SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Bisado u Baahan in la Taakuleeyo

Shiikh Cabdirisaaq “ Dadka Xaafadda Taleex ma sii wadi karaan quudinta Bisahada ee garab ha nala siiyo”

Marka ay Dagaalo dhacaan Dagaaladaas Dadka kaliya ma saameeyaan xitaa waxay saameyntaas gaartaa Xayawaanka markaas la nool Aadanaha kuwaas oo ay soo wajahdo Gaajo Daran iyo Daruufo kala duwan hadaba aniga oo arintaas ka duulaya ayaa waxaan u kuur galey dhibaatada ku dhacdey Bisadihii ama Mukulaalihii dad la dhaqmi jirey ka dib markii ay ka carareen dadkii ay la noolaayeen waayo bisad kasta cid bay ku tiirsaneyd si toos ah iyo si aan toos ahaynba

Dadka deegaanka Taleex oo ahaa dadkii ugu dambeeyey ee ka qaxa Xaafadaas gaar ahaan dagaaladii dhacay bishii Ramadaan ayaa meel ku dhow Masjidka Ramadaan oo ay isugu soo urureen dadka ka soo qaxay isla deegaankaas ayaa bilaabey in ay taakuleyn balaaran u fidiyaan Bisadahaas ka dib markii ay arkeen in ay gaajo u dhiman rabaan waxaan la saarey Gudi uu madax u yahay Shiikh Cabdirisaaq Cabdi Xuseen oo loo yaqaan Usaama khaadumna ka ah Masjidka Ramadaan ee xaafadda Taleex waxaana la qorsheeyey in lacago loo aruuriyo Bisadahaas si subax weliba Hilib loogu soo gado waxaana subax weliba ku baxa lacag gaareysa 135 kun oo u dhigan 4 doolar waxay taakuleyntaas socotey Ilaa sadexdii bilood ee ugu dambeeyey.

Mukulaalaha la quudiyo waxay gaarayaan 100 bisadood iyo in ka badan oo dhowr goobood wax lagu siiyo.

Shiikh Usaama oo oo subax weliba u doono hilibka Bisahaas ayaa inta uusan imaan bisaha waxay ku soo ururaan waddo laami ah oo dhex gasha xaafadda Taleex , marka ay arkaan Bidhaantiisa iyo Bacda Madow ayey orad istaabtaan qaarkood dusha ayey ka fuulaan qaarkood wayba la soo lugeeyaan inta uu ka imaanayo goobta quudinta waxaase layaab leh in dhowr dhalinyaro ah loo dhiibo Ulo si ay uga ilaaliyaa Bahsha Dafada ama Haada la yiraado oo iyadu dooneysa in ay xoog bisadaha wax uga qaadato inkastoo mararka qaar loo tuuro hadda dadka ayaa waxay yiraahdaan waa ka qaraab badan tahay Bisadaha

Dadka degen Xaafadda Taleex oo u badan dad ka soo barakay guryahoodii ayey waxay isugu jiraan dad Ilaalia Guryaha iyo kuwo la soo dul degay gaar ahaan agagaarka Masjidka Ramadasan ayaa waxay ku cuslaatey in ay sii wadaan Taakuleyntaa waxay ka codsanayaan ummadda soomaalieed ee ku dhaqan dibadah iyo cid kastaa in kala qaybqaataan samatabixinta iyo quudinta Bisadaahaas inta dadka ku soo noqonayaan Guryahooda

Wixii Taakuleyn ah waxaa u soo hagaajinayaa

Shiikh Cabdirisaaq Cabdi Xuseen (Usaama )

Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Tel 0025215532494
0025215910882

Faafin: Somalitalk.com | Dec 10, 2008

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS