kooxda Xiin Finniin.
Ciyaartan ayaa ahayd mid in muda ahba laga shin tirinayay sababtoo ah labada
kooxoodba waa kooxo si wayn u dhisan oo mudo ciyaarayay. Mana ahayn laba kooxood
oo isku cusub ee runtii waa ay isu ciil qabeen maadaama oo ay marar hore fooda
is dareen.
Ciyaartan ayaa 90kii daqiiqo la isku mari waayay gabi ahaanba gool-gool ay
dhaliyeen mooyaane. Waxay ku dhammaatay barbar-dhac. Maadaama oo ay ahayd in
kooxdii badiso waxaa loo sameeyay hannaanka (Penalty) la yidhaahdo ama Gool ku
Laad. Nasiib wanaag garri laba nin kama wada qoslisee waxay laba kubadood oo
cayaartoyga Restunburg usoo laadeen qabtay gool-hayaha Xiin Finniin ninka la
yidhaahdo C/Raxmaan C/Maalik oo sida bisadu jiirka u qabsato isugu kooleeyay
kubadda. Halka laga qabtay kooxda Restenburg way dhaliyeen kooxda Xiin Finniin.
Waxaa haddaba ciyaartii kama danbaysta ahaa is hardiyay kooxaha Xiin Finniin iyo
kooxda Laalays. Labadan kooxood ayaa soo wada ciyaarayay 4 tii sano ee la soo
dhaafay oo aad isu tab yaqaana. Kooxdan Laalays oo ah koox ay ku jiraan
cayaartoy rug cadaa oo qaarkood Soomaaliya ka soo cayaari jireen ayaa lagu
naanaysaa “Ciyaartoyda Cuslaatay” halka kooxda Xiin Finniin uu ninka ugu wayni
yahay 25 jir. Dhinaca kale kooxda Xiin Finniin waxay bishii la soo dhaafay ee
November qaaday koobka Coca Cola ee magaalada Johannesburg. Hadaba nimankan
yaryari wax fursad ahba ma ayna siinin cayaartoyda cuslaatay oo 4 gool ayay
shabaqa ka cuskiyeen. Ciyaartiina waxay ku dhamaatay 4-0.
Waxaa xusid mudan in salaadihii Casarka iyo Makhribkaba ay dhammaan cayaartoydu
ku tukadeen garoonka iyada oo uu tujiyay Sh Axmed Wali Sh Muxumed oo ka mid ah
ducaada Soomaalida ee Koonfur Afrika iyada oo uu kalmad wacdi ahna soo jeediyay
Sh C/Jabaar Sheekh oo dhalinyarada ku buuriyay inay diintooda ku dhagadaan marka
ay jimicsanayaan. “Ninkii salaada casar kaga tagto garoonka ma uusan faa’iidin
ee waa uu khasaaray, marka ogaada diintiina jidhkiina dhista oo jimcsada” ayuu
yidhi Sh C/Jabaar.
Koobkan oo kharash xoog leh uu kaga baxay Shirkada Kaah Express ayaa waxaa lagu
qaybiyay funaanado fara badan oo magaca shirkada wata. Shirkadan Kaah Express
ayaa waxay maal galisaa ugu yaraan lix kooxood oo Soomaali ah oo kubbadda
ciyaarta oo gobolo kala duwan dagan.
Mohamed Ismail
mismacil@live.co.za
Johannesbrug
South Africa