Barnaamijkii Radio Xoriyo
09 December 2008.
Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga
Waxayeellooyin guaysigu u gaystay dadwaynaha
Diyaaradaha gumaysiga oo duqeeyay deegaanno Ogaadeenya ka mid ah
G/kuxigeenka 1aad ee jwxo oo magaalada Northampton ee U.K kula
ciiday jaaliyada Ogadenya ee magaaladaasi.
Oday dhaqameedyada gobolada Jubooyinka oo Al -Shabaab ku
eedeeyey inay kusoo duuleen deegaankooda iyo dadkooda.
Jwxo oo beenisay bayaana kasoo saartay inaysan ciidan onlf ah ka
joogin jubooyinka.
======================
Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga
Dagaallo dhawrkii maalmood ee u denbeeyay dhex-maray CWXO iyo
kuwa gumaysoga Itoobiya, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay
ugu yaraan 13 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay 15
askari, sidaas waxaa noo soo heegay wariyaha nooga soo warama
dalka Ogaadeenya. Dagaalladaasi waxay u dheceen sidatan;
04/12/08 Kood-Dhurwaa, oo Gudhis ka tirsan, waxaa weerar gaadmo
ah loogu gaystay ciidammo gumaysigu leeyahay, waxaana la
gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahitniisa la haynin.
01/12/08 dagaal ka dhacay Lama-daga, oo degmada Dannood ka
tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 3 askari, 4
kalana waa lagaga dhaawacay.
30/11/08 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar mir ah ku qaaday
ciidammada gumaysiga ee fadhigoodu yahay magaalada Shaygoosh,
waxayna weerarkaas kaga dileen 3 askari, 2 kalana way ka
dhaawaceen.
Isla 30/11/08 Laan-dheer dagaal ka dhacay waxaa ciidammada
gumaysiga lagaga dilay 2 askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay.
28/11/08 Dhabiley, oo Galaalshe ka tirsan, dagaal ka dhacay
waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 4 askari, 5 kalana waa
lagaga dhaawacay.
Isla 28/11/08 Ban-yare waxaa weerar mir ah loogu gaystay
ciidammo gumaysigu leeyahay oo halkaas hawlgal u tegay, waxaana
la gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
23/11/08 waxaa weerar mir ah lagu qaaday ciidammada gumaysiga ee
fadhigoodu yahay magaalada Fiiq, waxaana la gaadhsiyay khasaare
aan wali faahfaahintiisa la helin.
10/11/08 Maroodiga, oo Sallaxaad ka tirsan, weerar gaadmo ah oo
loogu gaystay ciidammo gumaysigu leeyahay, waxaa lagaga dilay 1
askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay.
Waxayeellooyin guaysigu u gaystay dadwaynaha
Ciidammada gumaysiga ayaa waxyeellooyin kala duwan u gaystay
dadwayne rayad ah oo ku kala sugan meelo kala duwan oo
Ogaadeenya ka mid ah. Waxayyeellooyinkani waxay u dhaceen
sidatan;
30/11/08 Laan-dheer waxay ciidammada nacabka ah ee gumaysiga
Itoobiya ku dileen nin culimo ah oo lagu agacaabo Sh Cabdi
Guud-cadde.
29/11/08 meesha lagu magacaabo Neef ku-celiye, oo Wardheer ka
tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku dileen nin shacab ah oo
lagu magacaabo Cabdi-Khadar Guhaad Cadhays.
10/11/08 Maroodiga, oo Sallaxaad ka tirsan, waxay ciidammada
gumaysigu ku dileen labo nin oo shacab ah oo lagu kala
magacaaboMacalin Axmed Ibraahim iyo In C/llaahi Caruus oo
magaciisa hore aanaan haynin.
02/12/08 Babaase, oo Qorile u dhaw, waxay ciidammada gumaysigu
ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Xiis Muuse Cabdi
2- Cumar Cabdi Axmed
3- Maxamed Cali Muuse
4- Faysal Muxumed Cabdille
5- Khadar Xuseen Ismaaciil
6- Axmed Xuseen Ismaaciil oo ay isaga 5 Qori ka dhaceen.
30/11/08 magaalada Yucub waxay ciidammada gumaysigu ku
xidhxidheen dad shacab ah oo aan magacayadooda ka hayno;
1- Cali Jaamac Axmed
2- Cali AxmedGaab
3- Axmed Cabdille
4- Cumar Bashiir Jaamac
5- Dayr Dhuub
6- Yuusuf Fiixiye
7- Cali Siigaale oo ay 10 Adhi ahna ka dhaceen.
29/11/08 Nus-dariiqa waxay ciidammada gumaysigu ku xidheen nin
waayeel ah oo lagu magacaabo Xaaji Cabdi Samatar.
Isla 29/11/08 Birqod waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen
dadka kala ah;
1- Axmed Nuur Cali Siyaad iyo
2- Saafi Axmed Deeq.
27/11/08 Shilaabo waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen ugu
yaraan 50 qof oo shacab ah, waxaanan magacyadooda helnay;
1- Makhtal Adeec
2- Faysal Xasan xarbi
3- Xasan Cabdille
4- Sh Xasan Nadiif iyo
5- Faysal Cagalaab.
23/11/08 Fiiq waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dad aad
u badan oo shacab ah, hase yeeshee waxaan magacyadooda helnay;
1- Sureer Axmed Daahir iyo
2- Nimco Ibraahim
01/12/08 Aftinta, oo Awaare ka tirsan, waxay ciidammada
gumaysigu Aqallo iyo hanti akle kaga gubeen dadka kala ah;
1- Nuur Abshir, oo ay hal Aqal iyo 4 Kiintaal oo Raashiin ah ka
gubeen
2- Maxamed Good, oo ay isagana hal Aqal iyo 4 Kiintaal oo
Raashiin ah ka gubeen.
01/12/08 magaalada Yucub waxay ciidammada gumaysigu ku qasheen
hal Awr oo roroy ah, kaasoo dadka isla lahaa aanaan wali
magacyadooda helin.
17/11/08 Sallaxaad waxay ciidammada gumaysigu xoolo kala duwan
kaga dhaceen dadka kala ah;
1- Suldaan Mahad oo ay 90 Adhi ah iyo 3 Geel ah ka dhaceen
2- C/raxmaan Sh C/llaahi oo ay 25 Adhi ah ka dhaceen
3- Sh C/llaahi Jiriqsade oo ay 1 Sac ka dhaceen
4- Xasan Xabiib Maxamed oo ay isagana 3 Geel ah ka dhaceen.
28/11/08 meesha lagu magacaabo Dhabiile waxay ciidammada
gumaysigu 20.000 oo Bir kaga dhaceen Cabdi Mahad Maxamed Xuseen
oo ay la tageen, ilaa iyo haddana aan laga warhaynin meel ay
geeyeen.
Waxaa kaloo jira dad badan oo lagu xidhxidhay magaalooyinka
Jigjiga, Dhagaxbuur, Qabridaharre iyo Wardheer, kuwaasoo la
sheegayo in qaarkood lagu xukumay 2-3 sano oo xadhiga. Wali
nooma ayna suuragalin inaan dadkan magacyadooa helno.
Dhinaca kale toddobaadkii u denbeeyay waxaa magaalada Jigjiga
shirk u lahaa maamulka waxa Kililka loogu yeedho, waxaana
shirkaas lagaga hadlayay sidii loo xojin lahaa cadaadiska
dadwaynaha lagu hayo.
Diyaaradaha gumaysiga oo duqeeyay deegaanno Ogaadeenya ka mid ah
Ciidammada gumaysiga ayaa markii ay ku guul darraysteen inay
cudud ku muquuniyaan CWXO waxay hadda billaabeen inay
adeegsadaan Diyaaradaha qumaatiga u kaca, kuwaasoo toddobaadkii
u denbeeyay ay ku weerareen deegaanno kal duwan o Ogaadeenya ka
mid ah.
Diyaaradahan ayaa intii u dhaxaysay 4 - 6/12/08 waxay duqayn u
gaysteen deegaanno Farmadow ka tirsan, iyagoo waxyeellooyin kala
duwan gaadhsiiyay dadka rayadka ah ee deegaannadaas ku dhaqan.
Diyaaradahani ayaa sidoo kale ciidammo ku daadiyay deegaanka
Farmadow, arrintaasoo horseeday cabsi iyo argagax la soo dersa
dadka rayadka ah iyo xoola dhaqatada deegaannadaas ku dhaqan.
Diyaaradahan, oo 6 ka kooban, waxay ka kacayaan magaalada
Qabridaharre, waxaana lagu soo warramayaa in toddobaadkii hore
halkaas la keenay.
09 December 2008
Halgan Guuleed
Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee
dhererkeedu yahay 7560 KHZ,iyo internetka
Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada & Sabtida 5:00PM
– 5:30 waqtiga Afrikada Bari
Faafin: Somalitalk.com | Dec 11, 2008
Warsaxaafadeed ka soo baxay Xarunta Abuubakar As-Saddiiq
ee Minneapolis
:::Xarunta Abubakar oo ka jawaabtey dhallinyarada
maqan
:::Waalidiinta oo soo Dhoweeyey Baaqa Xarunta
Abuubakar
:::Khudbaddii Carafa -Xajka oo Soomaaliya lagu soo qaatay
:::Sidii looga ciidey Minneapolis, K/Afrika, Toronto & India
:::Sidii looga ciidey Garbahaareey,Dooloow, B/Xaawo, Luuq
Wararka oo dhan ka akhri
halkan...... Dec 9
|